{"id":28763,"date":"2016-12-14T22:01:44","date_gmt":"2016-12-14T22:01:44","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=28763"},"modified":"2016-12-14T22:01:44","modified_gmt":"2016-12-14T22:01:44","slug":"guddoomiyaha-xisbiga-kulmiye-oo-sharci-darro-ku-tilmaamay-safiirro-uu-xisbiga-wadani-u-magacaabay-waddamada-qaarkood","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/12\/14\/guddoomiyaha-xisbiga-kulmiye-oo-sharci-darro-ku-tilmaamay-safiirro-uu-xisbiga-wadani-u-magacaabay-waddamada-qaarkood\/","title":{"rendered":"Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo sharci-darro ku tilmaamay safiirro uu xisbiga Wadani u magacaabay  waddamada qaarkood"},"content":{"rendered":"<p class=\"x_MsoNormal\">Boorama(Arabsiyonews):-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Munaasibad Xisbigiisu ku soo dhawaynayey Xildhibaano ka tirsan Golaha degaanka ee Dagmooyinka Boorama iyo Baki si adag uduray Xisbiga Mucaridka Wadani<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">waxa uu guddoomiyuhu jawaab ka bixiyey dhaqanno saaxadda siyaasadda ku cusub oo uu beryahan dambe lasoo baxay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kuwaas oo ay kamid yihiin safiirro uu xisbigu sheegay inuu waddamada qaarkood u magacaabay,\u201cCurfiga siyaasadda caalamka kama aynaan maqal, kamana mid aha xisbi mucaarad ah oo safiirro magacaaba, waana xaalad ku ugub ah curfiga siyaasiga ah ee caalamka ah oo dhan, xisbiga ay taasi ka suurtowday iyo ninka xisbiga hoggaaminaya ee doonaya inuu dal madaxweyne ka noqdana ee taas garan waayeyna waxan leeyahay waa khalad ka dhacay\u201dayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Isaga oo hadalkiisa sii wata uu sharci-darro ku tilmaamay tallaabooyinka uu xisbiga WADDANI ku sheegayo inuu raacdo u gelayo sidii bulshada caalamka ugu keeni lahaayeen waxyaabo ay bulshada reer Somaliland u baahan tahay, waxana uu xusay inay taasi tahay shaqadii xukuumadda umaddu dooratay oo ay\u00a0 gef ku tahay xisbi aan umaddu wakiilladan, waxana uu yidhi,\u201cCaalamka meelna kama dhacda xisbi mucaarid ah oo odhanaya intaanu dawlado u tagno ayaanu umadda wax usoo weydiinaynaana, waana\u00a0 aqaan gaabnida curfiga diblomaasiyadda caalamiga ah, dal wal oo adduunka ahna waxa uu la xidhiidhaa oo umaddu doorataa hadba cidda xukunka haysa, taasina waxa aan isleeyahay mala ragga qaar garasho waa kama ahee far kale oo meel kale ka timi oo Somaliland khalkhal gelinaysa mala yaabaa ragga qaarkii inuu taas ka wado, waayo rag aqoontaas garan waayo ma ah, xisbiyada tallaabooyinkaas qaadayna waxan leeyahay kusoo noqda xayndaabka qaran-nimada.\u201d<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Arabsiyonews.com<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Boorama(Arabsiyonews):-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Munaasibad Xisbigiisu ku soo dhawaynayey Xildhibaano ka tirsan Golaha degaanka ee Dagmooyinka Boorama iyo Baki si adag uduray Xisbiga Mucaridka Wadani waxa uu guddoomiyuhu jawaab ka bixiyey dhaqanno saaxadda siyaasadda ku cusub oo uu beryahan dambe lasoo baxay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kuwaas [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":28564,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-28763","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/muuse-biixi-cabdi.jpg?fit=571%2C408&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-7tV","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28763","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=28763"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28763\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":28765,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28763\/revisions\/28765"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/28564"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=28763"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=28763"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=28763"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}