{"id":25756,"date":"2016-09-30T07:05:28","date_gmt":"2016-09-30T07:05:28","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=25756"},"modified":"2016-09-30T07:05:28","modified_gmt":"2016-09-30T07:05:28","slug":"wiil-yar-oo-xabsi-lagu-xukumay-kadib-markii-uu-aflagaadeeyay-islaamka-iyo-kiristaanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/09\/30\/wiil-yar-oo-xabsi-lagu-xukumay-kadib-markii-uu-aflagaadeeyay-islaamka-iyo-kiristaanka\/","title":{"rendered":"Wiil yar oo Xabsi lagu xukumay kadib markii uu aflagaadeeyay Islaamka iyo Kiristaanka"},"content":{"rendered":"<p>Wiil dhalinyaro oo internetka wax ku qora ayaa xabsi lagu xukumay ka dib markii maxkamad ku taalla dalka Singapore ay ku heshay in uu dhaawac u gaystay dareen diimeed.<\/p>\n<p>Amos Yee, oo 17, ayaa xabsiga ku jiri doona lix todobaad, maadaama uu si ula kac ah u soo bandhigay muuqaal ka dhan ah Islaamka iyo Kiristaanka.<\/p>\n<p>Ong Hian Sun oo ah xaakimkii maxkamadda ayaa sheegay in ficilka Yee uu bulshada ka dhex dhalin karo daganaansho la&#8217;aan.<\/p>\n<p>Waa markii labaad ee xabsi lagu xukumayo wiilkan yar muddo labo sano gudahood ah.<\/p>\n<p>Yee ayaa afar todobaad lagu xukumay sanadkii hore ee 2015-kii, ka dib markii uu soo bandhigay muuqaal lagu tilmaamay in uu meel ka dhac ku yahay hogaamiyihii hore ee Singapore Lee Kuan Yew.<\/p>\n<p>Yee oo hooyadii ku wehelisay maxkamadda ayaa saxafiyiinta u sheegay in xukunka lagu riday uu cadaalad yahay wuxuuna intaas ku sii daray &#8220;in uu aad uga xumaaday ficilkii uu ku kacay&#8221;.<\/p>\n<p>Xukunkan labaad ee wiilkan yar waxaa si dhow ula socday kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda, kuwaas oo ku doodaya in xukunkani uu halis ku yahay xoriyatul qawlka.<\/p>\n<p>Phil Robertson oo ka tirsan hay&#8217;adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Human Rights Watch ayaa sheegay in Singapore ay hadda u baahan tahay in ay ka fiirsato habka ay u wajahayso dacwadan oo kale, taas oo ay u badan tahay buu yiri in Yee uu ka faa&#8217;iido caannimo.<\/p>\n<p>Wuxuu intaas ku daray in mar kasta oo xukuumaddu dabo gasho uu ka sii faa&#8217;iido in ay kordhaan dadka macaamiisha ka noqda boggiisa uu wax ku qoro.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wiil dhalinyaro oo internetka wax ku qora ayaa xabsi lagu xukumay ka dib markii maxkamad ku taalla dalka Singapore ay ku heshay in uu dhaawac u gaystay dareen diimeed. Amos Yee, oo 17, ayaa xabsiga ku jiri doona lix todobaad, maadaama uu si ula kac ah u soo bandhigay muuqaal ka dhan ah Islaamka iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":25757,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-25756","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6Hq","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25756","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25756"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25756\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25756"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25756"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25756"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}