{"id":29529,"date":"2017-01-19T18:32:33","date_gmt":"2017-01-19T18:32:33","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=29529"},"modified":"2017-01-19T18:32:33","modified_gmt":"2017-01-19T18:32:33","slug":"akhri-nuxurkakulankii-madaxwayne-siilaanyo-la-yeeshay-asxaabta-qaranka-iyo-komishanka-doorashoyinka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2017\/01\/19\/akhri-nuxurkakulankii-madaxwayne-siilaanyo-la-yeeshay-asxaabta-qaranka-iyo-komishanka-doorashoyinka\/","title":{"rendered":"Akhri Nuxurka:Kulankii Madaxwayne Siilaanyo la yeeshay Asxaabta Qaranka Iyo Komishanka Doorashoyinka"},"content":{"rendered":"<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Hargaysa(Arabsiyonews):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Kulan Muhiim ah la yeeshay <b><u>Saddexda Gudoomiye-Musharrax<\/u><\/b> ee Xisbiyada iyo<b><u>Komishanka Doorashooyinka Qaranka<\/u><\/b>.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Madaxweynaha JSL mudane Axmed Maxamed Silanyo ayaa maanta (19.01.2017) kulan muhiim ah la yeeshay Saddexda Gudoomiye-Musharrax ee Xisbiyada iyo todobada Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Kulankaasi oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada, dhanka Xukuumada, waxa Madaxweynaha ku wehelinayey M\/weynu-ku-xigeenka, Wasiirka iyo Wasiiru-Dawlaha Madaxtooyada, Afhayeenka iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Kulankan ujeedadiisu waxay ahayd in Madaxweynuhu Wada-tashi Qaran la yeesho Saddexda Gudoomiye-Musharrax ee Xisbiyada iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka arrimaha la xidhiidha Taakulaynta Abaaraha baahsan ee dalka ka jira iyo sidii loo Maarayn lahaa ee loo meel-marin lahaa Doorashada Madaxtooyada ee inagu soo fool leh.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Madaxweynuhu JSL kadib markii uu si fiican u dhegaystay isla markaana uu u dhuuxay doodii, aaraahdii, aragtiyihii iyo talooyinkii ay soo jeediyeen <\/span><span lang=\"SQ\">Saddexda Gudoomiye-Musharrax iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku hannaanka loo maaraynayo <i><u>Labada Xaaladood ee is-barkan<\/u><\/i> (Abaarta baahsan ee dalka ka jirta iyo qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada); wuxuu madashii kulankaasi dhinacyada kala duwan u soo jeediyey hadallo luxdan oo dhaxal-gal ah oo salka ku haya Tudhaale Waayeel, Talo-wadaag, Tawfiiq iyo Taban-taabo Qaran.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<ol start=\"1\" type=\"1\">\n<li class=\"x_MsoNormal\"><b><u><span lang=\"SQ\">Tartan caafimaadka qaba oo aan Turxaan lahayn<\/span><\/u><\/b><b><span lang=\"SQ\">:<\/span><\/b><\/li>\n<\/ol>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Madaxweynuhu wuxuu ka hadlayey sida ay bulshadeenu maanta ugu baahan tahay <i><u>Tartan caafimaadka qaba oo aan Turxaan lahayn<\/u><\/i> wuxuuna Guddoomiyeyaasha (Musharraxiinta) Saddexda Xisbi Qaran ugu baaqay in ay la yimaadaan Tartan aan turxaan lahayn oo salka ku haya tudhaale bulsho, talo-wadaag, tawfiiq iyo inay mar walba u midoobaan halka ay ku jirto maslaxadda guud ee ummadeenu, taasoo ah tilmaamaha iyo tiirarka asaasiga ah ee lagu majeerto Jam. Somaliland.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Dhinaca kale, Madaxweyne Axmed Silanyo wuxuu aad u dhaliilay hadallada xanafta iyo xajiinta leh ee beryahan dambe warbaahinta ka socda kuwaasoo bulshada lagu kala qaybinayo, ama utun iyo arami lagu kala dhex dhigayo.\u00a0 Madaxweynuhu wuxuu Guddoomiyeyaasha (Musharraxiinta) Saddexda Xisbi Qaran ee uu tartanku ka dhexeeyo kula dardaarmay in ay ka fogaadaan kana feejignaadaan, isla markaana ay taageerayaashooda ka waaniyaan caadaysiga fal kasta iyo ficil kasta oo bulshada lagu kala qaybinayo.<\/span><\/p>\n<ol start=\"2\" type=\"1\">\n<li class=\"x_MsoNormal\"><b><u><span lang=\"SQ\">Dib-u-dhaca ku yimi Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada<\/span><\/u><\/b><b><span lang=\"SQ\">:<\/span><\/b><b><\/b><\/li>\n<\/ol>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Madaxweynuhu waxa kale oo uu kulankaa si mug leh ugaga hadlay <\/span><i><u><span lang=\"SQ\">dib-u-dhaca ku yimi Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada<\/span><\/u><\/i><span lang=\"SQ\">, taasina ay dhaawacday sumcaddii iyo karaamadii Jam. Somaliland ku lahayd guud ahaanba beesha caalamka, gaar ahaana saaxiibada badan ee inaga taageeri jiray nidaamka geedi socodka diimuqraadiyadda iyo doorashooyinka.