{"id":26760,"date":"2016-10-20T19:52:51","date_gmt":"2016-10-20T19:52:51","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.com\/?p=26760"},"modified":"2016-10-20T19:52:51","modified_gmt":"2016-10-20T19:52:51","slug":"madaxweyne-ku-xigeenka-somaliland-oo-la-kulmay-xubno-ka-socday-hayada-ifc-ee-baanka-aduunka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/10\/20\/madaxweyne-ku-xigeenka-somaliland-oo-la-kulmay-xubno-ka-socday-hayada-ifc-ee-baanka-aduunka\/","title":{"rendered":"Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo la Kulmay\u00a0\u00a0 Xubno ka socday Hay&#8217;ada IFC ee Baanka Aduunka"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)\u00a0 ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay\u00a0 Wafti ka socday Ururka IFC oo ka tirsan Baanka Aduunka oo u yimi sidii loo kobcin lahaa Dhaqaalaha Dalka iyo Horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Ganacsiyada gaarka ah, waxaa kulankan si qoto dheer loogu lafo-guray sidii loo horumarin lahaa Ganacsiga gaarka ah iyo koboca\u00a0 dhaqaalaha.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku si balaadhan uga hadlay in Xukuumad ahaan ay wax badan ka qabteen sidii loo horumarin lahaa ganacsiga iyo ganacsatada, doorweyna ay ka geystaan kobocooda dhaqaale.\u00a0 Xubnaha ka socday baanka Aduunka oo ka koobnaa laba xubnood oo kala ah, Marwo Kaltuun Maxamed Xasan iyo Mr Patrick Banya ayaa iyaguna tilmaamay in ay si weyn ula shaqayn doonaan Xukuumada iyo ganacsatada.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Gabogabadii waxaa halkaas Heshiis wada-shaqayneed oo gaar ah ku saxeexay Wasaarada Gancsiga iyo\u00a0 Rugta Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.\u00a0 Heshiiskaas oo aas-aas u noqon doona\u00a0 Wada-shaqayn balaadhan oo dhex marta Xukuumada, Ganacsatada iyo Baanka Aduunka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Waxaa\u00a0 kulankan\u00a0 iyaguna goobjoog ka ahaa oo ka qayb galay Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Mudane. Cumar Shucayb Maxamed, La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada, Mudane Khadar xasan cali Gaas, Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed , Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Jamhuuriyada Somaliland Mudane Ibraahim Ismaaciil Cilmi. Waxaanu kulankaasi ku dhamaaday is fahan iyo wada shaqayn loo balamay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada iyo Xidhiidhka Saxaafadda<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)\u00a0 ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay\u00a0 Wafti ka socday Ururka IFC oo ka tirsan Baanka Aduunka oo u yimi sidii loo kobcin lahaa Dhaqaalaha Dalka iyo Horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Ganacsiyada gaarka ah, waxaa kulankan si qoto dheer loogu lafo-guray sidii loo horumarin lahaa Ganacsiga gaarka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":26761,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-26760","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6XC","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26760","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26760"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26760\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26760"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26760"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26760"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}