{"id":26278,"date":"2016-10-12T06:34:04","date_gmt":"2016-10-12T06:34:04","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=26278"},"modified":"2016-10-12T06:34:04","modified_gmt":"2016-10-12T06:34:04","slug":"hub-loo-keenay-milateriga-somalia-oo-la-sheegayo-in-lagu-arkay-suuqyada-magaalada-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/10\/12\/hub-loo-keenay-milateriga-somalia-oo-la-sheegayo-in-lagu-arkay-suuqyada-magaalada-muqdisho\/","title":{"rendered":"Hub loo keenay milateriga Somalia oo la sheegayo in lagu arkay suuqyada magaalada Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-Danjirayaal reer Galbeed ah ayaa waxay sheegeen in hubka ay dowlada Soomaaliya dibadda ka keensato badankood lagu iibiyo suuqyo ku yaal magaalada Muqdisho sida ay faafisay wakaalada wararka Reuters.<\/p>\n<p>Arrintan ayay diblumaasiyiintu sheegeen inay walwal ku abuureyso golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kaasoo sanad walba bisha November dib u eega fasaxa hubka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Labo hay\u2019adood arrimahan si gaar ah ula socda ayaa u sheegay Reuters in tiro u dhexeysa 15,000 iyo 20,500 oo ah hub fudud ay dowlada Soomaaliya soo degsatay tan iyo sanadkii 2013.<\/p>\n<p>Ha\u2019yadahan oo arrimo amni awgeed u diiday in la magacaabo ayaa intaa ku daray in lix kun oo ka mid ah hubkan aysan lahayn calaamado lagu garto oo tilmaamaya in ay yihiin hubkii sida kumeelgaarka ah loogu fasaxay dowlada Soomaaliya.<\/p>\n<p>Hubkan oo ay Qaramada Midoobay u fasaxday dowlada inay ku qalabayso ciidamada Soomaaliyeed ayaa la sheegay in inta u dhexeysa boqolkiiba 35 illaa 40 lagu iibiyo caasimada Muqdisho suuqyadeeda.<\/p>\n<p>Labo diblumaasi oo reer galbeed ah oo diiday magacyadooda la soo xigto ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in sawiro laga qaaday hubkan oo badankiis oo ah qoryaha fud-fudud ee lagu kala iibsado baabuur dushooda iyo guryo ku yaalla caasimada.<\/p>\n<p>Ficiladan ayaa la sheegay inay xadgudub ku yihiin cunaqabatayn ay Qaramada Midoobay qeyb ahaan ka qafiifisay dowlada Soomaaliya 2013. Qaramada Midoobay ayaa cunoqabatayn hubka ah ku soo rogtay dalka Soomaaliya kadib markii ay dhacday xukuumadii Maxamed Siyad Barre uu hogaaminayey ee 25 sano ka hor xukunka laga tuuray.<\/p>\n<p>Sarkaal arrimaha siyaasada u qaabilsan madaxtooyada Soomaaliya oo la yiraahdo Aweys Xaaji Yusuf ayaa Reuters waxay sheegtay inuu qirey in mararka qaar inay dhacdo in hub la leexsado balse aysan ahayn mid joogto ah.<\/p>\n<p>Qaramada Midoobay ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho arrintan kana jawaabto eedeymaha loo soo jeedinayo hubkii loo fasaxay dowlada Soomaaliya<\/p>\n<p>Muqdisho Office<\/p>\n<p>ArabsiyoNews@gmail.com<\/p>\n<p>Arabsiyo.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-Danjirayaal reer Galbeed ah ayaa waxay sheegeen in hubka ay dowlada Soomaaliya dibadda ka keensato badankood lagu iibiyo suuqyo ku yaal magaalada Muqdisho sida ay faafisay wakaalada wararka Reuters. Arrintan ayay diblumaasiyiintu sheegeen inay walwal ku abuureyso golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kaasoo sanad walba bisha November dib u eega fasaxa hubka Soomaaliya. Labo hay\u2019adood [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":26279,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-26278","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6PQ","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26278","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26278"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26278\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26278"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26278"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26278"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}