{"id":27701,"date":"2016-11-07T10:32:50","date_gmt":"2016-11-07T10:32:50","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.com\/?p=27701"},"modified":"2016-11-07T10:32:50","modified_gmt":"2016-11-07T10:32:50","slug":"dadka-reer-guuraaga-ah-ee-bariga-somaliland-oo-qarka-u-saaran-inay-gaajo-harraad-u-dhintaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/11\/07\/dadka-reer-guuraaga-ah-ee-bariga-somaliland-oo-qarka-u-saaran-inay-gaajo-harraad-u-dhintaan\/","title":{"rendered":"DADKA REER GUURAAGA AH EE BARIGA SOMALILAND OO QARKA U SAARAN INAY GAAJO &#038;\u00a0 HARRAAD U DHINTAAN"},"content":{"rendered":"<p>Hargeisa {AN}&#8211;Xaaladda abaareed ee ka taagan gobollada bariga Somaliland, ayaa la sheegayaa in ay marayso meel aad u halis ah, isla markaana\u00a0\u00a0 ay hadda\u00a0 muuqato saan-saan ah in\u00a0 dadku ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan gaajo iyo\u00a0 haraad.Abaartaasi oo si weyn u saamaysay gobollada Sool, Sanaag, Saraar, Togdheer iyo degaamadda hoos yimaadda, ayaa\u00a0\u00a0 sababtay in ay le\u2019daan inta badan wixii ay xoolo dadku haysteen, iyadoo wixii u soo hadhayna ay\u00a0 yihiin kuwo liita.<\/p>\n<p>Koox weriyeyaal ah oo ka socda wasaaradda warfaafinta Somaliland oo\u00a0 maalmahan-ba\u00a0 u\u00a0\u00a0 kuurgelaya xaaladda nololeed ee dadka iyo duunyadda dadka degaamadda abaartu ku dhufatay ayaa soo sheegay in\u00a0 degaamadda ay soo mareen\u00a0\u00a0 ay ka jirto Abaar kulul oo si toos ah u taabatay\u00a0 dadka iyo duunyadaba.<\/p>\n<p>Sida uu ku soo waramayo weriye Maxamed Xuseen Cali, oo ka tirsan TV-ga qaranka Somaliland waxa uu soo sheegay\u00a0 in ay soo mareen degaamo ka kala tirsan goboladda Saraar, Sanaag iyo Badhan, isla markaana ay\u00a0\u00a0 uu indhihiisa ku soo arkay xoollo tiro badan oo abaarta darteed u le\u2019eday,\u00a0 diif iyo haraad ka muuqda\u00a0 dadkii xoolo dhaqatadda ahaa. Sidoo kale waxaa ka muuqda\u00a0 degaanka in uu xaalufay, iyadoo meelaha qaarkood la mooddo gel-gelin aan weligeed waxba ka bixin, isla markaana ay indhuhu diidayaan in aad ku sii hayso abaarta daran eek a jirta awgeed. Iyadoo\u00a0 dadku\u00a0\u00a0 ay\u00a0 u baahan yihiin\u00a0 in\u00a0 si deg deg ah\u00a0 gurmad iyo caawimo loola gaadho.<\/p>\n<p>Waxa kale oo uu intaa ku daray weriyuhu in ay safarkoodda ku soo mareen degaanka Bohol oo ka tirsan gobolka\u00a0 Sool,\u00a0 iyagoo uga sii gudbay bannanka Daba-jiite\u00a0 iyo Laba-Dunlay,\u00a0 ilaa tuuladda Siigo-dheer,\u00a0\u00a0 oo iyadu ka tirsan degmadda Ceel Af-weyn ee gobolka Sanaag.\u00a0 Meelahaasi ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin\u00a0 deegaamada\u00a0 sida aadka ah u xaalufay, isla markaana ay abaartu\u00a0\u00a0 haysato dadka xoolo dhaqatadda ah, iyadoo dadkii xoolo dhaqatadda ahaa\u00a0 wixii\u00a0 u hadhay\u00a0\u00a0 xoolahooda ay miciin bideen in ay\u00a0 meelo kale ula hayaamaan ,\u00a0 inkastoo ay jiraan\u00a0 qoysas ay xooluhu u socon kari waayeen.<\/p>\n<p>Mid ka mid ah dadka xoolo dhaqatadda ah ee degaamadda ay abaartu ku jirto\u00a0 gaar ahaan meesha la yidhaahdo Siigo-dheer oo ka tirsan degmadda Ceel Af-weyn ayaa ka waramay\u00a0 halka ay marayso\u00a0 xaaladoodda nololeed, waxaanu yidhi \u201cTuuladan la yidhaahdo Siigo-dheer oo ka tirsan Ceel Af-weyn ayaanu deganayn, waxaa nagu dhufatay\u00a0 oo na haysata abaar aad u ba\u2019an,\u00a0 dadkii wuu ka guuray wixii ka guuri karayay, wixii aan ka guuri karaynina way joogaan,\u00a0 cid u gar gaartana ma haystaan.