{"id":28115,"date":"2016-11-20T07:48:22","date_gmt":"2016-11-20T07:48:22","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.com\/?p=28115"},"modified":"2016-11-20T07:48:22","modified_gmt":"2016-11-20T07:48:22","slug":"dhinacyada-yaman-oo-isku-eedeeyay-in-xabad-joojinta-yaman-la-jebiyay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/11\/20\/dhinacyada-yaman-oo-isku-eedeeyay-in-xabad-joojinta-yaman-la-jebiyay\/","title":{"rendered":"Dhinacyada Yaman oo isku eedeeyay in xabad joojinta Yaman la jebiyay"},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Yamen {AN}&#8211;Labada dhinac ee ku dagaallamaya Yaman ayaa isku eedeeyay inay duqeyn ka geysteen magaalada Tacis.<\/p>\n<p>Eedeynta cusub ayaa imaaneysa iyadoo lagu jiro heshiis xabad joojin 48-saacadood ah oo Yaman ka dhaqan galay.<\/p>\n<p>Kumanaan shacab ah ayaa koofurta magaalada Tacis ku go&#8217;doonsan.<\/p>\n<p>Afhayeen u hadlay hay&#8217;ada UNICEF ayaa sheegay in &#8220;dagaalka dhulkana aad ayuu u xoog badan yahay, Waa halis is rasaaseynta, madaafiicda, mararka qaar duqeyn aan kala sooc lahayn, miinada dhulk la geliyo, meel kastaa qarax ayaa ka dhacay&#8221;.<\/p>\n<p>Afhayeenkaasi ayaa intaa ku daray in &#8220;Hadaba xaaladda Tacis aad ayey u xuntahay xaqiiqdii, inkastoo hadda ay xabad joojin ka jirto magaalada. Shacabka aad ayey u cabsi qabaan waxaana lagu hayaa duqeyn culus oo labada dhinacba uga imaaneysa&#8221;.<\/p>\n<p>Xabad joojinta hadda jirta waxaa ku dhawaaqay is beheysiga uu Sucuudiga hogaaminayo ee taageeraya dowladda Yaman.<\/p>\n<p>Qof u hadlay is beheysiga wuxuu Xuutiyiinta taageerada ka helaya Iraan ku eedeeyay inay gantaallo ku rideen xuduudda Sucuudiga iyo Yaman ay wadaagaan.<\/p>\n<p>Balse, Xuutiyiinta dhankooda waxay sheegayaan inay u hogaansameen heshiiska, laakiin ay is difaaci doonaan haddii weerar lagu qaado.<\/p>\n<p>Qof shacab ah oo deggan Tacis ayaa sheegay in uusan aamin saneyn xabad joojinta.<\/p>\n<p>&#8220;Kuma niyad sami xabad joojintan gebi ahaanba. Waxaan soo aragnay xabad joojinno badan oo fashilmay. Xabad joojintan ma sii jiri doonto. Waan hubaa in aysan ka go&#8217;neyn labada dhinac. Marka ay xabad joojin jirto, dhinac kastaa wuxuu diyaariyaan ciidamadiisa si ay dagaalka ugu noqdaan&#8221;. Ayuu yiri qof deggan Tacis.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyo.com<\/p>\n<p>ArabsiyoNews@gmail.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Yamen {AN}&#8211;Labada dhinac ee ku dagaallamaya Yaman ayaa isku eedeeyay inay duqeyn ka geysteen magaalada Tacis. Eedeynta cusub ayaa imaaneysa iyadoo lagu jiro heshiis xabad joojin 48-saacadood ah oo Yaman ka dhaqan galay. Kumanaan shacab ah ayaa koofurta magaalada Tacis ku go&#8217;doonsan. Afhayeen u hadlay hay&#8217;ada UNICEF ayaa sheegay in &#8220;dagaalka dhulkana aad ayuu u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":28116,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-28115","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/92565385_dcd4a804-9ffc-4688-993c-138de12868da.jpg?fit=660%2C371&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-7jt","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28115","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=28115"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28115\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":28118,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28115\/revisions\/28118"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/28116"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=28115"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=28115"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=28115"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}