{"id":25598,"date":"2016-09-27T08:22:38","date_gmt":"2016-09-27T08:22:38","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=25598"},"modified":"2016-09-27T08:22:38","modified_gmt":"2016-09-27T08:22:38","slug":"guddiga-doorashooyinka-somaliya-oo-goaamo-soo-saarey-sheegayna-in-somaliland-qeyb-ka-tahay-doorashoyinka-dalkaasi-ka-dhacaya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/09\/27\/guddiga-doorashooyinka-somaliya-oo-goaamo-soo-saarey-sheegayna-in-somaliland-qeyb-ka-tahay-doorashoyinka-dalkaasi-ka-dhacaya\/","title":{"rendered":"GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALIYA OO GO,AAMO SOO SAAREY , SHEEGAYNA IN SOMALILAND QEYB KA TAHAY DOORASHOYINKA DALKAASI KA DHACAYA"},"content":{"rendered":"<div class=\"newscontent\">\n<div class=\"post-body entry-content\">\n<p>Guddiga Doorashooyinka ayaa maanta soo saaray jadwal cusub oo ku saabsan doorashooyinka, kadib markii uu fashilmay jadwalkii horay u soo saareen, kaasoo dib u dhac uu ku yimid waqtigii la filayay inay doorashooyinka ku dhacaan.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-33193 aligncenter\" src=\"http:\/\/i2.wp.com\/ilaysnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/gudi.jpg?resize=530%2C282\" sizes=\"auto, (max-width: 530px) 100vw, 530px\" srcset=\"http:\/\/i2.wp.com\/ilaysnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/gudi.jpg?w=620 620w, http:\/\/i2.wp.com\/ilaysnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/gudi.jpg?resize=300%2C160 300w\" alt=\"gudi\" width=\"530\" height=\"282\" \/><\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<p>War saxaafadeed Guddiga doorashooyinka goor dhow soo saaray ayaa lagu sheegay in shir socday saddex maalmood uu u soo gaba gaboobay Guddiga Federaalka Hirgelinta doorashooyinka dadban (GFHDD) iyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada dowlad goboleedyada ee Hirgelinta doorashooyinka dadban (GDGHDD).<\/p>\n<p>Guddiga ayaa soo bandhigay in 23-ka bisha November ay dhici doonto doorashada Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, halka doorashada Madaxweynaha ay dhici doonyo 30 November ee 2016.<\/p>\n<p>Hadaba halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka Guddiga doorashooyinka<\/p>\n<p><strong>Warsaxaafadeed ay wadajir u soo saareen Guddiyadda Doorashooyinka ee 2016<\/strong><\/p>\n<p>Maanta oo ay taariikhdu tahay 26-ka Sebtember 2016, waxaa la soo gabagabeeyey shir saddex (3) maalmood u socday Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashayooyinka Dadban (GFHDD) iyo Guddoomiyayaasha Guddiyada Dawlad Gobaleedyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD), shirkaas oo looga wada tashanayey arrimaha doorashooyinka isla mar ahaantaasna lagu sameynayey qiimeyn ku saleysan xaqiiqda ka jirta deegaan doorashooyinka sida, horumarka la sameeyey, caqabadaha soo baxay intii hawsha lagu guda jiray iyo waqtiga loo baahan yahay in lagu dhammaystiro hawlaha dhimman.<\/p>\n<p><strong>Horumarka la gaadhay<\/strong><\/p>\n<p>Hirgelinta qorshaha geeddi socodka doorashooyinka 2016 ka wuxuu sameeyeey horumar la taaban karo. Guddiyada Dawlad Gobaleedyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD) waxay hadda ku guda jiraan dabagalka soo gudbinta liisaska ergooyinka doorashada ee xarumaha dawlad goboleedyada jira iyo kuwa dhismi doona. Waxaa socda soo dhammeystirka liisaska ergada, sidoo kale waxaa la diyaariyey goobihii cod bixinta.<\/p>\n<p><strong>Caqabadaha soo baxay intii shaqadu socotay<\/strong><\/p>\n<p>In kastoo horumar baaxad leh laga gaaray arrimaha doorashooyinka waxaa muuqata in shaqooyinka qaarkood aysan ku qabsoomi karin jadwalkii shaqo ee loo qorsheeyey sabababo ay ka mid yihiin caqabado isugu jira arrimo siyaasadeed, amni, maamulidda miisaaniyadda doorashooyinka, guddiga xallinta khilaafaadka oo aan weli shaqo galin iyo madax dhaqameedyada oo aan weli soo dhammeystirin liisaska ergooyinka. Sidoo kale, dib u dhac ayaa ku yimid dhismaha xubnaha Aqalka Sare kaas oo caqabad ku noqday soo gudbinta liisaska ergooyinka Golaha Shacabka maadaama uu saamaynayo qaybsiga kuraasta ee beelaha.