{"id":26045,"date":"2016-10-06T15:24:53","date_gmt":"2016-10-06T15:24:53","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=26045"},"modified":"2016-10-06T15:24:53","modified_gmt":"2016-10-06T15:24:53","slug":"suaasha-is-weydiinta-lihi-waa-markii-uu-muuse-biixi-ballamaha-ka-baxayey-cabdiraxmaan-cirro-halkee-buu-joogay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/10\/06\/suaasha-is-weydiinta-lihi-waa-markii-uu-muuse-biixi-ballamaha-ka-baxayey-cabdiraxmaan-cirro-halkee-buu-joogay\/","title":{"rendered":"\u201cSU\u2019AASHA IS-WEYDIINTA LIHI WAA MARKII UU MUUSE BIIXI BALLAMAHA KA BAXAYEY CABDIRAXMAAN CIRRO HALKEE BUU JOOGAY?\u201d"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa:(AN)-Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbul-xaakimka KULMIYE, ahna ku-simaha guddoomiyaha Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa jawaab cad ka bixiyey hadallo kasoo yeedhay guddoomiyaha xisbiga WADDANI, kuwaas oo uu kaga dayrinayey xidhiidhka ay Somaliland la leedahay beesha caalamka iyo weliba ball-fur uu ku eedeeyey guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.<\/p>\n<p>Maxamed Kaahin Axmed waxa ugu horrayn sheegay inuu xidhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka ka dhexeeyaa meel fiican marayo, isaga oo xisbiga WADDANI ku eedeeyey inuu wado isku-dhufasho uu ku kala fogaynayo bulshada caalamka iyo Somaliland, \u201cXisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa xidhiidhka ay caalamka la leeyihiin heerkii ugu wanaagsanaa ee wada-shaqaynayd ayuu marayaa, xisbiga WADDANI-na xilka uu haatan hayaa waa inuu bulshada caalamka iyo dawaldda\u00a0 Somaliland isku diro\u201d ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.<\/p>\n<p>Guddoomiye Maxamed Kaahin oo hadalkiisa sii wata deedafeeyey eedo uu guddoomiye Cirro hore ugu tilmaamay inuu xisbiga KULMIYE lug ku leeyahay khilaafka xisbiga UCID, waxana uu tusaale usoo qaatay xilligii uu guddoomiye Cirro ka go\u2019ayey xisbiga UCID, waxana uu yidhi, \u201cCabdiraxmaan Cirro markii uu xisbiga UCID ka jabay ma KULMIYE ayaa ku yidhi Ucid ka baxa, annagu xisbiyada meelna ugama nimaadno, laakiin qolada WADDANI iyagaa gacanta kula jirey is-qabadkan dambe ee imika maxkamaddu go\u2019aanka ka gaadhay oo aan dhex ka ahayn, annaguna dhex baanu ka nahay xisbiyada wixii loo kala xukumay iyo waxa ay yeeshaan iyaga ayey u taalla\u201d<\/p>\n<p>Maxamed Kaahin Axmed oo ka jawaabayey ballan-furro uu Cirro ku eedeeyey guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa calaamatul su\u2019aal saaray halka uu guddoomiye Cirro joogay xilligii uu Muuse Biixi duurka ugu jirey qaran-nimada Somaliland,\u201cwaxa layaabka lihi waa qofku marka uu doonayo qofkale ballamo uu ka bixi jirey iyo arrimo caynkaas ah inuu xog ogaal noqdo ayey u baahan tahay, su\u2019aasha isweydiinta lihi waa markii uu Muuse Biixi ballamaha ka baxayey muddadii uu halganku socday Cabdiraxmaan Cirro halkee buu joogay.\u201d Ayuu yidhi Maxamed Kaahin.<\/p>\n<p>Mar uu ka hadlayey xunaha ka cadhooday xukuumadda ee heshiiska la galay xisbiga WADDANI, waxa uu sheegay inay yihiin shakhsiyaad kooban oo ikhtiyaar uleh halka ay aragtidooda la tegayaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,\u201csiyaasaddu waa doorasho, annaga KULMIYE ahaan maalin walba qaar baa xisbiyada kale kasoo baxa oo noo yimaadda, markaa fajaciso ma aha qolo annaga naga tagtay inay qolo kale door bideen, khilaafkayaguna shirkii hore ayuu ka bilaabmay, aad iyo aadna waanu usoo kabanay, dad tiro yar baan arrintaas ku jira iyaguna go\u2019aankooda meesha ay u qaataan iyaga ayey jirtaa.\u201d<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa:(AN)-Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbul-xaakimka KULMIYE, ahna ku-simaha guddoomiyaha Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa jawaab cad ka bixiyey hadallo kasoo yeedhay guddoomiyaha xisbiga WADDANI, kuwaas oo uu kaga dayrinayey xidhiidhka ay Somaliland la leedahay beesha caalamka iyo weliba ball-fur uu ku eedeeyey guddoomiye Muuse Biixi Cabdi. Maxamed Kaahin Axmed waxa ugu horrayn sheegay inuu xidhiidhka Somaliland [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":26046,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-26045","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6M5","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26045","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26045"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26045\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26045"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26045"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26045"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}