{"id":2767,"date":"2014-12-28T15:08:30","date_gmt":"2014-12-28T15:08:30","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=2767"},"modified":"2014-12-28T15:08:30","modified_gmt":"2014-12-28T15:08:30","slug":"abwaan-xasan-oo-kulan-ballaadhan-la-qaatay-jaaliyada-dalka-sweden","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2014\/12\/28\/abwaan-xasan-oo-kulan-ballaadhan-la-qaatay-jaaliyada-dalka-sweden\/","title":{"rendered":"Abwaan Xasan Oo Kulan Ballaadhan La Qaatay Jaaliyada Dalka Sweden"},"content":{"rendered":"<h2><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/Ganay-150x150.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-2768\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/Ganay-150x150.jpg?resize=150%2C150\" alt=\"Ganay-150x150\" width=\"150\" height=\"150\" \/><\/a><\/h2>\n<h2>Stockhol\u00a0(AN) Waxaa magaalada Stockholm ee caasimadda Iswiidhan lagu qabtay, \u00a0kulan-suugaaneed weyn oo kulmiyay abwaanka Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey) iyo bulshada Soomaalida ah ee dalkani ku dhaqan. Munaasibaddan oo ahayd mid ay si heersare ah isaga kaashadeen ururka Badda Cas iyo Ururka qorayaasha Soomaalilaan, ayaa ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay.<\/h2>\n<h2><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandtoday.com\/slt\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/Xasan-Ganay.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-15909\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandtoday.com\/slt\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/Xasan-Ganay.jpg?resize=696%2C392\" alt=\"Xasan-Ganay\" width=\"696\" height=\"392\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandtoday.com\/slt\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/Ganay.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-15908\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandtoday.com\/slt\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/Ganay.jpg?resize=696%2C392\" alt=\"Ganay\" width=\"696\" height=\"392\" \/><\/a><\/h2>\n<h2>\u00a0Goor casar dheere ah ayaa layskugu yimid goobtii uu kulanku ka dhacayay oo ahayd Kista Tr\u00e4ff. \u00a0Waxa ay \u00a0ahayd goob bilan, oo ay ku sugnayd bulsho-weyn xiiso gaar ah u haysay \u00a0suugaanta iyo lakulanka \u00a0abwaankaba. Taasina waxa ay keentay in barnaamijku ku bilaabmo \u00a0 xilligii loogu talogalay.<\/h2>\n<h2>Ugu horrayn waxa munaasibadda aayado \u00a0Quraan ah ku furay Cumar Xaaji Bile Aadan. Intaasi kadib Sayid Maxamed Yuusuf ( Dhegey ), oo ahaa daadihiyaha barnaamijka, ayaa codbaahiyihii ku soo dhaweeyay Maxamed Cabdillaahi Booshari oo ah guddoomiyaha ururka Badda Cas. Maxamed \u00a0waxa uu goobta ka soo jeediyay hadal \u00a0kooban oo soodhawayn iyo mahadnaq ba isugu jira. Intaa kadib \u00a0waxa iyana ereyo soo dhawayn iyo kaftanba isugu jira goobka ka soo jeediyay, Jaamac Maxamuud Cumar ( Jaamac Sweden) \u00a0oo hore buug ka qoray riwaayaddii Masiibadda adduunyada iyadaa u macallina, \u00a0macallin \u00a0Xuuble, Mudane Asad \u00a0 iyo \u00a0Suldaan Garyare oo ka mid ah odayaasha magaalada Stockholm \u00a0iyo \u00a0Baxnaan Xaaji \u00a0Aadan oo munaasibaddan uga soo safray magaalada \u00d6rebro.