<\/p>\n<p><strong>Arrimaha Hiiraan\/Shabellaha Dhexe<\/strong><\/p>\n<p>GFHDD iyo GDGHDD ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxay isugu yeereen madax dhaqameedyada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ugu jira 135 ta madax dhaqameed si ay ugala tashadaan goobta doorasha ee labada gobol. Wada hadal dheer kadib, 16 ka mid ah 18ka madax dhaqameed ee labada gobol waxay isku raaceen in doorashada labadaas gobol ay ka dhacdo caasimadda Muqdisho. GFHDD isagoo tixgelinaya go\u2019aanka odayaasha waxay soo dhaweeyeen is afgaradka odayaasha labada gobol ee ku taariikheysan 25\/09\/16.<\/p>\n<p><strong>Arrimaha Soomaaliland<\/strong><\/p>\n<p>GFHDD markii ay la tashadeen GDGHDD ee Soomaliland ayna dhageysteen caqabadaha jira ee ka hortaagan qabsoomidda dooroshooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, waxey codsanayaan in si deg deg ah xal looga gaaro caqabadaha siyaasadeed ee horyaala Soomaaliland si ay uga qeyb qaadato geeddi socodka doorashooyinka 2016 ka loona ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalka.<\/p>\n<p><strong>Go\u2019aammada laga gaaray Jadwalka Doorashooyinka 2016:<\/strong><\/p>\n<p>In si dhaqso ah loo geeyo ciidamo AMISOM ah xarunta doorashada Dowlad- Goboleedka Galmudug ee Cadaado si loo sugo amniga doorashada ee 2016 ka;<br \/>\nIn Madaxda Dowlad Goboleedyada soo gudbiyaan xubnaha musharraxiinta Aqalka Sare ugu danbeyn 5 ta bisha Oktoobar 2016;<br \/>\nIn Guddiga Xallinta Khilaafaadka hawlgalo 8 da Oktoobar;<br \/>\nIn liiska magacyada ergada doorashooyinka ee Golaha Shacabka la soo dhammeystiro ugu dambeyn 10 ka bisha Oktoobar;<br \/>\nIn doorashada Golaha Shacabka la qabto inta u dhaxeyso Oktoobar 23-10 ka Nofeembar ee sannadka 2016ka. Kursi kasta oo ergadiisa diyaar noqota doorashadiisa way dhacaysaa markii la gaaro wakhtiga loo asteeyey doorashada Golaha Shacabka ee Barlaamaanka;<br \/>\nIn doorashada Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka cusub la qabto 23 ka bisha Nofeembar;<br \/>\nIn doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto 30 ka bisha Nofeember ee 2016.<\/p>\n<p><strong>Ugu dambayn:<\/strong><\/p>\n<p>GFHDD waxuu u mahad celinayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed dulqaadka iyo taageerada joogtada ah ay la garab taagan yihiin guddiyada ku hawlan geeddi socodka hannaanka doorashooyinka dadban ee 2016 ka.<\/p>\n<p>Waxaan sidoo kale u mahad celineynaa saaxiibada beesha caalamka oo taageero maaliyadeed iyo mid farsamaba ka gaystay hirgelinta doorashooyinka dadban ee 2016 ka.<\/p>\n<p><strong>Dhamaad\u00a0<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddiga Doorashooyinka ayaa maanta soo saaray jadwal cusub oo ku saabsan doorashooyinka, kadib markii uu fashilmay jadwalkii horay u soo saareen, kaasoo dib u dhac uu ku yimid waqtigii la filayay inay doorashooyinka ku dhacaan. War saxaafadeed Guddiga doorashooyinka goor dhow soo saaray ayaa lagu sheegay in shir socday saddex maalmood uu u soo gaba [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":25599,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-25598","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6ES","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25598","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25598"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25598\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25598"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25598"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25598"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}