\u00a0 In yar oo Adhi ah, wixii abaarta ka soo hadhay ayaan\u00a0 saaka (shalay)\u00a0 ka soo kexeeyay meeshii aan deganayn, oo aan waxba inoo jirin,\u00a0 wuu ii socon waayay oo halkaa aan imika joogo wuu ii dhaafi waayay.<\/p>\n<p>Dadku wuxuu u baahan yahay wax u gar gaara,\u00a0 IILAAHAY ba gar gaarka iska lehe. Dhibaatadda ugu daran ee na haysata biyo la\u2019aan ayaa ka mid ah, daawo la\u2019aan ayaa ka mid ah.\u201d Geesta kale meelaha ay haatan abaarta ugu xun ka taagan tahay waxaa ka mid ah degaanka Karin biyood oo ka tirsan degmadda Ceel Af-weyn ee gobolka Sanaag,\u00a0\u00a0 iyo\u00a0 nawaaxigeedda\u00a0 halkaasi oo ka mid ahayd meelaha ay sida weyn dadku xoolaha ugu dhaqdaan gaar ahaana Adhiga, hase yeeshee meelahaasi ayaa imika ka mid ah dhulka ugu\u00a0 daran ee ay\u00a0 ka jirto xaaladda abaareed. Sidoo kale degaamadda Laas-doomaare, Huluul,\u00a0 Kal-sheekh, Kal-mac,\u00a0 iyo degaamadda kale ee hoos yimaadda\u00a0 degmadda Ceel Af-weyn ayaa\u00a0 dhamaantood-ba u baahan\u00a0 in\u00a0 gurmad\u00a0 lala gaadho dadka meelahaasi ku nool, kuwaasi oo ay ka bexeen wixii ay xoolo haysteen ee manaafacaadka u ahaa, iyadoo ay haatana muuqato in dadku ay u dhintaan cunto la\u2019aan iyo haraad. Degaamadda ka tirsan gobolka Sanaag\u00a0 ee ay weriyeyaashu soo mareen waxay sheegeen in ay ku soo arkeen bakhtiga xoolaha oo isugu jira Adhi, Geel iyo Lo\u2019da\u00a0 o meel walba daadsan,\u00a0 isla markaaana\u00a0\u00a0 qoysaska qaarkood dhamaanba wixii ay\u00a0 xoolo haysteen in ay ka baxeen. Isku soo wada duuboo, guud ahaanba goboladda bariga Somaliland ayaa waxaa wakhtigan ka taagan abaar aad u daran oo wada saamaysay nolosha dadka iyo duunyada-ba, iyadoo\u00a0 sida laga soo sheegayo meelahaasi\u00a0 ay haatan xaaladu gaadhay in\u00a0 bakhtiga xooluhu\u00a0 uu tiro dhaafay, hase yeeshee imika loo baahan yahay in la bad-baadiyo dadka oo iyag-na qarka u saaran in ay dhintaan<\/p>\n<p>Arabsiyo.com<\/p>\n<p>ArabsiyoNews@gmail.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeisa {AN}&#8211;Xaaladda abaareed ee ka taagan gobollada bariga Somaliland, ayaa la sheegayaa in ay marayso meel aad u halis ah, isla markaana\u00a0\u00a0 ay hadda\u00a0 muuqato saan-saan ah in\u00a0 dadku ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan gaajo iyo\u00a0 haraad.Abaartaasi oo si weyn u saamaysay gobollada Sool, Sanaag, Saraar, Togdheer iyo degaamadda hoos yimaadda, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":27622,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":true,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-27701","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-7cN","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27701","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27701"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27701\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27701"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27701"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27701"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}