{"id":26935,"date":"2016-10-24T14:36:23","date_gmt":"2016-10-24T14:36:23","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.com\/?p=26935"},"modified":"2016-10-24T14:36:23","modified_gmt":"2016-10-24T14:36:23","slug":"mooshhin-ka-dhan-ah-gudoomiyaha-baarlamaanka-galmudug-oo-la-gudbiyay-iyo-gudoomiyaha-oo-shaaciyay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/10\/24\/mooshhin-ka-dhan-ah-gudoomiyaha-baarlamaanka-galmudug-oo-la-gudbiyay-iyo-gudoomiyaha-oo-shaaciyay\/","title":{"rendered":"Mooshhin ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo la gudbiyay iyo Gudoomiyaha oo Shaaciyay&#8230;"},"content":{"rendered":"<p>Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa maanta mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi waxa ay u gudbiyeen Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka.<\/p>\n<p>Cabdikariin Cumar Axmed oo katirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa Shabakada Allbanaadir u sheegay in xildhibaano gaaraya 35-mudane ay saxiixeen ayna gudbiyeen mooshinka ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.<\/p>\n<p>Xildhibaanka ayaa xusay in Mooshinka u gudbiyeen kana qabteen Gudoomiye kuxigeenka koowaad iyo kan labaad, waxa uuna ku eedeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka in uu is hortgaag ku sameeyay in Baarlamaanka kulmaan ayna gutaan waajibaadkooda.<\/p>\n<p>&#8221;Baarlamaanka wax shaqo ah oo muuqata ma aysan qaban, mar walbo waxaa la diidanaa in Baarlamanaka ay kulmaan, maanta waxaan go&#8217;aansanay in aan mooshin ka gubino Gudoomiyaha Baarlamaanka, waana nalaga aqbalay mooshinka, waxa ayna Gudoonka noo sheegeen in dhawaan kulmaan Baarlamaanka lama guda galayo mooshinka&#8221; Ayuu yiri Xildhibaan Cabdikariin.<\/p>\n<p>Xildhibaanka ayaa sheegay in Baarlamaanka Galmudug ujeedkoodu ahaa in ay fadhiistaan ayna qabtaan shaqooyinkooda waajibka ah ayna la xisaabtamaan Madaxda Maamulka uu ugu horeeyo Madaxweynaha.<\/p>\n<p>Sida aan Wararka ku heleyno Xildhibaanada ayaa carooday kadib markii Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug is hortaagay in ay kulmaan ayna mooshin ka gudbiyaan Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, waxa ayna taasi dhalisay Xildhibaanada in caradooda kala dul dhacaan. Gudoomiyaha Baarlamaanka.<\/p>\n<p>Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Cali Gacal Casir ayaa dhankiisa shaaciyay in uu xiran yahay kalfadhiga afaraad ee Baarlamaanka Galmudug, waxa uuna sheegay in Xildhibaanada la siiyay labo bil oo fasax ah.<\/p>\n<p>&#8221;Kalfadhiga Baarlamaanka waa xiran yahay waxaana Xildhibaanada la siiyay labo bil oo fasaxa ah, Xildhibaanada shaqo badan ayey qabteen marka waxaan go&#8217;aansanay xligan oo xaalada xasaasi ah iyo doorashooyin lagu jiro mashquul badana uu jiro in Baarlamaanka fasax galo ayna dib isugu soo laabtaan Bisha Janaayo ee sanadka 2017-da&#8221;. Ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug<\/p>\n<p>Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa marar badan isku dayay in ay Mooshin ka gudbiyaan Madaxweynaha Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ay ku eedeeyeen waxqabad la&#8217;aan, lamana oga sida u ku hirgali doono mooshinkan cusub ay ka gudbiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa maanta mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi waxa ay u gudbiyeen Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka. Cabdikariin Cumar Axmed oo katirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa Shabakada Allbanaadir u sheegay in xildhibaano gaaraya 35-mudane ay saxiixeen ayna gudbiyeen mooshinka ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug. Xildhibaanka ayaa xusay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":3344,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-26935","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-uncategorized"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-70r","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26935","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26935"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26935\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26935"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26935"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26935"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}