{"id":25774,"date":"2016-09-30T12:21:01","date_gmt":"2016-09-30T12:21:01","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=25774"},"modified":"2016-09-30T12:21:01","modified_gmt":"2016-09-30T12:21:01","slug":"gudoomiye-faysal-hadii-uu-tiisa-ku-adkaysto-aniga-ayaa-keligay-ka-masuul-ah-fulinta-xukunka-maxkamadda-sare-muj-cali-guray","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/09\/30\/gudoomiye-faysal-hadii-uu-tiisa-ku-adkaysto-aniga-ayaa-keligay-ka-masuul-ah-fulinta-xukunka-maxkamadda-sare-muj-cali-guray\/","title":{"rendered":"GUDOOMIYE FAYSAL HADII UU TIISA KU ADKAYSTO , ANIGA AYAA KELIGAY KA MASUUL AH FULINTA XUKUNKA MAXKAMADDA SARE \u201d MUJ. CALI-GURAY"},"content":{"rendered":"<div class=\"post-body entry-content\">\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Hargaya{AN}-UCID waxa u yaala fulinta Xukunkii Maxkamadda Sare waxanu haystaa muddo lixdan maalmood gudahood ah. Ciddii doonta ha qaado masuuliyadda fulinta lakiin waxa qasab ah in la fuliyo. Marka dhinaca wanaaga wax laga eegayo waxa loo wada fulin karaa Xukunka Maxkamadda si wada jir ah oo la isla ogol yahay sharcigana waafaqsan.Hadii aanu Gudoomiyuhu diyaar u ahayn waxa furan oo loo ogolaan karaa in Gudoomiyuhu isagu keligii qaado masuuliyadda fulinta Xukunkii Maxkamadda Sare hadii uu sidiisa u fulin waayona ciqaabteeda yeesho.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-full wp-image-33388 aligncenter\" src=\"http:\/\/i1.wp.com\/ilaysnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/cali-guray.jpg?resize=355%2C290\" sizes=\"auto, (max-width: 355px) 100vw, 355px\" srcset=\"http:\/\/i1.wp.com\/ilaysnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/cali-guray.jpg?w=355 355w, http:\/\/i1.wp.com\/ilaysnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/cali-guray.jpg?resize=300%2C245 300w\" alt=\"cali-guray\" width=\"355\" height=\"290\" \/><\/p>\n<\/div>\n<p>Xukunka Maxkamadda Sare waxa saldhig u ah Go\u2019aankii Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda Iyo kala Saarista Xisbiyada Qaranka oo Gudoomiyuhu uu ka qaatay rafcaan. Maxkamadda Sare waxay riday xukun toban qodob ah wax iska bedelay Go\u2019aankii hore ee Gudida Diiwaangelintana waxa jira:<\/p>\n<ol>\n<li>Waxay burisay qodobka 3aad ee Go\u2019aankii Gudida<\/li>\n<li>Waxay wax ka bedeshay qodobada 1aad iyo 2aad<\/li>\n<\/ol>\n<p>Nuxur ahaan horta waxa ay ku kala duwan yihiin waa intaa. Maxkamadda Sare waxay ayiday qodobada 4,5,6, iyo 7aad ee Go\u2019aankii Gudida Diiwaangelinta oo sidoodii in loo meelmariyaa ay tahay qasab. Waxana ka mid ah in Shirwaynaha aan caadiga ahayni ansixiyo dhamaan qodobadii Axdigii ama Heshiiskii Bedbaadinta Xisbiga UCID ee labada dhinaca ay wada galeen 12\/07\/2012 waana arinka keliya ee lagama maarmaanka ka dhigaya in loo qabto Shirwayne Aan Caadi ahayn.<\/p>\n<p>Xisbi kasta hadii aad xeerkiisa akhrido wuxu dhigayaa in Shantii sanadoodba uu xisbigu qabsan doono Shirwayne iyo hadii ay timaado duruuf lagama maarmaan ka dhigaysa waxa la qaban karaa Shirwayne aan caadi ahayn. Markaa duruufta shirkan aan caadiga ahayn keentay waa fulinta Xukunkii Maxkamadda Sare oo ah in Shirwaynaha aan caadiga lagu ansixiyo dhamaan qodobadii heshiiskii la wada galay sida ku cad qodobka 4aad ee Go\u2019aankii Gudida Diiwaangelinta U S\/ Xisbiyada Qaranka.<\/p>\n<p>Fulinta Xukunka Maxkamadda waxa ku dul joogaya oo ku hagaya Xisbiga UCID Gudida Diiwaangelinta iyada oo raacaysa Xukunka Maxkamadda Sare iyo awoodaha uu Xeer Lam.14 siinayo. Markaa gal dacwadeedkii oo dhan waa in Gudida Diiwaangelinta uu dib gacanta ugu soo galaa.<\/p>\n<p>Hadaba waxaynu ognahay in inta badan muranka dhulka marka ay laba dhinac isku qabsadaan balood ay ugu dambaysta dhinac racfaan u qaato Maxkamadda Sare oo iyadu go\u2019aan kama dambays ah ka gaadha. Fulintii Go\u2019aanka Maxkamadda Sare ayay dhacdaa in dhinicii laga xukumay diido. Mararka qaarkood waxa dhacda inay sharciga gacanta ku qaadato oo ciqaab ku mutaysta. Xataa dad baa ku dhinta rayid iyo Bilaysba leh.<\/p>\n<p>Hadaba, Gudoomiyuhu hadii uu tiisa ku adkaysto uu aniga ayaa keligay ka masuul ah fulinta Xukunka Maxkamadda Sare yidhaahdo anigu waxan qabaa in loo ogolaado hadii aanu ka hor imanayn sharciga. Ugu dambaystana waxa laga rabaa in uu dhamaystiro Shirwaynuhu ansixinta dhamaan qodobada Heshiiskii ay labada dhinac wada galeen July 2012kii sida ku cad qodobka 4aad Go\u2019aanka Gudida Diiwaangelinta kana mid ah qodobada Xukunka Maxkamadda Sare uu ayiday. Hadii uu ka horyimaado waa in isagu markaa keligii masuul ka yahay ciqaabteedana helaa oo isaga xisbiga laga bedbaadiyaa. Markaa ha kala doorto in isaga oo Gudoomiyihii xisbiga ah uu isagu xisbigiisa ku hogaamiyo sidii uu u fulin lahaa Xukunka Maxkamadda Sare iyo hadaanu diyaar u ahayn isagu uu tiisa iska wato masuuliyadda ha wada qaado. Taasina waan ogolahay anigu ee bal isagu ha kala doorto<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>&nbsp; Hargaya{AN}-UCID waxa u yaala fulinta Xukunkii Maxkamadda Sare waxanu haystaa muddo lixdan maalmood gudahood ah. Ciddii doonta ha qaado masuuliyadda fulinta lakiin waxa qasab ah in la fuliyo. Marka dhinaca wanaaga wax laga eegayo waxa loo wada fulin karaa Xukunka Maxkamadda si wada jir ah oo la isla ogol yahay sharcigana waafaqsan.Hadii aanu Gudoomiyuhu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":6020,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-25774","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6HI","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25774","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25774"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25774\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25774"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25774"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25774"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}