{"id":27490,"date":"2016-11-03T09:47:45","date_gmt":"2016-11-03T09:47:45","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.com\/?p=27490"},"modified":"2016-11-03T09:47:45","modified_gmt":"2016-11-03T09:47:45","slug":"trump-iyo-obama-oo-olole-iska-soo-horjeeda-ka-wada-florida","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/11\/03\/trump-iyo-obama-oo-olole-iska-soo-horjeeda-ka-wada-florida\/","title":{"rendered":"Trump iyo Obama oo olole iska soo horjeeda ka wada Florida"},"content":{"rendered":"<figure class=\"media-landscape has-caption full-width lead\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"js-image-replace\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ichef.bbci.co.uk\/news\/660\/cpsprodpb\/10DBD\/production\/_92235096_7344a02a-7f40-45d6-a889-ad092ad04337.jpg?resize=696%2C392\" alt=\"Trump iyo Obama oo maanta si kala duwan uga ololeynaya gobolka Florida.\" width=\"696\" height=\"392\" data-highest-encountered-width=\"660\" \/><\/span><\/figure>\n<p class=\"story-body__introduction\">Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuquraadiga ayaa markale foodda isku daray gobolka Florida oo ay u arkaan inay muhiim u tahay doorashada isbuuca soo socda.<\/p>\n<p>Qarashka guud ee xayeysiinta iyo ololaha uga baxay labada xisbi ayaa sare u sii kacay.<\/p>\n<p>Waxaa lagu qiyaasayaa in boqol milyan oo dollar uu musharax kastaa ku bixiyay Florida.<\/p>\n<p>Donald Trump iyo Hillary Clinton, ayaa si joogto ah u booqday gobolkaasi.<\/p>\n<p>Mr Trump ayaa Arbacadii booqday seddax magaalo oo gobolka ka mid ah, wuxuuna taageerayaashiisa u sheegay in ay tahay inuu Florida ku guuleysto.<\/p>\n<p>Maanta oo Khmiis ahna wuxuu ku sii sugnaanayaan gobolkaasi.<\/p>\n<p>Madaxweyne Obama ayaa calanka Dimuquraadiga maanta u qaadaya Florida.<\/p>\n<p>Waxa uu door muhiim ah ka qaadanayaan ololaha Hilarry Clinton.<\/p>\n<p>Shalay, wuxuu cod bixiyayaasha u sheegay in Trump uu halis ku yahay Mareykanka iyo caalamka.<\/p>\n<p>Obama ayaa Trump ku tilmaamay inuusan u qalmin inuu noqdo taliyaha ciidamada xoogga dalka Mareykanka.<\/p>\n<p>Saadaashii ugu dambeysay waxay muujineysaa in laba musharax ay madaxa iskula jiraa marka la eego gobolka Florida.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuquraadiga ayaa markale foodda isku daray gobolka Florida oo ay u arkaan inay muhiim u tahay doorashada isbuuca soo socda. Qarashka guud ee xayeysiinta iyo ololaha uga baxay labada xisbi ayaa sare u sii kacay. Waxaa lagu qiyaasayaa in boqol milyan oo dollar uu musharax kastaa ku bixiyay Florida. Donald Trump iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":27491,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-27490","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-79o","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27490","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27490"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27490\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27490"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27490"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27490"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}