{"id":26645,"date":"2016-10-18T14:16:57","date_gmt":"2016-10-18T14:16:57","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.com\/?p=26645"},"modified":"2016-10-18T14:16:57","modified_gmt":"2016-10-18T14:16:57","slug":"wasiirka-waxbarashada-ee-jamhuriyada-soomaliland-oo-xadhiga-ka-jaray-dugsi-cusub-oo-laga-hirgaliyay-deeganka-makhaayada-inanta-ee-magalada-hargaisa-ka-tirsansawiro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/10\/18\/wasiirka-waxbarashada-ee-jamhuriyada-soomaliland-oo-xadhiga-ka-jaray-dugsi-cusub-oo-laga-hirgaliyay-deeganka-makhaayada-inanta-ee-magalada-hargaisa-ka-tirsansawiro\/","title":{"rendered":"WASIIRKA WAXBARASHADA  S\/LAND OO XADHIGA KA JARAY DUGSI CUSUB OO LAGA HIRGALIYAY DEEGANKA MAKHAAYADA INANTA EE MAGALADA HARGAISA"},"content":{"rendered":"<div class=\"newscontent\">\n<p>Hargaysa(AN)Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane ayaa ka qayb-galay xaflad dib loogu furayey dugsi kuyaala makhaayadda inanta oo ku taala galbeedka magaaladda hargaysa, taasi oo u jirta caasimadda masaafo 12 KM ah.<\/p>\n<table border=\"1\" cellspacing=\"1\" cellpadding=\"1\" align=\"center\">\n<tbody>\n<tr>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i2.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/DSC_6254(1).jpg\" alt=\"\" width=\"500\" height=\"334\" \/><\/td>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i0.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/DSC_6263(1).jpg\" alt=\"\" width=\"500\" height=\"334\" \/><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i0.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/DSC_6287(1).jpg\" alt=\"\" width=\"500\" height=\"334\" \/><\/td>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i2.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/DSC_6289(1).jpg\" alt=\"\" width=\"500\" height=\"334\" \/><\/td>\n<\/tr>\n<\/tbody>\n<\/table>\n<p>Dugsigan oo mudo laga joogo laba sano ka hor la dhisay ayaanay waxba lagu dhigin mudadaa uu dhisnaa dugsigu sababta ayaa lagu sheegay in aanay ka wada shaqayn daneeyayaasha ama dhinacyadada ay khusaysay wax ka qabashadda dugsigani.<\/p>\n<\/div>\n<table border=\"1\" cellspacing=\"1\" cellpadding=\"1\" align=\"center\">\n<tbody>\n<tr>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i2.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/DSC_6293(1).jpg\" alt=\"\" width=\"500\" height=\"334\" \/><\/td>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i2.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/DSC_6343(1).jpg\" alt=\"\" width=\"500\" height=\"334\" \/><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i1.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/DSC_6344.jpg\" alt=\"\" width=\"500\" height=\"334\" \/><\/td>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i2.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/DSC_6350.jpg\" alt=\"\" width=\"500\" height=\"334\" \/><\/td>\n<\/tr>\n<\/tbody>\n<\/table>\n<p>Xafladan oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane, Gudoomiyaha Waxbarashadda ee galbeedka maroodi jeex Mudane Xuseen, Agaasimka Guud ee Waaxda kormeerka Mudane Xasan Cabdilaahi Rooble, Agaasimka Waaxda Qorshaynta Mudane Axmed Quule, Khadra Cumar Agaasime waaxeedka Waaxda baahiyaha gaarka ah, Gudoomiyaha degmadda daarusalaam mudane Ciise Muuse, ardayda, waayeelka iyo marti sharaf fara badan oo kale.<\/p>\n<table border=\"1\" cellspacing=\"1\" cellpadding=\"1\" align=\"center\">\n<tbody>\n<tr>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i1.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/DSC_6356.jpg\" alt=\"\" width=\"500\" height=\"334\" \/><\/td>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i0.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/DSC_6363.jpg\" alt=\"\" width=\"500\" height=\"334\" \/><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i2.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/DSC_6366.jpg\" alt=\"\" width=\"500\" height=\"334\" \/><\/td>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i2.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/DSC_6372.jpg\" alt=\"\" width=\"500\" height=\"334\" \/><\/td>\n<\/tr>\n<\/tbody>\n<\/table>\n<p>Ururka Samo-Wade oo ah Urur dhalinyaro oo aan dawli ahayn kaasi oo ka shaqeeya danaha bulshadda ayaa isku xil saaray in ay ka soo shaqeeyaan waxka qabashadda dugsigan iyo sidii uu u furmi lahaa, waxaana ugu horeyn munaasibad loo qabtay dib u alooska dugsigaasi ka hadalay madaxda ururkaasi oo uu ugu horeeyo Mudane Xamse Dool waxaana hadaladiisii ka mid ahaa; aad baan maanta ugu faraxsanahay in aad nagala soo qayb-gashaan xafladan dib loogu yagleelayo dugsigan Karin geel oo ka tirsan degmadda daarusalaam, ururka samo-wade waa urur ka shaqeeya tabarucaadka iyo wax u qabadka bulshadda, waxan ka shaqaynay arrimo badan oo ay ka mid yihiin waxbarashadda, caafimaadka iyo arrimaha wacyi galinta bulshadda.