{"id":29065,"date":"2016-12-25T18:56:57","date_gmt":"2016-12-25T18:56:57","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=29065"},"modified":"2016-12-25T18:56:57","modified_gmt":"2016-12-25T18:56:57","slug":"waayahaygii-xabsiga-saldhigga-madaarka-illaa-sirdoonka-gobolka-maroodijeex-1aad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/12\/25\/waayahaygii-xabsiga-saldhigga-madaarka-illaa-sirdoonka-gobolka-maroodijeex-1aad\/","title":{"rendered":"Waayahaygii Xabsiga: Saldhigga Madaarka Illaa Sirdoonka Gobolka Maroodijeex.. 1aad"},"content":{"rendered":"<div tabindex=\"-1\">\n<div tabindex=\"-1\">\n<div tabindex=\"0\">\n<div>\n<div class=\"_rp_65\" tabindex=\"-1\">\n<div class=\"_rp_J4 ms-border-color-neutralLight ShowReferenceAttachmentsLinks ShowConsesusSchedulingLink\" tabindex=\"-1\">\n<div class=\"_rp_V4\">\n<div>\n<div id=\"Item.MessagePartBody\" class=\"_rp_L4\">\n<div id=\"Item.MessageUniqueBody\" class=\"_rp_M4 ms-font-weight-regular ms-font-color-neutralDark rpHighlightAllClass rpHighlightBodyClass\" tabindex=\"0\">\n<div class=\"rps_fc6c\">\n<div>\n<div dir=\"ltr\">\n<div id=\"x_divtagdefaultwrapper\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Wakhtigu waxa uu ahaa 21<i><sup>kii<\/sup><\/i> bisha Julaay, sannadkii 2014<sup>ka<\/sup>, waa galab Ramadaan ah oo aan madaarka Cigaal u tegay laba ujeeddo&#8230; Soo dhaweynta Murashaxii hore ee Madax-weyne ku-xigeenka UCID Md Cabdirashiid Xasan Mataan iyo sagootinka saaxiibkay rumaad Maxamuud Siciid Jaamac (Jookar) oo isla maalintaas ka dhoofayay\u00a0madaarka Cigaal ee caasimadda. Judhiiba waxa sidii ay caanka ku ahaayeen naga soo horbooday kooxo sas iyo selel ka qaba guud ahaan mucaaridka Somaliland. Shaqaalaha wasaaraddu waxa ay nagu horjoogsadeen albaabka qalabka ugu horreeya ee dadka madaarka gelaya lagu baadho.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Xubnaha aanu wada soconnay waxa ka mid ahaa<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Murashaxii Madaxweynaha UCID<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Yuusuf Keyse Cabdillaahi, Xoghayaha Warfaafinta UCID<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Cabdiraxmaan Maxamed Cali, Xoghayaha Arrimaha Bulshada UCID<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Cabdiqani Ibraahin Selef (Kabtanka), Xoghayaha Xidhiidhka Gobollada UCID iyo<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Siciid Maxamuud Gahayr, Imaamkii Hore ee Xisbiga UCID<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Hawl-wadeenna na hakiyay axa hoggaaminayay oo goobtaas madax u ahaa Mustafe Cabdi Dheere, madaxa nabadgelyada madaarka Hargeysa. Kolkii aanu sheegnay in aanu soo dhaweynayno Murashaxa Madax-weyne ku-xigeenka UCID Md Cabrirashiid Xasan Mataan, waxa uu yidhi. &#8220;<i>Waxa nalagu amray in aanay gudaha soo gelin Yuusuf Keyse Cabdillaahi, Xoghayaha Warfaafinta UCID iyo Cabdiqani Ibraahin Selef (Kabtanka) Xoghayaha Xidhiidhka Gobollada ee UCID&#8221;<\/i>. &#8220;<i>Haddii aanay raggani gelaynnin waxa aanu istaagi doonnaa dibadda&#8221;<\/i> ayuu ugu jawaabay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Murashaxii Madaxweynaha ee UCID. Sidaas ayay weftigii ku laabteen oo ay uga hadleen dibadda oo roob ku da&#8217;ayo.