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Dhinaca kale, Madaxweynuhu wuxuu tibaaxay in dib-u-dhaca ku yimi Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada ay buurtay tuhunno, is eedayn, aamin la\u2019aan iyo kalsooni darro dhexdeenna ah. Taasoo ina gayeysiisay in xataa qaarkeen ay qaadacaan Go&#8217;aankii Golaha Guurtida ee muddo kordhinta, taas oo dhalisay\u00a0 in ay Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah ee Dalka, ka furteen dacwad ka dhan ah Go&#8217;aankii Aqalka Odayaasha.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Madaxweynuhu waxa kale oo uu kulankaa si waafiya u tibaaxay in aanay suurto gal ahayn in Doorashada Madaxtooyadu ay dhacdo waqtigii hore loogu qoondeeyey oo ah 28\/03\/2017-ka, taasina ay Qaran ahaan inagu tahay <i><u>Caqabad Sharci oo adag oo u baahan in si farsamo ah loo maareeyo<\/u><\/i>. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in marka laga tago Golaha Guurtida (oo leh awooddaDistooriga ah ee muddo kordhinta), haddii uu Doorashadu ku yimaaddo dib-u-dhac sababo la xidhiidha xagga farsamada ama aafooyin Qaran oo dabiici ah awgood, waxaa doorashada inagu soo fool leh dabar adag ku xidhay go\u2019aankii ay soo saartay Maxkamadda Dastuuriga ee dalka ugu sarraysa. In qaraarkaa loo hogaansamaana waa waajib qaran oo aan la iska beddeli karin.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Madaxweynuhu<\/span><span lang=\"SQ\"> wuxuu Guddoomiyeyaasha (Musharraxiinta) Saddexda Xisbi Qaran u bayaamiyey:<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 <\/span><span lang=\"SQ\">Inuu arko in ay saddexdooduba <\/span><span lang=\"SQ\">ka midaysan yihiin in ay Dalka ka jirto abaar baahsan oo saamayn ku leh dad iyo duunyaba, taas oo inooga baahan gurmad culus.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 <\/span><span lang=\"SQ\">Inuu arko in ay saddexdooduba <\/span><span lang=\"SQ\">ka midaysan yihiin Muhiimadda ay leedahay qabyo tirka qaybinta kaadhadhka iyo qabsoomidda doorashadu.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 <\/span><span lang=\"SQ\">Inuu arko in ay saddexdooduba <\/span><span lang=\"SQ\">ka midaysan yihiin in ay adag tahay in doorashadu ku dhacdo xilligii loogu talo galay, xaaladda abaarta darteed.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 <\/span><span lang=\"SQ\">Inuu arko in ay saddexdooduba <\/span><span lang=\"SQ\">ku kala aragti duwan yihiin qaabka loo maaraynayo ama la isu waafajinayo labadan xaaladood ee culus.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Dhinaca kale, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in:<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 <\/span><span lang=\"SQ\">Isagoo<\/span><span lang=\"SQ\"> ka duulaya inuu daweeyo dareemmadii iyo dannigii ina kala galay;<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 <\/span><span lang=\"SQ\">Isagoo fulinaya Go&#8217;aanii Golaha Guurtida iyo Qaraarkii Maxkamadda Sare;<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 <\/span><span lang=\"SQ\">Isagoo<\/span><span lang=\"SQ\"> maanka ku haya masuuliyadda isaga hoggaamiye ahaan ka saaran inuu dalka ka qabto doorasho xor iyo xalaal ah;<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Wuxuu Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay awaamiir adag ku siiyey in ay juhdi iyo dedaal badan geliyaan gudashada xilka kaga beegan meel marinta diiwaangelinta cod-bixiyaasha iyo qabsoomidda Doorashad Madaxtooyada.