{"id":25759,"date":"2016-09-30T07:07:30","date_gmt":"2016-09-30T07:07:30","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=25759"},"modified":"2016-09-30T07:07:30","modified_gmt":"2016-09-30T07:07:30","slug":"sucuudiga-oo-mareykanka-uga-digay-dacwadda-weerarkii-2001","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/09\/30\/sucuudiga-oo-mareykanka-uga-digay-dacwadda-weerarkii-2001\/","title":{"rendered":"Sucuudiga oo Mareykanka uga digay dacwadda weerarkii 2001"},"content":{"rendered":"<h1 class=\"story-body__h1\"><\/h1>\n<div class=\"story-body__inner\">\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width lead\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"js-image-replace\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ichef-1.bbci.co.uk\/news\/660\/cpsprodpb\/949D\/production\/_91454083_883ed9d6-6e3e-43c2-8a9e-a05574ea6350.jpg?resize=696%2C392\" alt=\"Weerarkii Sebmeebar 2001\" width=\"696\" height=\"392\" data-highest-encountered-width=\"660\" \/><\/span><\/figure>\n<p class=\"story-body__introduction\">Sucuudi Carabiya ayaa ugu baaqday aqalka Congress-ka mareykanka in uusan u ogolaan elehada dadkii ku dhintay weerarkii 11-kii September 2001-dii in ay qaadaan tallaabo sharci ah oo ka dhan ah boqortooyada Sucuudiga.<\/p>\n<p>Waxa ay sheegtay in tallaabadaasi oo lagu suurtagelinayo diidmada Congress-ka uu diiday codkii qayaxnaa ee madaxweyne Obama ku diiday sharciga fududeynaya arrintaasi ay meesha ka saareyso xasaanadda waddamda,<\/p>\n<p>Sucuudiga waxa uu intaasi ku daray in tallaabadaasi ay yeelan doonto saameyn xun oo dhanka diblomaasiyadda ah.<\/p>\n<p>Madaxweyne Obama ayaa dhowr jeer ka digay in arrintan ay halis gelinayso askarta iyo saraakiisha mareykanka ee ka howlgalaya dibadda, kuwaasi oo uu sheegay in ay wajihi karaan dacwad.<\/p>\n<p>Afhayeen u hadlay aqalka cad ee mareykanka looga arrimiyo Josh Earnest ayaa sheegay in xildhibaanada Congress-ka aysan fahmin cawaaqibka arrintan ka dhalan kara.<\/p>\n<p>Balse hoggaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka sare ee Senate-ka Mitch McConnell ayaa sheegay in aysan jirin cid dhab ahaantii diiradda saartay dhibaatada dhanka xiriirka caalamiga ah ee arrinta ka dhalan karto.<\/p>\n<p>McConnell ayaa ka mid ahaa tiro xildhibaana ah oo ka tirsan Congress-ka mareykanka oo u codeeyay sharcigan balse hadda rumeysan in sharciga uu u baahan yahay in wax weyn laga badalo.<\/p>\n<p>Waxa ayna doonayaan in ay sharcigaasi ay ku koobaan oo kaliya arrinta la xiriirta weerarkaasi, si ay u yareeyaan saameynta ay arrintan ku yeelan karto dadka ameerikaanka ah ee dibadda ku sugan.<\/p>\n<\/div>\n<p>Arabsiyo Desk<\/p>\n<p>ArabsiyoNews@gmail.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sucuudi Carabiya ayaa ugu baaqday aqalka Congress-ka mareykanka in uusan u ogolaan elehada dadkii ku dhintay weerarkii 11-kii September 2001-dii in ay qaadaan tallaabo sharci ah oo ka dhan ah boqortooyada Sucuudiga. Waxa ay sheegtay in tallaabadaasi oo lagu suurtagelinayo diidmada Congress-ka uu diiday codkii qayaxnaa ee madaxweyne Obama ku diiday sharciga fududeynaya arrintaasi ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":25760,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-25759","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6Ht","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25759","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25759"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25759\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25759"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25759"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25759"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}