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Haddii taasi beenowday waxa aan ka war sugay ninkii madaxa goobta ahaa si aan u nabaadiineeyo saaxiibkay Maxamuud Siciid Jaamac Cali, aniga oo si xushmad leh u taagan ayuu gacan iyo afba isugu kay daray wiil malaha meesha adeege ka ah oo aanan garanayni. <i>&#8220;Bannaanka u bax&#8221; &#8220;U kaadi, Mustafe ayaan ka war sugayaa&#8221; &#8220;Diiday. I maka i dhaaf&#8221; <\/i>halkii ayay nabaddu faraha kaga baxday. Markii uu gacan-ka-hadal iyo riixid isugu kay daray, ayaanu is-faro-saarnay. Durbadii waxa yimi askar yaacaya iyo kooxo qaswadeyaal ah. Intaasi markii ay dhacday ayaan dibadda u soo baxay. &#8220;<i>Yarku waxa uu ka yimi deegaanka Madaxweynaha&#8221;<\/i>ayuu mar dambe igu yidhi nin garanayay. Intaas waxa uu raaciyay &#8220;<i>malaha abti ayaa loo yahay&#8221;<\/i>.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Aniga oo taagan meel dibadda ah ayuu ii yeedhay askari u hadlaya si aanan saluugini. Dhankii Saldhigga Madaarka\u00a0ayaanu isu raacnay. Haddii la i weydiiyay magacayga iyo ka hooyaday ayaa waxa la yidhi &#8220;<i>taliyaha u dir<\/i>&#8220;. Shaw waa xidha! Ma ihi nin xabsiga ka baqda oo waxa aan ahay nin halgan u diyaar ah.<i> &#8220;Mee wiilkii aanu is-qabannay&#8221; &#8220;mooyi&#8221; &#8220;Ma sidaas ayaa caddaalad ah?&#8221; &#8220;aamus&#8221; &#8220;yaa i xidhay?&#8221; &#8220;Maareeyaha Madaarkaoo rawaxay&#8221;<\/i>. Waxa isaguna xafiiska wax lagaga qoray wiil kale oo sheeganaya in uu waxyeello qabo, kana mid ahaa illaa shan qof oo u midaysnaa muquunintayda.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Amin fiiddadaw oo uu eedaankaa salaadda gabal-dhacu soo dhawaa ayaan askarta u bandhigay in ay iila hadlaan ehelkayga deggen Masallaha (xaafadda uu madaarku ku yaallo) si ay gogol iyo gasiin iigu keenaan, balse codkayga dhegaha ayaa laga furaystay. Si aan cabbiraadda dareenkayga u xoojiyo ayaan albaabka garaacay, waxaase lagaga tabashada lagaga jawaabay in silsilad la igu jeebbeeyo. Xilli caweys ah ayay yimaaddeen askar ay aqooni naga dhexaysay, kolkii ayaa laiga dhimay tacaddigii , waxaana la ii oggolaaday in aan barxadda xerada ku caweeyo.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Habeennimadii waxa ay askartu i siiyeen fursad aan ehelka ku waco, waxaana la ii ballan-qaaday in aan xorriyadda helayo 08:00<sup>kii<\/sup> aroornimo haddii Eebbe idmo. Waxa hiirtii hore yimi Taliyaha Rugta Madaarka iyo Maamulaha Madaarka. Jawigooda waxa aan ka dareemay in ay wax iska beddeleen arrinkii la isku ogaa. Weji-dadabka uu muu ii muujiyay Taliyaha Rugta Madaarku ayaa aan ka dhaaday xaalka is-rogay.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Waxa na soo hor istaagay gaadhi uu midabkiisu yahay sibidhi oo surf ah. Cabbaar ayay indha-indheeyeen Rugta Madaarka oo aan ku jiray. Anigu waxa aan filayay in la i sii daayo illaa 08:00<sup>dii<\/sup> arooryo, wakhtiguna waxa uu ku dhawaa 10:00<sup>kii<\/sup> barqannimo. Sidaas ayaan u baalla-daymoonayay, nin uu soo diray abtigay Xuseen Cabdi Cilmi oo ka shaqeeya Kaalmaha shidaalka diyaaradaha ee STAR ayaa ii yimi. Waxa aan u sheegay in oodda la iga qaadayo, sida kalena aan fiicanahay. In uu bariido waalid iga gaadhsiiyo hooyaday mataankeeda ama abtigay rumaad ayaan faray.\u00a0 Gacaltooyo ayuu igu sagootiyay\u201d. Maxaa ku siigay, waa kane bogta.