{"id":27493,"date":"2016-11-03T10:00:25","date_gmt":"2016-11-03T10:00:25","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.com\/?p=27493"},"modified":"2016-11-03T10:00:25","modified_gmt":"2016-11-03T10:00:25","slug":"shirkadda-isgaadhsiinta-telesom-oo-10000-ugu-deeqday-dhamaystirka-wajiga-labaad-ee-dhismaha-waddada-kaantaroolka-wajaale","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/11\/03\/shirkadda-isgaadhsiinta-telesom-oo-10000-ugu-deeqday-dhamaystirka-wajiga-labaad-ee-dhismaha-waddada-kaantaroolka-wajaale\/","title":{"rendered":"Shirkadda Isgaadhsiinta TELESOM oo $10,000 ugu deeqday Dhamaystirka Wajiga Labaad ee Dhismaha Waddada Kaantaroolka Wajaale"},"content":{"rendered":"<p>Tog-wajaale \u2013 (AN) \u2013 Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee TELESOM ayaa deeq lacageed oo dhan $10,000 gudoonsiisay Guddida Horumarinta Tog-wajaale oo magaaladda ka bilaabay dhamaystirka dhismaha waddo laami ah oo isku xidhaysa Kaantaroolka ilaa magaaladda Wajaale Gudaheeda. \u00a0<img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-27494 size-full aligncenter\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.com\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/deeqda_wajaale6.jpg?resize=696%2C411\" alt=\"deeqda_wajaale6\" width=\"696\" height=\"411\" \/><\/p>\n<p>Munaasibad ay shirkadda TELESOM ku wareejinaysay lacagtan ayaa ka qabsoontay Arbacaddii xarunta shirkadda ee magaaladda Tog-wajaale waxaana ka soo qayb-galay masuuliyiinta shirkadda TELESOM iyo Guddida Horumarinta Tog-wajaale.<\/p>\n<p><span style=\"text-decoration: underline;\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-27495 size-full aligncenter\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.com\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/deeqda_wajaale4.jpg?resize=696%2C485\" alt=\"deeqda_wajaale4\" width=\"696\" height=\"485\" \/><\/span><\/p>\n<p>Ugu horayn waxaa munaasibadan ka hadlay maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda TELESOM Md. Maxamed Cabdi darbo, waxanu yidhi, \u201cArinta halkan aanu u joognaa waxaa weeye in aanu ka qayb qaadano, dhamaystirka la dhamaystiraayo waddada laamida ah ee isku xidhaysa Kalabaydh iyo Wajaale intii ka dhinnayd Kaantaroolka magaaladda Laga soo galo ilaa magaaladda, oo aan ku qiyaasi karo inay dhan thaay cabirkeedu ilaa laba kiiloo mitir (2km). Waddadaasi oo la doonaayo in la dhamaystiro oo markii hore caro kaawo ahayd in laga dhigo laami\u201d<\/p>\n<p>.<img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-27496 size-full aligncenter\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.com\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/deeqda_wajaale3.jpg?resize=696%2C399\" alt=\"deeqda_wajaale3\" width=\"696\" height=\"399\" \/><\/p>\n<p>Maxamed Cabdi Darbo ayaa sheegay in shirkadda TELESOM ay sanadkii 2012 ay wajigii koowaad ee waddadan ay ku bixisay lacag dhan $25,000.<\/p>\n<p>Md. Darbo isagoo hadalkiisa sii watta waxaa uu yidhi, \u201cMaantana waxaanu doonaynaa in labadaa kiiloo mitir ee ka dhiman magaaladda gudaheeda ama ilaa xadkaa u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya in Laami laga dhigo, markaa waxaanu diyaar u nahay in guddida horumarinta Tog-wajaale ku wareejino maanta lacag dhan $10,000, waana xoolo madaxood. Markastana shirkaddu waxay diyaar u tahay wax kastoo lagu hor marinaayo ummadda, hadday noqoto waxbarashadda, hadday noqoto caafimaadka, hadday noqoto kaabayaasha dhaqaalaha iyo hadday noqoto wixii adeeg isgaadhsiineed ah in loo qabto bulshadda\u201d, sidaasi waxaa yidhi Maxamed Darbo.<\/p>\n<p><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-27497 size-full aligncenter\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.com\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/deeqda_wajaale2.jpg?resize=696%2C419\" alt=\"deeqda_wajaale2\" width=\"696\" height=\"419\" \/><\/p>\n<p>Gudoomiyaha Guddida Horumarinta degmadda Wajaale Sheekh Yusuf Maxamed (Yusuf-cali) ayaa shirkadda TELESOM uga mahadnaqay deeqdan ay ugu deeqdan dhismaha waddadan, waxaanu shirkadda ku amaanay kaalinta ay kaga jirto horumarinta degmadda, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa, \u201cMarka hore ILaahay baa mahad leh Subaaxanow wa tacaalaa iskugu keen keenay halkan. Mar labaadka waxaanu u mahadcelinayaa shirkadda Telesom oo iyadu hormuud ka ah wax qabadka degmadda Tog-wajaale. Waxaanu xasuusanayaa barigii aan waddadan gudaha magaaladda aanu ka shaqaynaynay, shirkaddii u horaysay ee noo soo jawaabtay inay ahayd TELESOM, taasina aad baanu ugu mahadinaynaa. Maantana iyadoo meel cidhiidhi ah ku jirta oo shirkaddii waddadu ay lacagtii degdeg u doonayso, markii aanu shalay u tagnay isla markiiba shirkaddu way noo soo jawaabtay\u201d.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-27498 size-full aligncenter\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.com\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/deeqda_wajaale1.jpg?resize=696%2C417\" alt=\"deeqda_wajaale1\" width=\"696\" height=\"417\" \/><\/p>\n<p>Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xaaji Cumar maamulaha Xarunta Telesom ee Waajaale ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida degdeg ah ee ay shirkaddu uga soo jawaabtay dalabkii ay u soo gudbiyeen guddida horumarinta degmadda Tog-wajaale.<\/p>\n<p>Sheekhul baladka degmadda Tog-wajaale Sheekh Maxamed Ibraahim Yusuf oo isna ka hadlay munaasibadaasi ayaa shirkadda Telesom uga mahadnaqay sida dhakhsaha badan ee ay mar labaad uga qayb-qaadatay qaadhaanka dhismaha Waddada degmadda Tog-wajaale. Sheekh ayaa shirkadda Ilaahay uga baryey inuu barakeeyo, waxaanu shirkadda ku dhiiri-galiyey inay sii waddo ka qayb-qaadashadda arimaha danta caamka ah ee ummaddu wadda leedahay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Tog-wajaale \u2013 (AN) \u2013 Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee TELESOM ayaa deeq lacageed oo dhan $10,000 gudoonsiisay Guddida Horumarinta Tog-wajaale oo magaaladda ka bilaabay dhamaystirka dhismaha waddo laami ah oo isku xidhaysa Kaantaroolka ilaa magaaladda Wajaale Gudaheeda. \u00a0 Munaasibad ay shirkadda TELESOM ku wareejinaysay lacagtan ayaa ka qabsoontay Arbacaddii xarunta shirkadda ee magaaladda Tog-wajaale waxaana [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":27495,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":true,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-27493","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-79r","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27493","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27493"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27493\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27493"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27493"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27493"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}