{"id":27739,"date":"2016-11-08T10:45:54","date_gmt":"2016-11-08T10:45:54","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.com\/?p=27739"},"modified":"2016-11-08T10:45:54","modified_gmt":"2016-11-08T10:45:54","slug":"khasaaraha-ka-dhashay-rabshadii-hargeysa-stadium-iyo-magacyada-8-ruux-oo-la-sheegay-inay-xabadi-ku-dhacday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/11\/08\/khasaaraha-ka-dhashay-rabshadii-hargeysa-stadium-iyo-magacyada-8-ruux-oo-la-sheegay-inay-xabadi-ku-dhacday\/","title":{"rendered":"Khasaaraha Ka Dhashay Rabshadii Hargeysa Stadium Iyo Magacyada 8 Ruux Oo La Sheegay Inay Xabadi Ku Dhacday"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)-Inta la ogyahay 25 ruux oo shacab ah ayaa dhaawac ka soo gaadhay rabshado shalay ka dhacay natiijada ciyaartii dhex martay gobalada Hawd iyo Daad-madheedh. 8 ruux oo ka mid ah dadkan shacabka ah ayay ku dhacday rasaasi. Waxa kale oo iyaguna dhaawac ah 7 askari oo ay dhagaxaani ku dhacday.<img decoding=\"async\" class=\"alignnone size-thumbnail wp-image-37237\" src=\"http:\/\/i2.wp.com\/geeska.net\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/2-1.jpg?resize=150%2C150\" sizes=\"(max-width: 150px) 100vw, 150px\" srcset=\"http:\/\/i2.wp.com\/geeska.net\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/2-1.jpg?resize=150%2C150 150w, http:\/\/i2.wp.com\/geeska.net\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/2-1.jpg?zoom=2&amp;resize=150%2C150 300w, http:\/\/i2.wp.com\/geeska.net\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/2-1.jpg?zoom=3&amp;resize=150%2C150 450w\" alt=\"2\" data-recalc-dims=\"1\" \/><\/p>\n<p>Dadka dhaawaca ah ayaa isugu jira qaar ay rasaasi ku dhacday, kuwo ay dhagaxaani ku dhaceen iyo kuwo ku dhaawacmay is jiidh-jiidh dhacay markii garoonka laga baxayay. Dhaawac\u00a0 ayaa la geeyay cisbitaalka guud ee Hargeysa kuwaas oo ay ku jiraan carruur, haween iyo dhallinyaro. Dhawr ka mid ah kuwa ay rasaastu ku dhacday ayaa xalay ku jiray xaalad halis ah.<\/p>\n<p>Sidoo kale askar boolis ah oo iyagana ay dhagaxaani ku dhacday ayaa la geeyay cisbitaalka guud ee Hargeysa.<\/p>\n<p>Ciidamada Booliska ayaa dhallinyaro markii dambe gadooday ku riday rasaas ay ku kala dareerinayeen, waxaanay xaaladu caadi ku soo noqotay xalay fiidkii.<\/p>\n<p>Weriyayaal ka tirsan wargeyska Geeska Afrika oo xalay cawayskii booqday cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaa indhahooda ku soo arkay dhaawac gaadhaya 25 ruux oo isugu jira kuwo ay xabadi ku dhacday, kuwo dhagaxaan ku dhaceen iyo kuwo dadkii is jiidh-jiidhayay dhaawacyo soo gaadhsiiyeen. Dadka ay soo arkeen bahda wargeyska Geeska Afrika waxa ku jira wiil laba 10 jir ah oo ay xabadi kaga dhacday feedhaha.<\/p>\n<p>Qoysaska dadkan oo dul taagnaa ayaa sheegay in waxa ku dhacay tahay rasaas.<\/p>\n<p>Magacyada dadka ay rasaastu ku dhacday ayaa kala ah:<\/p>\n<p><strong>1.\u00a0Guuleed Cabdiqaadir<\/strong><\/p>\n<p><strong>2.\u00a0Nimco Hurre<\/strong><\/p>\n<p><strong>3.\u00a0Cabdikariin Cabdillaahi<\/strong><\/p>\n<p><strong>4.\u00a0Xamse Axmed Jaamac<\/strong><\/p>\n<p><strong>5.\u00a0Sakariye Muuse Jaamac<\/strong><\/p>\n<p><strong>6.\u00a0Cabdiraxmaan Fu\u2019aad Cabdillaahi<\/strong><\/p>\n<p><strong>7.\u00a0Cabdisalaan Maxamed Muxumed<\/strong><\/p>\n<p><strong>8.\u00a0Sakariye Khadar Jiilaal<\/strong><\/p>\n<p>Hawl-wadeenada cisbitaalka Hargeysa ayaa xalay dedaal xoogan u galay sidii ay u badbaadin lahaayeen dhaawacyada soo gaadhay, kuwaas oo ay u sameeyeen gurmad kasta oo ay ku caawinayaan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)-Inta la ogyahay 25 ruux oo shacab ah ayaa dhaawac ka soo gaadhay rabshado shalay ka dhacay natiijada ciyaartii dhex martay gobalada Hawd iyo Daad-madheedh. 8 ruux oo ka mid ah dadkan shacabka ah ayay ku dhacday rasaasi. Waxa kale oo iyaguna dhaawac ah 7 askari oo ay dhagaxaani ku dhacday. Dadka dhaawaca ah ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-27739","post","type-post","status-publish","format-standard","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-7dp","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27739","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27739"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27739\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27739"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27739"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27739"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}