{"id":26866,"date":"2016-10-23T10:50:00","date_gmt":"2016-10-23T10:50:00","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.com\/?p=26866"},"modified":"2016-10-23T10:50:00","modified_gmt":"2016-10-23T10:50:00","slug":"alshabaab-oo-qabsatay-deegaanka-halgan-ee-gobolka-hiiraan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/10\/23\/alshabaab-oo-qabsatay-deegaanka-halgan-ee-gobolka-hiiraan\/","title":{"rendered":"Alshabaab oo qabsatay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan"},"content":{"rendered":"<figure class=\"media-landscape has-caption full-width lead\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"js-image-replace\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ichef-1.bbci.co.uk\/news\/660\/cpsprodpb\/AA9B\/production\/_92057634_a13f9e04-2b9f-489b-8f85-09b0aae9d3da.jpg?resize=696%2C392\" alt=\"Dagaal yahanada Alshabaab\" width=\"696\" height=\"392\" data-highest-encountered-width=\"660\" \/><\/span><\/figure>\n<p class=\"story-body__introduction\">Al-Shabaab ayaa qabsatay magaalada Halgan ee bartamaha Soomaaliya kadib markii ay ka guureen ciidamada dawladda iyo kuwa Itoobiya saldhigyadii ay ku lahaayeen halkaasi sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka.<\/p>\n<p>Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ayaa u baxay wadada aada dhinaca magaalada Beledweyne.<\/p>\n<p>Halgan waa magaalo istiraatiiji ah, waxa ay isku xirtaa magaalooyinka Beledweyne iyo Buuloburde, waxayna saarantahay wadada laamiga ah ee isku xirta gobolada Koonfureed iyo kuwa waqooyi ee wadanka.<\/p>\n<p>Halgan waxay qiyaastii 75 km, dhinaca konfur-bari uga beegantahay magaalada xarunta u ah gobolka Hiiraan ee Beledweyne.<\/p>\n<p>Ciidamada dawladda iyo kuwa Itoobiya waxa ay qabsadeen Halgan 7dii bishii August ee sanadkii hore ee 2015.<\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"responsive-image__img js-image-replace\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ichef-1.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/16A03\/production\/_92057629_561f1a53-be1d-4b47-bcff-44ed6617a7a9.jpg?resize=696%2C392\" alt=\"Ciidamada AMISOM waxay ka howl galaan qeybo ka mid ah Soomaaliya\" width=\"696\" height=\"392\" data-highest-encountered-width=\"624\" \/><\/span><\/figure>\n<p>Ciidamada Itoobiya waxa ay bilihii ugu danbeeyay ka baxeen deegaanada Ceel Cali iyo Moqokori ee gobolka Hiiraan.<\/p>\n<p>Dhinaca gobolka Bakool waxa ay isaga baxeen deegaanada Rabdhuure, Buurdhuxunle, iyo Garasweyne. Dhinaca gobolka Galgaduud waxa ay ka guureen deegaanada Budbud, iyo Galcad.<\/p>\n<p>Ma jiro waxa war ah oo ka soo baxay ciidamada Itoobiya oo ku aadan ka bixitaankooda deegaano dhawr ah oo ku yaala konfurta iyo bartamaha Soomaaliya.<\/p>\n<p>Bixitaankan u dambeeyay ee Halgan ayaa imaanaya iyadoo dowladda Itoobiya ay wajaheyso mucaaradad xooggan iyo mudaaharadyo rabshado wata oo ka socda gudaha dalkaasi.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Al-Shabaab ayaa qabsatay magaalada Halgan ee bartamaha Soomaaliya kadib markii ay ka guureen ciidamada dawladda iyo kuwa Itoobiya saldhigyadii ay ku lahaayeen halkaasi sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka. Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ayaa u baxay wadada aada dhinaca magaalada Beledweyne. Halgan waa magaalo istiraatiiji ah, waxa ay isku xirtaa magaalooyinka Beledweyne iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1305,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-26866","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6Zk","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26866","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26866"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26866\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26866"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26866"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26866"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}