<\/h2>\n<h2>Waxa si rasmi ah loo gudogalay barnaamijkii. Waxaana codbaahiyaha gacanta ku dhigay qoraaga Yuusuf Xaaji Cabdillaahi Xasan oo ka tirsan ururka qorayaasha Soomaalilaan. Yuusuf waxa uu madasha si xarrago leh uga akhriyay taariikh-nololeedka abwaanka iyo sooyaalkiisii dheeraa ee suugaaneed. \u00a0Yuusuf oo si wanaagsan ugu soo diyaargaroobay ka sheekaynta taariikhda abwaanka, ayaa si qurux badan uga sheekeeyay waayo kala duwan oo uu abwaan Xasan-Ganey soo maray. \u00a0Waxa uu macallin Yuusuf ka sheekeeyay in uu abwaan Xasan-Ganey ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar oo ka tirsan gobolka Saaxil. Waxa kale oo uu ka sheekeeyay in uu abwaan Xasan magaalada Berbera u soo wareegay isaga oo yar, uuna halkaasi ka bilaabay in uu ka shaqeeyo hudheelada cuntada. Halka uu markii danbena uu u wareegay magaalada Hargeysa, isaga oo halkaasi baayacmushtar ka bilaabay, halka uu markii danbena uu ku biiray ciidankii kamaandoosta Soomaaliya. Taariikh-nololeedkaas kooban markii uu dhammeeyay macallin Yuusuf Xaaji Cabdillaahi, ayuu codbaahiyaha ku soo dhaweeyay Muuse Maxamuud Ciise ( Dalmar ) oo soo diyaariyay ka sheekaynta qaar ka mid ah riwaayadihii iyo heesihii uu abwaanku alifay. Muuse ayaa si waafi ah uga sheekeeyay afar riwaayadood oo uu abwaanku lahaa iyo heesihii ku jiray. Muuse waxa uu soo qaatay riwaayadaha kala ah: 1. Dab jacayl kari waa, oo soo baxday sannadkii \u00a01974 \u00a0 \u00a0 2. Jinni iyo jacayl \u00a0oo soo baxday sannadkii 1975 \u00a0 \u00a0 \u00a0 3. Galbeed waa la xorreeyay, Waarsaase gaagixisay, oo soo baxday sannadkii 1978 \u00a0 \u00a04. Dumistii aqalkayga iyo arooskii inankayga, oo soo baxday sannadkii \u00a01978. \u00a0Muuse-Dalmar ayaa markii uu intaasi dhammeeyay mar labaad madasha ku soo dhaweeyay Yuusuf Xaaji Cabdillaahi, oo halkaasi ku soo bandhigay labada riwaayadood ee kala ah: Bidaari sibiqbay kugu gashaa oo soo baxday 1980 iyo riwaayadda Masiibadu adduunyada iyadaa u macallin ah oo soo baxday sannadkii 1983. Yuusuf iyo Muuse waxa ay goobta ka qaadeen oo ay ku luuqeeyeen dhawr heesood oo ka mid ah heesaha ugu caansan kuwa uu abwaanku sameeyay. Heesaha ay ku luuqeeyeen ee ay dadku aadka uga heleenna waxa ka mid ahaa, heesta Sayla, heesta Maalmaha qallooca, heesta Ma og tahay curyaankaba, cago looma waayine, heesta geediga hayaankuba iyo heesta waligeed adduunyada wakhtigaa qof saacida, midna waayahaa xidha. Dadkii goobta ku sugnaa ayaa sacab iyo qosol kala goyn waayay intii ay Yuusuf Xaaji Cabdillaahi iyo Muuse Maxamuud Ciise ku luuqaynayeen heesaha abwaanka.<\/h2>\n<h2>Intaas kadib waxa la galay qaybtii ugu mihiimsanayd barnaamijka, waxaana makrafoonka lagu soo dhaweeyay abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey). Xasan oo aad ugu faraxsanaa sidii loo soo dhaweeyay iyo la kulanka dadkiisa uu jecel yahay ayaa gudogalay qayb ka mid ah suugaantiisa qaniga ah. Waxaanu goobta ka tiriyay gabay magaciisa la yidhaa QANEECAAD, kaasi oo beddelay dhammaan shucuurtii dadweynaha. Waxa uu ahaa gabay ka hadlaya duruufaha iyo waayaha kala duwan ay ku sugan tahay ummadda Soomaalidu. Waxa kale oo uu abwaanku madasha ka tiriyay maansada MAGAN, oo iyana ahayd mid si weyn uga hadlaysa waayaha iyo nolosha Soomaalida. Labadan