{"id":25853,"date":"2016-10-02T14:29:26","date_gmt":"2016-10-02T14:29:26","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=25853"},"modified":"2016-10-02T14:29:26","modified_gmt":"2016-10-02T14:29:26","slug":"xisbiga-kulmiye-oo-maaweelo-iyo-wax-aan-jirin-ku-macneeyey-sheegashadii-waddani-ee-in-ay-kaga-awood-badanyihiin-dalalka-qurbaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/10\/02\/xisbiga-kulmiye-oo-maaweelo-iyo-wax-aan-jirin-ku-macneeyey-sheegashadii-waddani-ee-in-ay-kaga-awood-badanyihiin-dalalka-qurbaha\/","title":{"rendered":"Xisbiga Kulmiye Oo Maaweelo Iyo Wax Aan Jirin Ku Macneeyey Sheegashadii Waddani Ee In Ay Kaga Awood Badanyihiin Dalalka Qurbaha"},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo ku faanay in ay kulmiye kaga taageero badan yihiin guud ahaan qaaradda Yurub.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo u waramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa hadalkaasi ku tilmaamay mid faan ah oo aan macquul ahayn, isaga oo u soo jeediyey xisbiga Waddani in ay ku hadlaan wax suurta gal ah lana arki doono taageerada ay kala haystaan labada xisbi wakhtiga doorashada ee fagaaraha la iskugu soo boxo.<\/p>\n<p>Jaamac Ismaaciil Cige Jaamac Shabeel, ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in xisbiga waddani aanuu hadalkaasi u wanaagsanayn loogana baahan yahay in ay ku hadlaan waxyaabo suurta gal ah sida uu hadalka u dhigay, waxaanuu yidhi &#8220;Waxaasi waa faan ayaanu u aragnaa aan wax caqli ah iyo xigmad ku\u00a0salaysnayn, waana iska hadal oo nin is faanshay waa ri\u2019 is nuugtaybaa la yidhi, waanay soo bixi arrintaasi oo bishu hortiina ayey iman doontaa, nin waliba waxa uu isla hayana fagaaraha ayuu keeni, anagu waxba faani maynee waa la arki doonaa taageerada aanu qurbaha ku leenahay\u201d<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye Jaamac Sahabeel oo hadalkiisa sii wata, ayaa u sheegay xisbiga waddani in ay xaqiiqada sheegaan oo wax aan jirin aanay isku maaweelin, waxaanuu yidhi &#8221; Xisbiga waddani xaqiiqada ku soo noqda ayaan odhan lahaa xaqiiqadu waa lagama maarmaane, hadii aad naftaada ku maaweeliso wax aan jirinna adiga ayey ku dhibaataysaa, haddii wax aan jirin aad iska dhaadhicisana hadhaw ayaad yaabaysaa, markaa xaqiiqada ku soo dhowaada ayaan leeyahay waddani, sidaas ayaa idinkana idiin wanaagsan, waxaana la arki doonaa taageeradayada wakhtigeeda\u201d ayuu yidhi Jaamac Shabeel.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyo.net<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo ku faanay in ay kulmiye kaga taageero badan yihiin guud ahaan qaaradda Yurub. Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo u waramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa hadalkaasi ku tilmaamay mid faan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":14108,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-25853","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6IZ","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25853","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25853"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25853\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25853"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25853"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25853"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}