{"id":27120,"date":"2016-10-27T10:37:27","date_gmt":"2016-10-27T10:37:27","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.com\/?p=27120"},"modified":"2016-10-27T10:37:27","modified_gmt":"2016-10-27T10:37:27","slug":"madaxweynaha-jamhuuriyadda-somaliland-md-axmed-maxamed-maxamuud-siilaanyo-ayaa-baaq-qaylo-dhaan-ah-ka-soo-saaray-xaaladda-abaareed-ee-ka-taagan-gobollada-bariga-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/10\/27\/madaxweynaha-jamhuuriyadda-somaliland-md-axmed-maxamed-maxamuud-siilaanyo-ayaa-baaq-qaylo-dhaan-ah-ka-soo-saaray-xaaladda-abaareed-ee-ka-taagan-gobollada-bariga-dalka\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa  baaq qaylo-dhaan ah ka soo saaray xaaladda abaareed ee   ka taagan gobollada Bariga dalka"},"content":{"rendered":"<p>Hargeisa {AN}&#8211;Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa\u00a0 baaq qaylo-dhaan ah ka soo saaray xaaladda abaareed ee\u00a0 \u00a0ka taagan gobollada Bariga dalka, kuwaasi oo ay\u00a0 haatan \u00a0xaaladoodda \u00a0nololeed \u00a0meel\u00a0 adag marayso.<span id=\"more-25115\"><\/span><\/p>\n<p>Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidaasi ka sheegay\u00a0 kulan lagaga wada tashanayay sidii gurmad deg-deg ah loola gaadhi lahaa dadka tabaalaysan ee ay haleeshay abaarta ka taagan gobolladda barriga \u00a0oo shalay\u00a0 ka qabsoomay \u00a0xarunta\u00a0\u00a0 madaxtooyadda ee magaaladda Hargaysa.Waxaanu madaxweynuhu baaq qeylo-dhaan ah u diray guud ahaanba wadamadda \u00a0caalamka, \u00a0\u00a0jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa,\u00a0 ururka midawga Afrika,\u00a0 urur goboleedka IGAD,\u00a0 jaamacadda carabta,\u00a0 iyo ururka \u00a0midawga Yurub, in\u00a0 ay caawimo la soo gaadhaan dadka ay abaaruhu haystaan oo u baahan kaalmo deg-deg ah.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxaa kulankaasi uu madaxweyne Siilaanyo ka iclaamiyay dalka oo dhan laga tukaddo salaad roob doon ah, iyadoo kulankaasina ay goob joog ka ahaayeen guddiga\u00a0\u00a0\u00a0 abaaraha ee heer qaran,\u00a0 oo isugu jira culimo, ganacsato iyo xubno ka mid ah golaha Wasiirrada. Kulankaasi oo muddo saacado ah qaatay ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa warbaahinta uga warbixiyay\u00a0 Wasiirrada warfaafinta Cismaan C\/laahi Saxardiid (Cadaani)\u00a0 iyo diinta iyo awqaafta\u00a0 Sheekh Khaliil C\/laahi Axmed iyo xubno ka mid ah guddiga abaaraha qaranka.<\/p>\n<p>Cismaan C\/laahi Saxardiid (Cadaani), Wasiirka warfaafinta Somaliland oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay\u00a0 shirkaasi iyo arrimihii lagaga wada hadlay. Waxaanu yidhi\u00a0 \u201cMadaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, waxaa uu maanta (shalay) kulan la qaatay\u00a0 guddiga abaaraha ee heer qaran,\u00a0 oo ka kooban culimo,\u00a0 ganacsatadda iyo\u00a0 xubno ka mid ah golaha Wasiirrada.<\/p>\n<p>Shirkaasi wuxuu ku saabsanaa, abaaraha ba\u2019an, balaadhan, ee qaranka Somaliland\u00a0 maanta soo food saaray. ugu horayn madaxweynuhu halkaa duco ayuu ka sameeyay,\u00a0 culimadii, guddigii iyo Wasiirradii halkaa fadhiyay ayuu u duceeyay,\u00a0 qaranka jamhuuriyadda Somaliland-na wuu u duceeyay\u00a0 in ILLAAHAY (SWT) abaartaasi si deg-deg ah inooga kor qaaddo.\u201d<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Wasiirku waxa uu \u00a0intaasi ku daray \u201cWaxa kale oo uu madaxweynuhu u mahad naqay guddigan khibradda badan u leh arrimaha abaaraha iyo sida dadka loo taakuleeyo,\u00a0 ee isugu jirta culimadii dalka, ganacsatadii, iyo golaha wasiirrada gudigan ka kooban. Waxaanu uga mahad celiyay sidii qiimaha lahayd ee abaarihii sanadkii hore dalka ka dhacay\u00a0 ay taakulaynta uga qayb qaateen, sidii looga gudbi lahaa iyo sida ay imika uga qayb qaadanayaan meelaha\u00a0\u00a0 ay abaartu ka taagan tahay sidii loo gaadhsiin lahaa\u00a0 kaalmo deg-deg ah.\u201d<\/p>\n<p>Wasiir Cadaani, waxa kale oo uu sheegay in madaxweynuhu kulankaasi ka iclaamiyay baaq qaylo-dhaan ah. Waxaanu yidhi \u201cMadaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ugu baaqayaa,\u00a0 guud ahaanba ummadda reer Somaliland meel kastoo ay ku nool yihiin-ba, iyo caalamka, dawladaha aduunka\u00a0 ka jirra iyo jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa,\u00a0 ururka midawga Afrika,\u00a0 urur goboleedka IGAD,\u00a0 jaamacadda carabta,\u00a0 iyo midawga Yurub, iyo dhamaan-ba\u00a0 caalamka oo dhan waxa uu ugu baaqayaa in\u00a0 abaarro aad iyo aad u balaadhani ay soo food-saareen ummadda Somaliland, oo ay dadka iyo xooluhuba khatar ku jiraan.