maanso ayaa isugu jiray waxsheeg , talo, iyo duco. Intaa markii la marayay ayaa la galay qadar nasasho ah. Qaybtii danbe ee barnaamijkuna waxa ay ahayd mid aad u xiiso badan oo qosol iyo maad ba laga dhergay. Abwaanka ayaa dadkii meesha fadhiyay la wadaagay sheekooyin iyo suugaan uu u sameeyay \u00a0riyo uu ku dhaqday magaaalada Hargeysa. Abwaanku waxa uu tiriyay maansooyin gaagaaban oo ay isku tiriyeen orgi ka mid ah adhigiisu. Waxa uu sidoo kale abwaanku goobta ka tiriyay, maanso kooban oo jacbur ah oo isugu jirtay af Ingiriisi iyo af \u00a0Soomaali, taasi oo ay aad uga heleen dadkii goobta ku sugnaa. Qaybtii u danbaysayna waxa ay noqotay su\u2019aalo ay dad weynuhu waydiinayeen abwaanka. \u00a0Su\u2019aalaha uu abwaanku ka jawaabay waxa ka mid ahaa, in \u00a0uu isagu leeyahay iyo in kale heesta tidhaa, Cudurka kaa gala fardaha, haddii laga gubo dameer, dawada lama gaadhayee, waxaanu abwaanku sheegay in uu isagu heestaasi sameeyay, ayna ka mid ahayd riwaayad la odhan jiray, NIN ILAAHAY WAKIISHAY, NASIIBKIISA MA WAAYO, oo uu lahaa abwaan Kayd. Xasan-Ganey waxa uu sheegay in uu heestaasi dhex raaciyay riwaayaddaasi, maaddaaama oo dawladdii berigaa joogtay ay il gaar ah isaga ku eegaysay. Su\u2019aalaha kale ee la waydiiyay waxa ka mid ahaa, sababta ay dawladdii Kacaanku u xidhi wayday, maaddaama oo uu ka qaybqaatay silsilladdii Deelley. Abwaanka ayaa sheegay in aad loo dhibay, marar badanna been-abuur laga sameeyay. Laakiinse uu xagga Rabbi uun ka baxay. Abwaanku waxa uu sheegay in marar badan lagu soo dacweeyay in uu ku biirayo SNM oo uu waliba duufsanayo fannaaniin badan.<\/h2>\n<h2>\u00a0Gebogebadii barnaamijka markii la soo gaadhay, ayuu mar labaad abwaanku u mahadceliyay, una duceeyay dadweynihii kulanka ka soo qaybgalay. Waxaanu isna ka codsaday in ay u duceeyaan in uu Rabbi caafimaad degdeg ah siiyo.<\/h2>\n<h2>FG: Abwaanku waxa uu daryeel-caafimaad u soo doontay waddanka Jarmalka. Waxaanu Iswiidhan u yimid codsi uga yimid bulshaweynta Soomaalida ah ee Iswiidhan ku dhaqan. Abwaanku waxa uu \u00a0dhawaan ku noqon doonaa magaalada Hargeysa oo ah magaalada uu sida rasmiga ah ugu nool yahay.<\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Stockhol\u00a0(AN) Waxaa magaalada Stockholm ee caasimadda Iswiidhan lagu qabtay, \u00a0kulan-suugaaneed weyn oo kulmiyay abwaanka Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey) iyo bulshada Soomaalida ah ee dalkani ku dhaqan. Munaasibaddan oo ahayd mid ay si heersare ah isaga kaashadeen ururka Badda Cas iyo Ururka qorayaasha Soomaalilaan, ayaa ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay. \u00a0Goor casar dheere [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":2768,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-2767","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-ID","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2767","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=2767"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2767\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=2767"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=2767"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=2767"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}