{"id":29417,"date":"2017-01-15T19:06:49","date_gmt":"2017-01-15T19:06:49","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=29417"},"modified":"2017-01-15T19:06:49","modified_gmt":"2017-01-15T19:06:49","slug":"warsaxaafaded-madaxwayne-siilaanyo-oo-digreeto-kaga-wareejiyey-wasaarada-cadaalada-qayb-kamid-ah-shaqadii-ay-uhaysay-qaranka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2017\/01\/15\/warsaxaafaded-madaxwayne-siilaanyo-oo-digreeto-kaga-wareejiyey-wasaarada-cadaalada-qayb-kamid-ah-shaqadii-ay-uhaysay-qaranka\/","title":{"rendered":"Warsaxaafaded:-Madaxwayne Siilaanyo oo digreeto kaga wareejiyey Wasaarada Cadaalada  qayb kamid ah shaqadii ay uhaysay qaranka"},"content":{"rendered":"<p>Warsaxaafaded:-Madaxwayne Siilaanyo oo digreeto kaga wareejiyey Wasaarada Cadaalada \u00a0qayb kamid ah shaqadii ay uhaysay qaranka<\/p>\n<div tabindex=\"-1\">\n<div tabindex=\"-1\">\n<div tabindex=\"0\">\n<div>\n<div class=\"_rp_65\" tabindex=\"-1\">\n<div class=\"_rp_J4 ms-border-color-neutralLight ShowReferenceAttachmentsLinks ShowConsesusSchedulingLink\" tabindex=\"-1\">\n<div class=\"_rp_V4 _rp_U4\">\n<div>\n<div id=\"Item.MessagePartBody\" class=\"_rp_L4\">\n<div id=\"Item.MessageUniqueBody\" class=\"_rp_M4 ms-font-weight-regular ms-font-color-neutralDark rpHighlightAllClass rpHighlightBodyClass\" tabindex=\"0\">\n<div class=\"rps_3023\">\n<div>\n<div>\n<div dir=\"ltr\">\n<p class=\"x_MsoNormal\" align=\"center\"><b><u>WAR-SAXAAFADEED<\/u><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\" align=\"center\"><b><u>\u00a0<\/u><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay<b>JSL\/M\/WM\/222-4481\/012017 <\/b>uu<b> <\/b>Wasaaradda Cadaaladda kaga wareejiyey Maamulka Shaqaalaha iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose,Kaaliyayaasha, Gaadhsiiyayaasha iyo Adeegayayaasha ka hawl gala Maxkamadaha Hoose ee Dalka kuna wareejiyey Maxkamadda Sare ee JSL, Maamulka iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka. magaca Wasaraaduna uu noqon-doono <b>\u201cWasaarada Cadaaladda JSL\u201d,<\/b> sida uu dhigayo Qodobka 106aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"EN-GB\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b><u>Wareegtada Madaxweynaha JSL:<\/u><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b><u>\u00a0<\/u><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Ku:<\/b> \u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Wasiirka Wasaaradda Cadaalada\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 \u00a0\u00a0\u00a0 <b>\u00a0\u00a0\u00a0<\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Ku:<\/b> \u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL ahna \u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Ku:<\/b> \u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Og:<\/b> \u00a0\u00a0\u00a0 Guddoomiyaha Hay\u2019adda Shaqaalaha Dawladda<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Og:<\/b>\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Xubnaha Guddida Cadaaladda<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Og:<\/b> \u00a0\u00a0\u00a0 Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Ujeeddo: \u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 <u>Wareegto Madaxwayne Wareejinta Maamulka iyo Miisaaniyadda<\/u> \u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 \u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<u>Maxkamadaha Hoose<\/u><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Mudanayaal iyo Marwo,<\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>\u00a0<\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Markaan Arkay:\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 <\/b>Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Markaan Arkay:\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 <\/b>Qodobbada 37aad, 97aad, 99aad, 106aad, 107aad iyo 108aad \u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka Nidaamka \u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Garsoorka Xeer Lr. 24\/2003;<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Markaan Arkay:<\/b>\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Qodobka 97aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda \u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Somaliland, kaasi oo dhigaya in Waaxda Garsoorku ay \u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 hawlaheeda u fuliso si waafaqsan Dastuurka, iyada oo ka \u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 madax-bannaan Waaxaha kale ee Qaranka;<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Markaan\u00a0 Arkay<\/b>:\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Qoraalka summadiisu tahay MS\/GMS\/G-7\/69\/2016 ee ku taariikhaysan 27\/01\/2016, ujeeddadiisuna ahayd codsi ka soo wareejin Wasaaradda Cadaaladda Maamulka iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose, qoraalkaas oo ka soo baxay Xafiiska Guddida Cadaaladda 27\/01\/2016;<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Markaan Arkay:<\/b> \u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Qoraalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL ee summadiisu tahay MS\/GMJ\/G-18\/27\/2016, ee ku taariikhaysan 21\/02\/2016, ujeeddadiisuna ahayd in lagu soo wareejiyo Maxkamadda Sare ee JSL Maamulka iyo Miisaniyada Maxkamadaha Hoose;<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Markaan