<\/span><\/p>\n<ol start=\"3\" type=\"1\">\n<li class=\"x_MsoNormal\"><b><u><span lang=\"SQ\">Baahida loo qabo Qorshe dhammaystiran oo ka Turjumaya Xaaladda adag ee dalku ku sugan yahay<\/span><\/u><\/b><b><span lang=\"SQ\">:<\/span><\/b><\/li>\n<\/ol>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Kulankii muhiimka ahaa ee uu Madaxweynuhu la yeeshay Saddexda Gudoomiye-Musharrax ee Xisbiyada iyo todobada Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, wuxuu hoosta ka xarriiqay inuu <i><u>ka dheregsan yahay isla markaana uu garwaaqsan yahay duruufaha culus ee inagu gadaaman. Wuxuu sheegay inuu hogaamiye ahaan aad ugu damqanayo dadkiisa tabaalaysan, xukuumadiisuna itaal meel uu dhigaba aanay waxba la hadhi doonin sidii loogu gurman lahaa dadka abaaruhu tabaaleeyeen<\/u><\/i>. Madaxweynuhu wuxuu si cad u sheegay <\/span><b><span lang=\"SQ\">sida ay u damqayso ama ay dil ugu tahay in isaga muddo kordhin kale loo sameeyo<\/span><\/b><span lang=\"SQ\">. Sidaa darteedna ay isaga (Madaxweynaha) ka go\u2019an tahay in uu dalkan doorasho xor iyo xalaal ah ka qabto idam EEBE.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Guntii iyo gunaanadkii, Madaxweynuhu isagoo ka duulaya kuna xisaabtamaya dhammaanba arrimaha iyo duruufaha sharci iyo kuwa dabiiciga ah ee kor ku xusan, wuxuu Guddida Doorashooyinka Qaranka faray in ay dib talo isugu noqdaan oo ay u soo gudbiyaan qorshe dhammaystiran oo ka turjumaya xaaladda adag ee dalku ku sugan yahay, kaas oo xaqiijinaya xilkii maamulka Doorashada ay qaranka masuulka uga ahaayeen.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Madaxweynuhu wuxuu Xubanaha Guddida Doorashooyinka Qaranka faray in talo bixintooda ay maanka ku hayaan arrimahan soo socda:<\/span><\/p>\n<ol start=\"1\" type=\"1\">\n<li class=\"x_MsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">Dareemmada iyo doodda Hogamiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran.<\/span><\/b><\/li>\n<li class=\"x_MsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">Ilaalinta sumcadda iyo magac-samida Jamhuuriyadda Somaliland.<\/span><\/b><\/li>\n<li class=\"x_MsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">Xaaladda Abaarta ba&#8217;an ee Dalka ka jirta.<\/span><\/b><\/li>\n<li class=\"x_MsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">Sharciyadda Adag ee doorashadu salka ku hayso.<\/span><\/b><\/li>\n<li class=\"x_MsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">Tudhaalaha iyo taariikhda uu Madaxweyne ahaan u baahanahay.<\/span><\/b><\/li>\n<\/ol>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" data-attachment-id=\"29530\" data-permalink=\"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2017\/01\/19\/akhri-nuxurkakulankii-madaxwayne-siilaanyo-la-yeeshay-asxaabta-qaranka-iyo-komishanka-doorashoyinka\/dsc_00001\/\" data-orig-file=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_00001.jpg?fit=640%2C427&amp;ssl=1\" data-orig-size=\"640,427\" data-comments-opened=\"1\" data-image-meta=\"{&quot;aperture&quot;:&quot;5.6&quot;,&quot;credit&quot;:&quot;&quot;,&quot;camera&quot;:&quot;NIKON D5200&quot;,&quot;caption&quot;:&quot;&quot;,&quot;created_timestamp&quot;:&quot;1484831574&quot;,&quot;copyright&quot;:&quot;&quot;,&quot;focal_length&quot;:&quot;26&quot;,&quot;iso&quot;:&quot;1600&quot;,&quot;shutter_speed&quot;:&quot;0.0166666666667&quot;,&quot;title&quot;:&quot;&quot;,&quot;orientation&quot;:&quot;1&quot;}\" data-image-title=\"DSC_0000(1)\" data-image-description=\"\" data-image-caption=\"\" data-large-file=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_00001.jpg?fit=640%2C427&amp;ssl=1\" class=\"alignnone wp-image-29530 size-full\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_00001.jpg?resize=640%2C427\" width=\"640\" height=\"427\" srcset=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_00001.jpg?w=640&amp;ssl=1 640w, https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_00001.jpg?resize=300%2C200&amp;ssl=1 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/> <img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" data-attachment-id=\"29531\" data-permalink=\"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2017\/01\/19\/akhri-nuxurkakulankii-madaxwayne-siilaanyo-la-yeeshay-asxaabta-qaranka-iyo-komishanka-doorashoyinka\/dsc_0001\/\" data-orig-file=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_0001.jpg?fit=640%2C427&amp;ssl=1\" data-orig-size=\"640,427\" data-comments-opened=\"1\" data-image-meta=\"{&quot;aperture&quot;:&quot;5.6&quot;,&quot;credit&quot;:&quot;&quot;,&quot;camera&quot;:&quot;NIKON