{"id":27555,"date":"2016-11-04T07:33:34","date_gmt":"2016-11-04T07:33:34","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.com\/?p=27555"},"modified":"2016-11-04T07:33:34","modified_gmt":"2016-11-04T07:33:34","slug":"keating-oo-soo-dhoweeyay-heshiiska-ay-saxiixdeen-gaas-iyo-guuleed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/11\/04\/keating-oo-soo-dhoweeyay-heshiiska-ay-saxiixdeen-gaas-iyo-guuleed\/","title":{"rendered":"Keating oo soo dhoweeyay heshiiska ay saxiixdeen Gaas iyo Guuleed"},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">UN{AN}&#8211;Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobeey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa soo dhoweeyay heshiiska lagu deminayo dagaalkii Gaalkacyo ee lagu gaaray Abu Dhabi.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Puntland, Abdiweli Moxamed cali &#8220;Gaas&#8221; iyo madaxweynaha Galmudug, Cabdikarim Xuseen Guleed ayaa ka heshiiyay in dhibaatada Gaalkacyo la xalliyo.<\/p>\n<p>War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska SRSG ayaa lagu xusay in labada madaxweyne ay ku heshiiyeen in la joojiyo hadallada colaadda hurin kara ee warbaahinta la isu marinayo.<\/p>\n<p>Waxaa kaloo heshiiska qeyb ka ah in gacan laga geysto sidii magaalada ay ugu noqon lahaayeen dadkii ka barakacay dagaalka.<\/p>\n<p>Waxaa kaloo lamagacaabayaa guddi raadiya sidii xal kama dambeys ah looga gaari lahaa dagaalka.<\/p>\n<p>Arrintaasi waxay qeyb ka ahayd heshiis labada madaxweyne ay ku dhowaad sanad kahor ka gaareen dagaal ka dhacay Gaalkacyo, bishii December ee 2015kii.<\/p>\n<p>Wakiilka Qaramada Midoobeey, Keating ayaa dowladda Imaaraadka Carabta ku amaanay gacanta ay ka geysatay in heshiis cusub ay labada dhinac isla gaaraan.<\/p>\n<p>Waxa uu labada madaxweyne maamul goboleed ku booriyay inay qaadaan tallaabo degdeg ah oo lagu xaqiijinayo in heshiiska la meelmariyo.<\/p>\n<p>Keating ayaa sidoo kale odayaasha dhaqanka iyo ganacsatada Gaalkacyo ku amaanay sida ay ugu dadaaleen in xal laga gaaro dhibaatada Gaalkacyo.<\/p>\n<p>&#8220;Tani waa tallaabo dhanka wanaagga loo qaaday&#8221; ayuu yiri Keating oo intaas sii raaciyay, &#8220;Kubadda waxay hadda cagta ugu jirtaa Gaas iyo Guleed si ay meel mariyaan ballan qaadyadii aan la fulin, iyo inay u adeegaan shacabka Puntland iyo Galmudug.<\/p>\n<p>Bishii lasoo dhaafay, magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay dagaal sababay in kumannaan qof ay guryahooda ka qaxaan.<\/p>\n<p>Sidoo kale illaa 20 qof ayaa ku dhimatay dagalkaasi, sida ay sheegeen hay&#8217;adaha magaalada ka howlgala.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyo.com<\/p>\n<p>ArabsiyoNews@gmail.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>UN{AN}&#8211;Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobeey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa soo dhoweeyay heshiiska lagu deminayo dagaalkii Gaalkacyo ee lagu gaaray Abu Dhabi. Madaxweynaha Puntland, Abdiweli Moxamed cali &#8220;Gaas&#8221; iyo madaxweynaha Galmudug, Cabdikarim Xuseen Guleed ayaa ka heshiiyay in dhibaatada Gaalkacyo la xalliyo. War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska SRSG ayaa lagu xusay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-27555","post","type-post","status-publish","format-standard","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-7ar","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27555","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27555"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27555\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27555"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27555"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27555"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}