{"id":25915,"date":"2016-10-03T13:49:56","date_gmt":"2016-10-03T13:49:56","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=25915"},"modified":"2016-10-03T13:49:56","modified_gmt":"2016-10-03T13:49:56","slug":"daawo-gudoomiye-ciro-oo-madaxa-isku-galiyey-beesha-gobolka-hawd-iyo-xaalada-oo-umuuqata-burbur","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/10\/03\/daawo-gudoomiye-ciro-oo-madaxa-isku-galiyey-beesha-gobolka-hawd-iyo-xaalada-oo-umuuqata-burbur\/","title":{"rendered":"Daawo Gudoomiye Ciro oo Madaxa isku galiyey Beesha Gobolka Hawd iyo xaalada oo umuuqata Burbur"},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)Siyaasiyiinta isbahaystay ee Xisbiga Kulmiye iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo muddooyinkii u dambeeyey uu wada hadal u socday, ayaa galay marxaladdii u dambaysay ee ay ku soo afjarayeen wada hadalkaasi oo ay ku heshiinayaan ama ku kala tegayaan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labadan dhinac ee wada hadalku u socdo, balse ilo xogogaal ah oo wargeyska saxansaxo ka helay shirarkii u dambeeyey ee ay yeesheen, ayaa sheegaya in ay siyaasiyiinta isbahaysiga iyo hogaanka sare ee Waddani isku mari la\u2019yihiin qaar ka mid ah jagooyinka sare ee xisbigaasi oo ay isbahaysigu doonayaan in la siiyo.<\/p>\n<p>Siyaasiyiinta Isbahaysiga Kulmiye, ayaa la sheegay in ay xisbiga Waddani ka dalbadeen in la siiyo qaar ka mid ah kuraasta sare ee Xisbiga oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Xisbiga in lagu wareejiyo iyo Xoghayaha guud ee Xisbigaasi, taas oo labada dhinac ka galeen kulamo xaasaasiya oo ay kaga wada hadlayeen, isla markaana aan illaa hadda la isku mari la\u2019yahay jagada Guddoomiyaha xisbiga oo wararka qaar tibaaxeen in uu guddoomiye Cirro ugu talo galay Xidhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ay beeshiisuna ku taageersan tahay, balse ay isbahaysigu doonayaan in lagu wareejiyo Xuseen Axmed Caydiid oo ay isku beel yihiin Cabdiqaadir jirde.<\/p>\n<p>Hogaanka sare ee Xisbiga waddani, ayaa la sheegay in uu arrintaasi ka biyo diideen oo ay isbahayisga kula doodeen in jagadaasi loo qoondeeyey Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, balse ay illaa xalay kaga wada hadlayeen labada dhinac shir ay ku yeesheen Hargeysa, kaas oo aan la ogayn natiijada ka soo baxday in lagu heshiiyey iyo in kale, waxaanay wararka qaar sheegayaan in weli la isku mari la\u2019yahay in guddoomiyaha xisbiga waddani lagu wareejiyo Xuseen Amed Caydiid iyo in xidhibaan Cabdiqaadir Jirde loo dhiibi doono, iyaga oo labada dhinac la sheegay in ay go\u2019aanka u dambeeya kala qaadan doonaan todobaadkan gudihiisa.<\/p>\n<p>Dhinaca Kale Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani, ayaa la sheegay in la isla qaatay in la siiyo Isbahaysiga oo laga dhiigi doono Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, kaas oo warar xogogaal ahi sheegayaan in uu uga tanaasulay Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo hadda ah Xoghayaha guud ee Xisbigaasi oo ay isku beel ka soo wada jeedaan Maxamed Biixi Yoonis, in kasta oo aanay illaa hadda wararkani caddayn hadana waxa laga dhur sugi doonaa go\u2019aamada ay labada dhinac isla qaadan doonaan todobaadkan gudihiisa.<\/p>\n<p>Wada hadallada Isbahaysiga iyo Waddani, ayaa soo socday\u00a0 muddo dheer oo ay soo wadeen guddiyo ay labada dhinac u xil saareen, kuwaas oo hadda u muuqda in ay gebo gebo marayaan, iyaga oo xisbiga waddani ku dedaalaya in shirka Golaha dhexe ka hor la soo afjaro wada hadalladan si looga ansixiyo shirka la qaban doono bisha soo socota\u00a0 horaanteeda oo ay kala saxeexan doonaan dhowaan heshiiska kama dambaysta ah ee labada dhinac<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyo.net<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)Siyaasiyiinta isbahaystay ee Xisbiga Kulmiye iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo muddooyinkii u dambeeyey uu wada hadal u socday, ayaa galay marxaladdii u dambaysay ee ay ku soo afjarayeen wada hadalkaasi oo ay ku heshiinayaan ama ku kala tegayaan. &nbsp; Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labadan dhinac ee wada hadalku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":25916,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-25915","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6JZ","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25915","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25915"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25915\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25915"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25915"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25915"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}