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Maadaama oo wakhtigi is-gurayay waxa aan maaweelo ka dhigannay mudaharaad kooban oo ah gubista qashin isugu jiray cunno, qaad, sigaar, qashin-saar jidheed, baco, karaatoon IWM oo meesha tuulnaa. Inta aan kolba in isku cabbeeyo oo aan ololiyo ayaan dibadda dhigayay. Waxa arkay been-ma-sheegayaashii oo maagay askarigii ilaalada ahaa Maxamed-Case.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Inta uu gaadhku ii yimi ayuu yidhi \u201c<i>keen dabdaacda\u201d<\/i>. Qacdiiba waan u dhiibay, qashinkiina wuu guray, dabkiina waxa uu ku rusheeyay biyo oo gacantiisa ayuu ku demiyay. Maxaa laylis la diray?<i> \u201cway kaaga badan\u201d ayuu raaciyay. \u201cCirka jeex soo dumiya<\/i>\u201d ayaanu is-dhaafsannay. Rugta idili waa laba makshin oo sabbad ah. Gaadhigii ayaa hor istaagay qolka dhinaca Galbeed xiga oo aan ku xidhnayn aniga iyo wiil kale oo Masallaha laga soo taxaabay. Dhawr daqiiqo ayaa la yidhi \u201c<i>mee Siciid Maxamuud Gahayr?<\/i>\u201d<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><i>\u201cWaa kan\u201d<\/i> ayaan ugu warceliyay<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><i>\u201cSoo bax oo fuul gaadhiga\u201d<\/i> ayuu raaciyay. Guntiga ayuu qabtay macawis aan xidhnaa<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\u201c<i>Waxa maqan koor-gacmeed (mobile) iyo kabo<\/i>\u201d ayaan idhi. Labadiiba waa la ii keenay.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Siciid Maxamuud Gahayr<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">saedmgahair@hotmail.com<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"_pe_d _pe_22\" tabindex=\"-1\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"_rp_Q4\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"_rp_f\" tabindex=\"-1\">\n<div class=\"_qc_F ms-bg-color-white _qc_G\">\n<hr class=\"_qc_B\" \/>\n<div class=\"_qc_y ms-border-color-neutralLight _qc_z\" tabindex=\"-1\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wakhtigu waxa uu ahaa 21kii bisha Julaay, sannadkii 2014ka, waa galab Ramadaan ah oo aan madaarka Cigaal u tegay laba ujeeddo&#8230; Soo dhaweynta Murashaxii hore ee Madax-weyne ku-xigeenka UCID Md Cabdirashiid Xasan Mataan iyo sagootinka saaxiibkay rumaad Maxamuud Siciid Jaamac (Jookar) oo isla maalintaas ka dhoofayay\u00a0madaarka Cigaal ee caasimadda. Judhiiba waxa sidii ay caanka ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":29067,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[5,3,10],"tags":[],"class_list":["post-29065","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-aragtidda-dadweynaha","category-arimaha-bulshada","category-featured"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/way.jpg?fit=694%2C960&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-7yN","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29065","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=29065"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29065\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":29068,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29065\/revisions\/29068"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/29067"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=29065"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=29065"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=29065"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}