D5200&quot;,&quot;caption&quot;:&quot;&quot;,&quot;created_timestamp&quot;:&quot;1484831567&quot;,&quot;copyright&quot;:&quot;&quot;,&quot;focal_length&quot;:&quot;24&quot;,&quot;iso&quot;:&quot;1600&quot;,&quot;shutter_speed&quot;:&quot;0.0166666666667&quot;,&quot;title&quot;:&quot;&quot;,&quot;orientation&quot;:&quot;1&quot;}\" data-image-title=\"DSC_0001\" data-image-description=\"\" data-image-caption=\"\" data-large-file=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_0001.jpg?fit=640%2C427&amp;ssl=1\" class=\"alignnone wp-image-29531 size-full\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_0001.jpg?resize=640%2C427\" width=\"640\" height=\"427\" srcset=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_0001.jpg?w=640&amp;ssl=1 640w, https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_0001.jpg?resize=300%2C200&amp;ssl=1 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/> <img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" data-attachment-id=\"29532\" data-permalink=\"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2017\/01\/19\/akhri-nuxurkakulankii-madaxwayne-siilaanyo-la-yeeshay-asxaabta-qaranka-iyo-komishanka-doorashoyinka\/dsc_00021\/\" data-orig-file=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_00021.jpg?fit=640%2C427&amp;ssl=1\" data-orig-size=\"640,427\" data-comments-opened=\"1\" data-image-meta=\"{&quot;aperture&quot;:&quot;5.6&quot;,&quot;credit&quot;:&quot;&quot;,&quot;camera&quot;:&quot;NIKON D5200&quot;,&quot;caption&quot;:&quot;&quot;,&quot;created_timestamp&quot;:&quot;1484831571&quot;,&quot;copyright&quot;:&quot;&quot;,&quot;focal_length&quot;:&quot;28&quot;,&quot;iso&quot;:&quot;1600&quot;,&quot;shutter_speed&quot;:&quot;0.0166666666667&quot;,&quot;title&quot;:&quot;&quot;,&quot;orientation&quot;:&quot;1&quot;}\" data-image-title=\"DSC_0002(1)\" data-image-description=\"\" data-image-caption=\"\" data-large-file=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_00021.jpg?fit=640%2C427&amp;ssl=1\" class=\"alignnone wp-image-29532 size-full\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_00021.jpg?resize=640%2C427\" width=\"640\" height=\"427\" srcset=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_00021.jpg?w=640&amp;ssl=1 640w, https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_00021.jpg?resize=300%2C200&amp;ssl=1 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/> <img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" data-attachment-id=\"29533\" data-permalink=\"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2017\/01\/19\/akhri-nuxurkakulankii-madaxwayne-siilaanyo-la-yeeshay-asxaabta-qaranka-iyo-komishanka-doorashoyinka\/dsc_0003\/\" data-orig-file=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_0003.jpg?fit=640%2C427&amp;ssl=1\" data-orig-size=\"640,427\" data-comments-opened=\"1\" data-image-meta=\"{&quot;aperture&quot;:&quot;10&quot;,&quot;credit&quot;:&quot;&quot;,&quot;camera&quot;:&quot;NIKON D5200&quot;,&quot;caption&quot;:&quot;&quot;,&quot;created_timestamp&quot;:&quot;1484835493&quot;,&quot;copyright&quot;:&quot;&quot;,&quot;focal_length&quot;:&quot;34&quot;,&quot;iso&quot;:&quot;1600&quot;,&quot;shutter_speed&quot;:&quot;0.005&quot;,&quot;title&quot;:&quot;&quot;,&quot;orientation&quot;:&quot;1&quot;}\" data-image-title=\"DSC_0003\" data-image-description=\"\" data-image-caption=\"\" data-large-file=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_0003.jpg?fit=640%2C427&amp;ssl=1\" class=\"alignnone wp-image-29533 size-full\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_0003.jpg?resize=640%2C427\" width=\"640\" height=\"427\" srcset=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_0003.jpg?w=640&amp;ssl=1 640w, https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_0003.jpg?resize=300%2C200&amp;ssl=1 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/> <img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" data-attachment-id=\"29534\" data-permalink=\"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2017\/01\/19\/akhri-nuxurkakulankii-madaxwayne-siilaanyo-la-yeeshay-asxaabta-qaranka-iyo-komishanka-doorashoyinka\/dsc_0004\/\" data-orig-file=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_0004.jpg?fit=640%2C427&amp;ssl=1\" data-orig-size=\"640,427\" data-comments-opened=\"1\" data-image-meta=\"{&quot;aperture&quot;:&quot;5.6&quot;,&quot;credit&quot;:&quot;&quot;,&quot;camera&quot;:&quot;NIKON