<\/p>\n<p>Waxa uu madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland\u00a0 ugu baaqay dadka reer\u00a0 Somaliland iyo umadaha iyo dawladaha aduunka in caawimo deg-deg ah loola soo gaadho, dadkaasi ay abaartu ku habsatay.\u201d<\/p>\n<p>Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil C\/laahi Axmed, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in bulshadda looga baahan yahay in ILLAAHAY (SWT) danbi-dhaaf waydiistaan, isagoo farina u diray imaamyadda\u00a0 masaajidadda dalka iyo culimaw-diinkaba. \u00a0Sheekh Khaliil, oo arrimahaasi ka hadlayay-na waxa uu yidhi\u00a0 \u201cWaxaa la inooga baahan yahay marka hore in aynu ka noqono waxan ILLAAHAY (SWT) inagu ciqaabayo oo ah danbigeenii, \u00a0oo runtii sabab u ah waxyeeladda ina soo gaadhay.\u00a0 Talladda madaxweynaha waxaa ugu horaysay in aynu ku baaqno salad Roob Doon ah in dalka oo dhan laga tukaddo. Waxaananu halkan ka iclaaminaynaa\u00a0 dadku\u00a0 todobaadkan aynu ku jirno, ilaa Arbacadda soo socota ay noqoto maalinta aynu tukanayno salaadda roob Doonta ah.<\/p>\n<p>Waxaanan faraynaa oo aanu u sheegayaa\u00a0 in masaajidadda laga tukado salad Roob Doon ah, oo ay imaamyadda masaajidadu\u00a0 ay ILLAAHAY (SWT)\u00a0\u00a0 dadka ku xidhaan, oo ay wacdiyaan, kana wacdiyaan\u00a0 dulmiga iyo dhibaatadda ay galeen,\u00a0 oo ay ILLAAHAY (SWT) danbi-dhaaf ka baryaan, isla markaana ay\u00a0 salaadaha oo dhan ku ducaystaan ducadda loo yaqaano Qunuud. Marka ay dhibaato jirto ILLAAHAY (SWT) ayaa la baryaa,\u00a0 sidaas ayaanan faraynaa masaajidadda dhammaantood.\u201d<\/p>\n<p>Wasiirka oo hadalkiisa sii watay-na waxa uu yidhi \u201cSidoo kale waxaan faraynaa dhamaanba\u00a0 culimadda iyo immaamyadda masaajidadda dalka in maalinta Arbacada ah ee soo socota in aynu wadda Soonno, oo aynu toobad keenno, oo aynu ILLAAHAY (SWT) ka cabsanno,\u00a0 oo wixii dulmi ah ee aynu gacmaha ku kala haysano iska celino, haddii ay dhiig tahay la iska saamaxo, haddii ay maal tahay\u00a0 la isku celiyo,\u00a0 haddii ay xan iyo been tahay-na\u00a0 la isa saamaxo, isla markaana la tukaddo salaadii Roob doonta ahayd.\u201d Sidoo kale Sheekh Xasan C\/salaam oo ka mid ah gudiga abaaraha ee heer qaran oo isna\u00a0 halkaasi ka hadlay, waxaanu yidhi \u201cInagu\u00a0 ugu horayn waxaa inala gudboon in aynu ILLAAHAY (SWT) barinno,\u00a0 oo aynu baryadda ILLAAHAY (SWT) aad u badino,\u00a0 waa ta koowaad. Ta labaad waxaa inala gudboon naxariista dhexdeena ah, marka aynu isku naxariisano ayay naxariista ILLAAHAY-na (SWT) imanaysaa\u201d. \u00a0Geesta kale guddoomiyaha Rugta ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa \u00a0yidhi \u201cWaxaan anigu baaqayga ku gaar yeelayaa nimanka aan odayga u ahay ee ganacsatadda Somaliland, waxaa hanti ah ee ILLAAHAY (SWT) inoo dhiibay, waa wax aynu ummadeena ka tabcanay, raasamaalka iyo hantidda ummadda Somaliland-na waa intaa aynu hayno. \u00a0Sidaas aawadeed, sidii caadadda inoo ahayd, waa in meel sare laga guntado,\u00a0 oo baaqaasi uu madaxweynuhu ina faray\u00a0 ee uu soo jeediyay, in\u00a0\u00a0 culimadda iyo xubnahaasi gudiga ah\u00a0 ee loo xil saaray marka ay\u00a0 idiin yimaadaan sidii caadadu ahay la soo dhaweeyo.\u201d<\/p>\n<p>Arabsiyo.com<\/p>\n<p>ArabsiyoNews@gmail.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeisa {AN}&#8211;Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa\u00a0 baaq qaylo-dhaan ah ka soo saaray xaaladda abaareed ee\u00a0 \u00a0ka taagan gobollada Bariga dalka, kuwaasi oo ay\u00a0 haatan \u00a0xaaladoodda \u00a0nololeed \u00a0meel\u00a0 adag marayso. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidaasi ka sheegay\u00a0 kulan lagaga wada tashanayay sidii gurmad deg-deg ah loola gaadhi lahaa dadka tabaalaysan ee ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":19698,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-27120","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-73q","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27120","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27120"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27120\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27120"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27120"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27120"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}