Ogaaday:\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 <\/b>In Wasaaradda Cadaaladdu ay Miisaniyadda Maxkamadaha Hoose ku maamuleysey Digreeto Madaxweyne Lr. 47\/1996 kaas oo ka horreeyay Dhaqan-gelkii Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Markaan Arkay:\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 <\/b>Qoraalka Garyaqaanka Guud ee Qaranka ee summadiisu tahay TIX\/XGGQ\/X\/H\/138\/2016, kuna taariikhaysan 20\/12\/2016, ujeeddadiisuna ahayd Talo-bixin Sharci ee Maamulka Maaliyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka;<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Markaan Tix-geliyey<\/b>:\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Qoraalka ka soo baxay dhammaanaba Guddoomiyeyaasha\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Maxkamadaha Rafcaanada Gobollada Dalka, kuwaas oo ku caddeeyey qoraalaadaasi tabasho ay ka qabaan Maamulka iyo Miisaniyadda Maxkmadaha Hoose ee ay Wasaaradda Cadaaladdu gacanta ku hayso;<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\" align=\"center\"><b><u>\u00a0<\/u><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\" align=\"center\"><b><u>Waxaan soo saaray;<\/u><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b><u>\u00a0<\/u><\/b><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoListParagraphCxSpFirst\"><span lang=\"EN-GB\">1.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 <\/span><span lang=\"EN-GB\">In laga bilaabo Sannad Miisaaniyadeedka 2017-ka, waxaa Wasaaradda Cadaaladda laga soo wareejiyey Maamulka iyo Miisanayada Maxkamadaha Hoose ee Dalka.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\"><span lang=\"EN-GB\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\"><span lang=\"EN-GB\">2.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 <\/span><span lang=\"EN-GB\">In lagu wareejiyo Maxkamadda Sare ee JSL Maamulka iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka, si loo kala madax bannaaneeyo Waaxaha Qaranka, sida ay dhigayaan Qodobka 37aad, Faqraddiisa 2aad iyo Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\"><span lang=\"EN-GB\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\"><span lang=\"EN-GB\">3.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 <\/span><span lang=\"EN-GB\">In Kaaliyayaasha, Gaadhsiiyayaasha iyo Adeegayayaasha ka hawl gala Maxkamadaha Hoose ee Dalka, la hoos geeyo Maxkamadda Sare, nidaamka shaqaalayntoodana iyada oo loo raacayo Qodobka 108aad, Faqraddiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka Nidaamka Garsoorka ee Xeer Lr. 24\/2003.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoListParagraphCxSpMiddle\"><span lang=\"EN-GB\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"x_gmail-MsoListParagraphCxSpLast\"><span lang=\"EN-GB\">4.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 <\/span><span lang=\"EN-GB\">In magaca Wasaraaduna uu noqdo <b>\u201cWasaarada Cadaaladda JSL\u201d,<\/b> sida uu dhigayo Qodobka 106aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Haddaba, waxaan farayaa Wasiirka Wasaarada Cadaaladda in uu si dhamaystiran ugu Wareejiyo Maxkamadda Sare Maamulka Shaqaalaha iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Sidoo kale, waxaan farayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay\u2019addaha kale ee ay khusayso in ay dhaqan geliyaan Wareegtadan, isla markaana ay ka gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">ALLAA MAHAD LEH<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">\u00a0\u00a0 Xuseen Aadan Cige (Deyr)<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">Af-hayeenka Madaxtooyada JSL<\/span><\/b><b><u><\/u><\/b><\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"_pe_d _pe_12\" tabindex=\"-1\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"_rp_Q4\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"_rp_f\" tabindex=\"-1\">\n<div class=\"_qc_F ms-bg-color-white _qc_G\">\n<hr class=\"_qc_B\" \/>\n<div class=\"_qc_y ms-border-color-neutralLight _qc_z\" tabindex=\"-1\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Warsaxaafaded:-Madaxwayne Siilaanyo oo digreeto kaga wareejiyey Wasaarada Cadaalada \u00a0qayb kamid ah shaqadii ay uhaysay qaranka WAR-SAXAAFADEED \u00a0 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadiisu tahayJSL\/M\/WM\/222-4481\/012017 uu Wasaaradda Cadaaladda kaga wareejiyey Maamulka Shaqaalaha iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose,Kaaliyayaasha, Gaadhsiiyayaasha iyo Adeegayayaasha ka hawl gala Maxkamadaha Hoose ee Dalka kuna wareejiyey Maxkamadda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":29397,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-29417","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/hankkkkkkkkk.jpg?fit=976%2C502&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-7Et","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29417","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=29417"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29417\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":29419,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29417\/revisions\/29419"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/29397"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=29417"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=29417"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=29417"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}