{"id":2893,"date":"2014-12-30T13:48:02","date_gmt":"2014-12-30T13:48:02","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=2893"},"modified":"2014-12-30T13:48:02","modified_gmt":"2014-12-30T13:48:02","slug":"kulankii-xassan-shiikh-cabdifatax-al-sisi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2014\/12\/30\/kulankii-xassan-shiikh-cabdifatax-al-sisi\/","title":{"rendered":"Kulankii Xassan Shiikh &#038; Cabdifatax al Sisi"},"content":{"rendered":"<p>Waxaa maalinimadii shalay (Isniin 29 December) kulan ku yeeshay Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha dowlada Masar Cabdifatax al Sisi.<\/p>\n<p>Kulankan ayaa ah mid daba socday martiqaad uu horey Madaxweynaha Masar Sisi ugu fidiyey Madaxweynaha Soomaaliya kadib kulankoodii ugu horeeyey ee dhacay xiligii caleemo saarkii Cabdifatax al Sisi ee bartamihii sanadkan.<\/p>\n<p>Qodobada ugu muhiimsan ee labada dhinac wakhtiga sida qotada dheer uga hadleen ayaa waxaa kamid ah sidii dib loogu soo celin lahaa iskaashigii militari iyo Siyaasadeed oo taariikhiyan ka dhaxeeyey labada dal.<br \/>\nDowlada Masar oo gacansaar xoogleh xiligan laleh dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa horey ugu balan qaaday dowlada Federaalka Soomaaliya inay u dhisi doonaan xeryahada ciidamada iyo tababarada ciidamada Qaranka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Balanqaadkan ayaa feer socday taageeradii horey dowladii Turkiga u balan qaaday inay siin doonto dowlada Soomaaliya. Xukuumada Masar oo xiriir dheer horey ulla lahayd dalka Soomaaliya ayaa inta badan siyaasadeeda Soomaaliya la xariirta arrimaha Masar uga xiran wabiga dheer ee Nile oo ay ku muransan yihiin dowlada Itoobiya.<\/p>\n<p>Dhinaca kale dowlada Masar, Imaaraadka iyo Sucuudiga ayaa xiligan xiriir dhow la yeeshay dowlada Federaalka Soomaaliya si ay meesha uga saaraan xiriirkii horey uga dhaxeeyey dowlada Soomaaliya iyo dalalka Turkiga &amp; Qatar.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Masar Cabdifatax Al Sisi ayaa kulankii shalay ka shaaciyey in labada dhinac wada dhisi doonaan guddi eega arrimaha ay ka wada shaqeyn doonaan la bada dhinac, iyadoo la filayo in dhawaan dalka Soomaaliya ay yimaadaan wafdi ka socda dowlada Masar.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<br \/>\nQaahira office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa maalinimadii shalay (Isniin 29 December) kulan ku yeeshay Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha dowlada Masar Cabdifatax al Sisi. Kulankan ayaa ah mid daba socday martiqaad uu horey Madaxweynaha Masar Sisi ugu fidiyey Madaxweynaha Soomaaliya kadib kulankoodii ugu horeeyey ee dhacay xiligii caleemo saarkii Cabdifatax al Sisi ee bartamihii sanadkan. Qodobada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":2894,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-2893","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-KF","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2893","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=2893"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2893\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=2893"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=2893"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=2893"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}