{"id":28175,"date":"2016-11-21T11:07:27","date_gmt":"2016-11-21T11:07:27","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=28175"},"modified":"2016-11-21T11:07:27","modified_gmt":"2016-11-21T11:07:27","slug":"dawladda-somaliland-oo-dalkeedda-ka-joojisay-qaxoontiga-ka-yimaadda-yeman","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/11\/21\/dawladda-somaliland-oo-dalkeedda-ka-joojisay-qaxoontiga-ka-yimaadda-yeman\/","title":{"rendered":"DAWLADDA SOMALILAND OO DALKEEDDA KA JOOJISAY QAXOONTIGA KA YIMAADDA YEMAN"},"content":{"rendered":"<div class=\"newscontent\">\n<p>Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland,\u00a0 ayaa dalkeeda ka mamuucday inay soo galaan qaxoontiga ka\u00a0 soo cararaya dagaaladda ka socda dalka Yeman, tallaabadaasi\u00a0 ayaa dambaysay ka dib markii xanuunka uu\u00a0 ka dilaacay dalka Yeman.Sida uu noo sheegay badhasaabka gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf\u00a0 Axmed, oo xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN, isagoo\u00a0 joogay magaaladda Berbera. Waxaanu tilmaamay badhasaabku\u00a0 in xukuumadda Somaliland\u00a0 ay amar ka soo saartay in aanay dalkeeda soo geli Karin qaxoonti dambe oo ka socda Yeman,<img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-full wp-image-32640 aligncenter\" src=\"http:\/\/i2.wp.com\/hangoolnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/Somaliland-Iyo-Yemen.jpg?resize=561%2C359\" sizes=\"auto, (max-width: 561px) 100vw, 561px\" srcset=\"http:\/\/i2.wp.com\/hangoolnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/Somaliland-Iyo-Yemen.jpg?w=561 561w, http:\/\/i2.wp.com\/hangoolnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/Somaliland-Iyo-Yemen.jpg?resize=300%2C192 300w\" alt=\"somaliland-iyo-yemen\" width=\"561\" height=\"359\" \/><\/p>\n<\/div>\n<p>Qaxoontigii\u00a0 u dambeeyay ee ka yimid dalka Yeman ayaa Somaliland soo gaadhay habeenimadii Sabtidii todobaadkan, kuwaasi oo mudo laba habeen iyo laba maalmood\u00a0 ah ku dul xanibnaa doontii siday oo ku soo xidhatay dekadda magaaladda Berbera,\u00a0 iyadoo caafimaadkooda la baadhayay mudadaasi\u00a0 ka dib-na loo ogolaaday inay doonta ka soo degaan.<\/p>\n<blockquote><p>\u201cWay jiraan qaxoontigaasi ilaa 48 qof ayay ahaayeen, oo isugu jiray Soomaali iyo Yemaniyiin, habeen hore (Sabtidii) ayay doonta siday ku soo xidhatay dekedda Berbera. Markaa maanta\u00a0 (shalay) intii dhakhaatiirta loo diyaarinayay ayay doonta ku jireen, waxaana jirta in cudurka chollera uu ka dilaacay dalka Yemen\u201d|<\/p><\/blockquote>\n<p>Markaa\u00a0 caafimaadkooda wax\u00a0 aan la hubin ma soo geli karaan dalka,\u00a0 inkastoo ay dawladu mamnuucday in aanay\u00a0 soo geli karin,\u00a0 qaxoonti ka yimid Yeman, laakiin maanta (shalay) markii ay dawladu hubisay dad iska rafaadsan inay yihiin, dhakhaatiirtu-na ay hubiyaan caafimaadkooda waa la soo daayay, habeen hore ayay doontu soo xidhatay\u00a0 Berbera, maanta (shalay)\u00a0 ayaanay\u00a0 qoladda caafimaadku u diyaargarawday, Qaxoonti dambe oo Yeman ka yimaada\u00a0\u00a0 ilaa inta xanuunkaasi ka jiro, oo wadanka imanayaa ma jirto,\u201dayuu yidhi Badhasaabku.