{"id":2780,"date":"2014-12-29T10:27:28","date_gmt":"2014-12-29T10:27:28","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=2780"},"modified":"2014-12-29T10:27:28","modified_gmt":"2014-12-29T10:27:28","slug":"shirweynihii-dalladda-sonyo-oo-khilaaf-hadheeyay-dartii-dib-loogu-dhigay-muddo-aan-cayinnayn","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2014\/12\/29\/shirweynihii-dalladda-sonyo-oo-khilaaf-hadheeyay-dartii-dib-loogu-dhigay-muddo-aan-cayinnayn\/","title":{"rendered":"Shirweynihii Dalladda SONYO Oo Khilaaf Hadheeyay Dartii Dib Loogu Dhigay Muddo Aan Cayinnayn"},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/4af908a32d3992da1be54e5025193371_M.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-2781\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/4af908a32d3992da1be54e5025193371_M-300x120.jpg?resize=300%2C120\" alt=\"4af908a32d3992da1be54e5025193371_M\" width=\"300\" height=\"120\" \/><\/a><\/p>\n<p>Hargeysa (AN) Shir weynaha dalladda Dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo sabtidii iyo Axadii ka socday Hotel Ambassador ee Magaalada Hargeysa ayaa natiijo la\u2019aan ku dhamaaday ka dib markii ay Xalay suuroobi weyday in la doorto hogaanka cusub.<br \/>\nShir weynahan oo ahaa kii 7-aad islamarkaana qorshihiisu ahaa in lagu doorto hogaanka 2 sanno ee soo socda ayaa si kumeel gaadh ah loo hakiyay , kadib markii xal loo waayey khilaaf laba garab u qaybiyey ergooyinka ururrada isaga kala yimi gobollada dalka ee kala taageersan laba murrashax oo u tartamaya guddoomiyenimada SONYO, iyadoo labadii maalmood ee loogu talogalay aanay mar keliya si midaysan ergooyinku u fadhiistaan hoolka madasha shirweynaha marka laga reebo waqtigii furitaankiisa ee masuuliyiinta ka qaybgashay khudbadaha ka jeedinayeen.<\/p>\n<p>Khilaafkan oo ubucdiisu la xidhiidho laba ergay oo ka socda urur magaciisa lagu sheegay SEEYO oo ka jira Gobolka Sanaag oo ay isku haystaan ururrada ka dhisan gobolkaasi ee ka soo kala jeeda dhallinyarada bariga iyo galbeedka Burco, kuwaasoo ururradoodu kala taabacsan yihiin labada<br \/>\nmurrashax guddoomiye oo iyaguna u kala dhashay gobollada Hargeysa iyo Awdal.<br \/>\nIsku dayo dhawr ah oo kooxo guddiyo is-xilqaamay ku dhex-galeen daminta khilaafkan shalay, ayaa soo jeedimo kala duwan oo ay dhex-dhigeen dhinacyada iska soo horjeeday ay dhammaantood<br \/>\nguuldarraysteen, kadib markii lagu wada qanci waayey.<br \/>\nHase ahaatee, xubnaha golaha sare ee hoggaaminta dalladda oo<br \/>\nsoo dhex galay khilaafka madasha shirku socday oo cakiran, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in gebi ahaanba shirweynaha 7aad si ku-meel-gaadh ah loo xidhay muddo aan loo cayimin.<\/p>\n<p>Khilaafka iyo kala qaybsanaanta shirweynaha SONYO oo socday ilaa cawaysinkii xalay oo si rasmi ah loo xidhay shirka, kadibna qayb ka mid ah ergooyinku ku hadheen madasha, isla markaana ku andacoodeen inay doorteen gole sare oo aan sharci ahayn.<\/p>\n<p><img data-recalc-dims=\"1\" decoding=\"async\" class=\"decoded\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/hubaalmedia.net\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/IMG_5869.jpg?w=696\" alt=\"http:\/\/hubaalmedia.net\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/IMG_5869.jpg\" \/><br \/>\nGeesta kale, shir-jaraa\u2019id oo xubnaha hoggaanka sharciga ah ee dalladdu ku qabteen xafiiskooda magaalada Hargeysa xalay, waxa ay tafaasiil kaga bixiyeen sababaha keenay inay xidhaan shirweynaha 7aad ee SONYO, iyagoo sheegay in gelinka hore ee maanta la isugu iman doono kulan lagaga arrinsanayom xallinta khilaafka hakiyey shirweynaha oo muddo laba maalmood ah ku jiray jaha-wareer iyo kala-qaybsanaan xooggan oo ka dhex dillaacday ergooyinka ka<br \/>\nqaybgalay. Waxa kaloo xubnaha hoggaanku waxba kama jiraan iyo sharci-darro ku tilmaameen go\u2019aan koox ka mid ergooyinka shirweynugu ku sheegeen inay ku doorteen golaha sare ee hoggaaminta SONYO, tallaabadaas oo ay ku sifeeyeen mid xadgudub ku ah distoorka dalladda.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) Shir weynaha dalladda Dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo sabtidii iyo Axadii ka socday Hotel Ambassador ee Magaalada Hargeysa ayaa natiijo la\u2019aan ku dhamaaday ka dib markii ay Xalay suuroobi weyday in la doorto hogaanka cusub. Shir weynahan oo ahaa kii 7-aad islamarkaana qorshihiisu ahaa in lagu doorto hogaanka 2 sanno ee soo socda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":2781,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-2780","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-IQ","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2780","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=2780"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2780\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=2780"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=2780"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=2780"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}