{"id":27470,"date":"2016-11-02T18:51:36","date_gmt":"2016-11-02T18:51:36","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.com\/?p=27470"},"modified":"2016-11-02T18:51:36","modified_gmt":"2016-11-02T18:51:36","slug":"natiijada-codayn-baraha-bulshada-laga-sameeyey-oo-saddexda-murrashax-hadh-cad-ku-kala-calaf-qaadeenmusharaxa-guulaystay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/11\/02\/natiijada-codayn-baraha-bulshada-laga-sameeyey-oo-saddexda-murrashax-hadh-cad-ku-kala-calaf-qaadeenmusharaxa-guulaystay\/","title":{"rendered":"NATIIJADA CODAYN BARAHA BULSHADA LAGA SAMEEYEY OO SADDEXDA MURRASHAX HADH CAD KU KALA CALAF-QAADEEN+MUSHARAXA GUULAYSTAY"},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)Xarunta \u2018Centre for Economic Consultancy and Research\u2019, ayaa 29 Oct 2016-ka ka bilowday baraha bulshadu ku xidhiidho (Social Media) xog ururin iyo odoros ku saabsan sida dadka barahaa isticmaalaa u kala taageersan yihiin murashaxiinta Somaliland ee u sharaxan doorashada madaxwaynaha ee qabsoomi doonta 27 March 2017, odoroska oo socday mudo 3 maalmooda ayaa soo xidhmay xalay markii saacada geeska Afrika ku beegnayd 1 Nov 2016\u00a0 00:23 PM.<\/p>\n<p><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-27471 size-full\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.com\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/saddexda-musharax.jpg?resize=492%2C300\" alt=\"saddexda-musharax\" width=\"492\" height=\"300\" \/><\/p>\n<p>Cod bixinta oo ka dhacaysay \u2018Online APP\u2019 kaydinaya codka qofku bixiyo ayaa islamarkaana\u00a0 dadka odoroska ka qayb qaadanaya\u00a0 u fududaynayay inay daqiiqad walba la socdaan tirada dadka codeeysay, celceliska codadka iyo jaantusyo ka samaysan Bar chart iyo Bie Chart muujinaya codadka daqiiqad walba la bixinayo, waxa intaa dheer\u00a0 in App-ka codbixinta ururinayay aanu ku xidhiidhinay \u2018Global Positioning System\u2019 iyo \u2018Google Maps\u2019 si ay u muuqdaan dadka codaynayaa meelaha ay ku sugan yihiin<\/p>\n<p>Intii aan dhiibashadu bilaabmin Lifaaqa App-ka laga codayno waxaanu u gudbinay xubno ka tirsan garabyada dhaliinyarada xisbiyda WADDAN\u0130, UC\u0130D iyo KULM\u0130YE si ay ula wadaagaan asxaabtooda ku jirta ardaayada baraha bulshada uga astaysan xisbiyada kala duwan si cadaaladu u sugnaato ( Facebook Groups) islamarkaana lifaaqa laga codayno waxaanu ku wadaagnay wajahada barta xaruntu ku leedahay Facebuuga halkaas oo ay arkeen codbixinta socota dad ku dhow 10\u2019000 oo qof.<\/p>\n<p>Si aanu uga hortagno inay dadku laba jeer codeeyaan (Multiple Voting) App-ka codbixinta ururinayay waxaanu ku xidhnay laba daba dabar (Security features), labadaa dabar waxay joojiyeen inay dadka codaynayaa ku celceliyaaan oo nidaamku faraha ka baxo, waa sababta keentay in dadka codeeyay 2247 qof u dhaafi waayeen. Waxa jirtay in dad ku dhow 350 qof aanay qaabka App-ka looga codayno fahmin oo ay magaca murashaxa ay taageersan yihiin faalo ahaan ugu qoreen page aanu ugu talo galnay falanqaynta iyo faalada.<\/p>\n<p>Dadka codayna ayaanu waxaanu waydiinay suaal u dhignayd sidan:<\/p>\n<p><strong>DOORASHADA MADAXWAYNAHA SOMAL\u0130LAND EE DH\u0130C\u0130 DOONTA 27 MARCH 2017 MURASHAXEE KU GUULAYSAN DOONA?<\/strong><\/p>\n<ol>\n<li><strong>CABD\u0130RAXMAAN MAXAMED CABD\u0130LAAH\u0130 (C\u0130RRO)<\/strong><\/li>\n<li><strong>MUUSE B\u0130\u0130X\u0130 CABD\u0130<\/strong><\/li>\n<li><strong>JAMAAL CAL\u0130 XUSEEN<\/strong><\/li>\n<\/ol>\n<p><strong>Waxa kale oo dadka codaynaya ee aan ku qancin murashaxiinta sharan siinay saddex kala doorasho oo kala ah:<\/strong><\/p>\n<ol start=\"4\">\n<li><strong>MURASHAX\u0130\u0130NTA SHARAXAN M\u0130DNA KUMAAN QANC\u0130N<\/strong><\/li>\n<\/ol>\n<p><strong>5.MURASHAX MADAX BANAANI \u0130NUU TARTANKA KA QAYBGALO AYAAN SOO JEED\u0130NAYA<\/strong><\/p>\n<p><strong>6.WAL\u0130 MAAN GO\u2019AANSAN.<\/strong><\/p>\n<p>Codbixinta guud ahaan waxa ka qayb qaatay 2247 qof oo meelo kala duwan jooga, 1096 qof oo ka dhigan 48.8% celceliska dadka codeeyay waxay u codeeyeen murashaxaha Kulmiye,\u00a0 Muuse Biixi Cabdi, 930 qof oo u dhigmaysa 41.4% celceliska dadka codeeyayna waxay u codeeyeen murashaxa xisbiga Wadani, Abdirahman Maxamed Cabdilaahi (Cirro), halka 107 qof oo u dhigmaysa 5% dadka codeeyayna ay u codeeyeen murashax Jamaal Cali Xuseen oo aan wali murashaxnimadiisu bislaanin, dadka codeeyay inta soo hadhay oo ka dhigan 5% ayaa kala doortay Murashaxiinta sanadkan sharaxan midna kuma qanacsani, Wali maan goaansan iyo Waxaan soo jeedinayaa in tartanka doorashada loo ogolaado inuu murashax madax banaani ka qayb qaato.<\/p>\n<p>Natiijada codbixinta ayaa ku soo idlaatay sida jaantusyada hoose ka muuqanaysa.<\/p>\n<p><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-33600\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/www.hubaalmedia.net\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/shax.jpg?resize=531%2C245\" sizes=\"auto, (max-width: 531px) 100vw, 531px\" srcset=\"http:\/\/www.hubaalmedia.net\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/shax.jpg 531w, http:\/\/www.hubaalmedia.net\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/shax-300x138.jpg 300w\" alt=\"shax\" width=\"531\" height=\"245\" \/><\/p>\n<div class=\"really_simple_share really_simple_share_large_button robots-nocontent snap_nopreview\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)Xarunta \u2018Centre for Economic Consultancy and Research\u2019, ayaa 29 Oct 2016-ka ka bilowday baraha bulshadu ku xidhiidho (Social Media) xog ururin iyo odoros ku saabsan sida dadka barahaa isticmaalaa u kala taageersan yihiin murashaxiinta Somaliland ee u sharaxan doorashada madaxwaynaha ee qabsoomi doonta 27 March 2017, odoroska oo socday mudo 3 maalmooda ayaa soo xidhmay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":27471,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-27470","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-794","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27470","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27470"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27470\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27470"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27470"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27470"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}