D5200&quot;,&quot;caption&quot;:&quot;&quot;,&quot;created_timestamp&quot;:&quot;1484831693&quot;,&quot;copyright&quot;:&quot;&quot;,&quot;focal_length&quot;:&quot;45&quot;,&quot;iso&quot;:&quot;1600&quot;,&quot;shutter_speed&quot;:&quot;0.0166666666667&quot;,&quot;title&quot;:&quot;&quot;,&quot;orientation&quot;:&quot;1&quot;}\" data-image-title=\"DSC_0004\" data-image-description=\"\" data-image-caption=\"\" data-large-file=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_0004.jpg?fit=640%2C427&amp;ssl=1\" class=\"alignnone wp-image-29534 size-full\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_0004.jpg?resize=640%2C427\" width=\"640\" height=\"427\" srcset=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_0004.jpg?w=640&amp;ssl=1 640w, https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_0004.jpg?resize=300%2C200&amp;ssl=1 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/> <img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" data-attachment-id=\"29535\" data-permalink=\"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2017\/01\/19\/akhri-nuxurkakulankii-madaxwayne-siilaanyo-la-yeeshay-asxaabta-qaranka-iyo-komishanka-doorashoyinka\/dsc_0252\/\" data-orig-file=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_0252.jpg?fit=640%2C427&amp;ssl=1\" data-orig-size=\"640,427\" data-comments-opened=\"1\" data-image-meta=\"{&quot;aperture&quot;:&quot;5.6&quot;,&quot;credit&quot;:&quot;&quot;,&quot;camera&quot;:&quot;NIKON D5200&quot;,&quot;caption&quot;:&quot;&quot;,&quot;created_timestamp&quot;:&quot;1484831655&quot;,&quot;copyright&quot;:&quot;&quot;,&quot;focal_length&quot;:&quot;21&quot;,&quot;iso&quot;:&quot;1600&quot;,&quot;shutter_speed&quot;:&quot;0.0166666666667&quot;,&quot;title&quot;:&quot;&quot;,&quot;orientation&quot;:&quot;1&quot;}\" data-image-title=\"DSC_0252\" data-image-description=\"\" data-image-caption=\"\" data-large-file=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_0252.jpg?fit=640%2C427&amp;ssl=1\" class=\"alignnone wp-image-29535 size-full\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_0252.jpg?resize=640%2C427\" width=\"640\" height=\"427\" srcset=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_0252.jpg?w=640&amp;ssl=1 640w, https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_0252.jpg?resize=300%2C200&amp;ssl=1 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/><\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Arabsiyonews.com<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Arabsiyonews@gmail.com<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Hargaysa Office<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(Arabsiyonews):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Kulan Muhiim ah la yeeshay Saddexda Gudoomiye-Musharrax ee Xisbiyada iyoKomishanka Doorashooyinka Qaranka. \u00a0 Madaxweynaha JSL mudane Axmed Maxamed Silanyo ayaa maanta (19.01.2017) kulan muhiim ah la yeeshay Saddexda Gudoomiye-Musharrax ee Xisbiyada iyo todobada Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Kulankaasi oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada, dhanka Xukuumada, waxa Madaxweynaha ku wehelinayey M\/weynu-ku-xigeenka, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":29535,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-29529","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/DSC_0252.jpg?fit=640%2C427&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-7Gh","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29529","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=29529"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29529\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":29536,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29529\/revisions\/29536"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/29535"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=29529"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=29529"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=29529"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}