{"id":26231,"date":"2016-10-11T07:33:52","date_gmt":"2016-10-11T07:33:52","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=26231"},"modified":"2016-10-11T07:33:52","modified_gmt":"2016-10-11T07:33:52","slug":"ciidamada-itoobiya-iyo-kuwa-dowlada-somalia-oo-saaka-baneeyey-degaan-xalay-lagu-duqeeyey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/10\/11\/ciidamada-itoobiya-iyo-kuwa-dowlada-somalia-oo-saaka-baneeyey-degaan-xalay-lagu-duqeeyey\/","title":{"rendered":"Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada Somalia oo saaka baneeyey degaan xalay lagu duqeeyey"},"content":{"rendered":"<p>Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada Soomaaliya ayaa saaka isaga baxay degaanka Ceel Cali oo illaa 70km dhinaca galbeed kaga toosan magaalada Beled-weyne.<\/p>\n<p>Talaabadan ayey wararku sheegayaan iney ka dambeysay dib markii xalay xoogaga Al-Shabaab ay madaafiic hoobiyeyaal ah ku garaaceen degaankaas.<\/p>\n<p>Wararka ayaa sheegaya in ciidamada saaka ka baxay degaanka Ceel Cali ay u jiheysteen dhinaca magaalada B\/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.<\/p>\n<p>Ciidamada Itoobiya oo ay wehliyaan kuwo Soomaali ah ayaa muddo dheer degenaa degaanka Ceel Cali, mana cadda khasaaraha ka soo gaaray duqeyntaas xalay lagu soo weeraray.<\/p>\n<p>Sidoo kale lama oga in ciidamadan wada socda ay Ceel Cali uga soo baxeen duqeynta xalay awgeed iyo in bixitaankoodu ahaa mid horey ugu qorsheysnaa.<\/p>\n<p>Wararkii ugu dambeeyey ee hadda na soo gaarayana waxay sheegayaan in xoogaga Al-shabaab oo la wareegeen degaanka Ceel-cali ee ay saaka isaga tageen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada Soomaaliya ayaa saaka isaga baxay degaanka Ceel Cali oo illaa 70km dhinaca galbeed kaga toosan magaalada Beled-weyne. Talaabadan ayey wararku sheegayaan iney ka dambeysay dib markii xalay xoogaga Al-Shabaab ay madaafiic hoobiyeyaal ah ku garaaceen degaankaas. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada saaka ka baxay degaanka Ceel Cali ay u jiheysteen [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":21281,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-26231","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6P5","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26231","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26231"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26231\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26231"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26231"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26231"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}