<\/p>\n<p>Ururka samo-wade waxa uu dhisay dugsiyo badan oo kan aan maanta joogno ku shan yahay, dugsigan markii aanu dhisnay waxay ahayd lix sano ka hor intaana wuu xidhnaa taasina waa ayaandaro inteeda leeg in uu intaa xidhnaado. Caano daatay dabadeed la qabaye maanta waxan saxaynaa wixii inaga qaldanaa lixdaa sano. Maanta waxan halkan ku wareejinaynaa wasaaradda waxbarashadda dugsigan oo ay diyaar u yihiin ardaydii wax ka baran lahayd, wasaaradda waxan uga mahad-naqaynaa macalimiintaa ay keentay si dugsigu u noqdo mid adeeg wanaagsan siiya bulshadda reer Karin geel. Bulshaddana waxan u soo jeedinayaa in ay la shaqeeyaan wasaaradda iyo macalimiinta caruurtooda wax baraysa.<\/p>\n<p>Waxa iyaduna ereyo kooban munaasibadaasi ka soo jeedisay marwo sucaad oo ah gudoomiye kuxigeenaka ururka Samo-wade waxana hadaladeedii ka mid ahaa; aad baan ugu mahadnaqayaa wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo weftiga la socdaba sida ay u soo ajiibteen dalabkayagii aan idinku soo casuunay. Farxad gaar ah bay ii tahay in aan maanta goob joog ahaado xafladda bud dhiga dugsigan oo aan ka mid ahaa dadkii ka soo shaqeeyey ee soo dhisay.<\/p>\n<p>Waxa isaguna munaasibadaasi ka hadlay Gudoomiyaha degmadda Daarusalaam Mudane Ciise Muuse oo deegaan ahaan maamulkiisa ay hoostago deegaankani waxana hadaladiisii ka mid ahaa; mudane wasiir waxan kaaga mahad-naqayaa in aad dugsigan xadhiga nooga jarto si loo fuliyo hadafkii loo dhisay oo ahaa in ay caruurtu wax ku bartaan. Mudane wasiir deegaanka daarusalaam waxa ku yaala dugsiyo badan oo hoose dhexe ah sidaa darteed waxan iyagana kaa sugaynaa in aad noo dhisto dugsiyaddii sare marka aad eegtaan meelaha ku haboon.<\/p>\n<p>Munaasibadaasi oo ay ka hadleen masuuliyiin farabadan iyo qaar ka mid ah cuqaasha deegaankaasi waxa ugu danbayn soo afmeeray Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane waxaana hadaladiisii ka mid ahaa; waxan aad ugu mahadnaqayaa dhammaan ka soo qayb-galayaasha munaasibadan gaar ahaan waxan mahad gaar ah u dirayaa ururka samo wade oo xil weyn gutay oo dalkooda iyo dadkoodaba wax taray waana sidii loo baahnaa in dalka looga shaqeeyo. Waxbarashaddu dugsiyadda ay maamusho aad bay u tiro badan yihiin dakhliga dawladeenana waad ka war haysaan, haddana dadaal naguma yara oo in ka badan 2000 kun oo dugsi ayaa dalka ka jira kuwaasi oo aan masuul ka nahay macalimiinta wax ka dhiga mushaharkooda iyo dayac tirka dugsiyadaasi.<\/p>\n<p>Haddii aanay dadweynhu ka qaybqaadan dhismaha iyo daryeelka waxbarashadda, dawlada oo kaliyihi kuma fila in ay wada buuxiso dhamaan baahiyaha ka jira dalkeena, sidaa darteed waxa la idiinka baahan yahay in aad kaalintiina qaadataan oo aad dugsigan caawisaan. Anagu wasaarad ahaan waxan samayn doonaa kaabado lagu soo wareejiyo dhammaan dhulka uu leeyahay dugsigu, marka uu sanadku dhammaadana waxan wada samayn doonaa deyrka dugsiga, idinkuna bulsho ahaan badhkiina keena anaguna diyaar baanu la nahay. Waxbarashaddu waa waxay ku soconaysaa iskaashi sidaa darteed waa loo baahan yahay gacantiinii, dhul magaaladii soo gaadhay baad haysaane ku deeqa danta guudo oo bulshadda uga faa\u2019iideeya. Waxa kale oo aan halkan ka sheegayaa in aan ka hawl-gali doono in loo helo cunto lagu quudiyo ardayda iyo kutubta wax looga dhigi doono oo aan bilaash ugu keeni doono haddii eebe ogolaado.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane ayaa ka qayb-galay xaflad dib loogu furayey dugsi kuyaala makhaayadda inanta oo ku taala galbeedka magaaladda hargaysa, taasi oo u jirta caasimadda masaafo 12 KM ah. Dugsigan oo mudo laga joogo laba sano ka hor la dhisay ayaanay waxba lagu dhigin mudadaa uu dhisnaa dugsigu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":26646,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":true,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-26645","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6VL","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26645","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26645"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26645\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26645"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26645"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26645"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}