{"id":2955,"date":"2014-12-31T11:26:40","date_gmt":"2014-12-31T11:26:40","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=2955"},"modified":"2014-12-31T11:26:40","modified_gmt":"2014-12-31T11:26:40","slug":"falastiin-oo-ku-fashilantay-mooshin-ka-dhan-ah-israiil","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2014\/12\/31\/falastiin-oo-ku-fashilantay-mooshin-ka-dhan-ah-israiil\/","title":{"rendered":"Falastiin oo ku fashilantay mooshin ka dhan ah Isra\u2019iil"},"content":{"rendered":"<p>Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay (habeenimadii Salaasada) cod u qaaday mooshin ka dhan ah maamulka Isra\u2019iil.<\/p>\n<p>Mooshinkan oo uu soo diyaariyey maamulka Falastiin ayaa waxaa Golaha Amaanka horkeenay Wadanka Urdun (Jordan) oo hada xubin ka ah golahaasi, wuxuuna mooshinkan qorayey in Isra\u2019iil ay isaga baxdo dhulka ay xooga ku heysato dhamaadka sanadka 2017.<\/p>\n<p>Mooshinkan ayaa u baahnaa ugu yaraan 9 cod ee xubnaha 15ka ee golaha Amaanka balse, mooshinkan ayaa helay 8 cod oo kaliya, Falastiiniyiinta ayaa waayey hal cod oo kaliya oo ay ku helaan tiradda codadka ay u baahnaayeen.<\/p>\n<p>Wadamada Nigeria iyo Rwanda oo kamid ah dalalka Afrikaanka ee hada xubnaha ka ah Golaha Amaanka ayey ku tashanayeen Falastiiniyiinta inay codkooda helaan, balse labadaasi dal ayaa ka gaabsaday codkooda inay ka dhiibtaan.<\/p>\n<p>Waxaa Mooshinka Taageeray dalalka kala ah:<br \/>\nJordan, China, France, Russia, Luxembourg, Chad, Chile, Argentina.<\/p>\n<p>Waxaa Mooshinka Diiday dalalka kala ah:<br \/>\nUSA &amp; Australia<\/p>\n<p>Waxaa Mooshinkan ka aamusay:<br \/>\nUnited Kingdom, Lithuania, Nigeria, South Korea, Rwanda.<\/p>\n<p>Raysalwasaaraha Isra\u2019iil Benjamin Netenyahu ayaa codbixintan kadib saxaafada la hadlay isagoo Mahadnaq gaar ah u diray dalka Maraykanka oo mooshinkan ka horyimid, wuxuuna Netenyahu uu si gaar ah ugu mahadnaqay Madaxweynayaasha Nigeria iyo Rwanda, Goodluck Jonathan iyo Paul Kagame oo uu sheegay inuu si toos ah khadka telefoonka kula hadlay isagoo ka codsaday labadaasi dal ee Afrikaanka ah inaysan taageerin mooshinka Falastiin.<\/p>\n<p>Falastiiniyiinta ayaa ku tashanayey inay helayaan cododka dalalka Afrikaanka ah dhamaantood siiba dalka Nigeria balse waxaa muuqatay dadaalkii Isra\u2019iil iyo Maraykanka inay ku khasabtay in qaar kamid ah dalalkaasi inay ka gaabsadaan taageerida mooshinkan oo ay Isra\u2019iil si weyn uga cabsi qabtay.<\/p>\n<p>Dowlada Maraykanka ayaa kaalin xoogleh ka ciyaartay in dalalka qaarkood ka aamusan mooshinkan hadii aysan ka horimaaneyn, maaadaama Maraykanka ka fogaanayey inuu isticmaalo codkiisa VETO power.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<br \/>\nNew yourk office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay (habeenimadii Salaasada) cod u qaaday mooshin ka dhan ah maamulka Isra\u2019iil. Mooshinkan oo uu soo diyaariyey maamulka Falastiin ayaa waxaa Golaha Amaanka horkeenay Wadanka Urdun (Jordan) oo hada xubin ka ah golahaasi, wuxuuna mooshinkan qorayey in Isra\u2019iil ay isaga baxdo dhulka ay xooga ku heysato dhamaadka sanadka 2017. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":2956,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-2955","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-LF","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2955","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=2955"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2955\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=2955"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=2955"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=2955"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}