<\/p>\n<blockquote><p>Guddoomiyaha Saaxil\u00a0 waxa uu sheegay in tallaabaddaasi ay ku wargeliyeen, isla markaana la socodsiiyeen hay\u2019adaha IOM iyo UNHCR oo kala shaqeeya xukuumadda Somaliland dejinta iyo qaabilaada qaxoontiga ka yimaada Yeman, waxaanu yidhi\u00a0 \u201cWaanu kala hadal-nay hay\u2019adaha UNHCR iyo IOM, waanan isla qaadanay, oo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa cid walba u sheegay E-mail-lo ayaa loogu diray, markaa qaxoonti danbe oo ka socda Yeman oo\u00a0 dalka iman karaa ma jiro ilaa inta xanuunkaasi Yeman ka dilaacay uu dhinac u dhacayo.\u201d<\/p>\n<p>Jaamac Yuusuf Axmed, waxa kale oo uu sheegay in qaxoontigan u danbeeyay ee Yeman ka yimid inay muddo toban maalmood ah sii joogi doonaan Berbera si baadhitaan dheeraad ah loogu sameeyo caafimaadkooda. \u201cMaya, meelihii ay u kala socdeen looma ogalaan in ay tagaan,\u00a0 toban maalmood ayay halkan (Berbera)\u00a0 ku hakanayaan, inta caafimaadkooda aad loo sii hubinayo\u201d ayuu yidhi badhasaabka Saaxil.\u201d<\/p><\/blockquote>\n<blockquote><p>Dhinaca kale wuxuu sheegay badhasaabku\u00a0 in doonta\u00a0\u00a0ama markabka qaxoonti ka soo qaada Yeman in la ganaaxi doono, isla markaana xukuno lagu ridi doono. \u201cDoonta danbe ee soo qaada dad kale oo qaxoontiga Yeman ka imanaya\u00a0 ah,\u00a0\u00a0 ganaax iyo xadhig ayay mudan doonaan, waanan wargelinay dhamaantood.\u201d Si kasta ha ahaatee Somaliland ayaa waxaa soo gaadhayay qaxoonti ka soo cararay dagaaladda Yeman tan iyo markii ay dalkasi ka qarxeen dagaaladda u dhexeeya dawladda\u00a0 Yeman\u00a0 iyo kooxaha jabhadda xuutiyiinta\u00a0 sanadkii 2014-kii,\u00a0 iyadoo Somaliland waktigaa ku dhawaaqday inay qaabilayso qaxoontiga Yeman ka imanaya. Waxaana dalka\u00a0 Somaliland ku sugan dhawr boqol oo qaxoonti Yemaniyiin ah, kuwaasi oo qaarkood ay ka shaqaystaan magaalooyinka,\u00a0 inkastoo tiro badan oo ka mid ah ay Somaliland uga sii gudbaan dhinaca dalka Jabuuti si ay codsiyo qaabilaadeed\u00a0 iyo qaxoontinimo uga helaan safaaradaha dalalka reer Yurub ay\u00a0 Jabuuti ku leeyihiin\u201d<\/p><\/blockquote>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland,\u00a0 ayaa dalkeeda ka mamuucday inay soo galaan qaxoontiga ka\u00a0 soo cararaya dagaaladda ka socda dalka Yeman, tallaabadaasi\u00a0 ayaa dambaysay ka dib markii xanuunka uu\u00a0 ka dilaacay dalka Yeman.Sida uu noo sheegay badhasaabka gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf\u00a0 Axmed, oo xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN, isagoo\u00a0 joogay magaaladda Berbera. Waxaanu tilmaamay badhasaabku\u00a0 [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":28176,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-28175","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/Somaliland-Iyo-Yemen.jpg?fit=561%2C359&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-7kr","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28175","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=28175"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28175\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":28177,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28175\/revisions\/28177"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/28176"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=28175"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=28175"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=28175"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}