{"id":25548,"date":"2016-09-26T08:45:07","date_gmt":"2016-09-26T08:45:07","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=25548"},"modified":"2016-09-26T08:45:07","modified_gmt":"2016-09-26T08:45:07","slug":"toban-qodob-oo-hortaagan-qabsoomida-doorashooyinka-soomaaliya-warbixi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/09\/26\/toban-qodob-oo-hortaagan-qabsoomida-doorashooyinka-soomaaliya-warbixi\/","title":{"rendered":"TOBAN QODOB OO HORTAAGAN QABSOOMIDA DOORASHOOYINKA SOOMAALIYA (WARBIXI)"},"content":{"rendered":"<div class=\"newscontent\">\n<p>Muqdisho (Arabsiyo News) Doorashada 2016-ka ayaa markii 2aad muddo 3 bil gudahood ah dib u dhacday, Jadwalkii madasha qaran waa uu fashilmay, sidoo kale jadwalkii guddiga doorashada dadban ee heer federaal ay soo saareen, caqabado noocee ah ayaa jira? Yaa wada lugooyada? Maxaase Hortaagan Qabsoomid la\u2019aanta Doorashada 2016-ka?!<img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-29129 aligncenter\" src=\"http:\/\/i0.wp.com\/hangoolnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/Doorashooyinka-Soomaaliya.jpg?resize=811%2C339\" sizes=\"auto, (max-width: 811px) 100vw, 811px\" srcset=\"http:\/\/i0.wp.com\/hangoolnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/Doorashooyinka-Soomaaliya.jpg?w=821 821w, http:\/\/i0.wp.com\/hangoolnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/Doorashooyinka-Soomaaliya.jpg?resize=300%2C125 300w, http:\/\/i0.wp.com\/hangoolnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/Doorashooyinka-Soomaaliya.jpg?resize=800%2C334 800w\" alt=\"doorashooyinka-soomaaliya\" width=\"811\" height=\"339\" \/><\/p>\n<\/div>\n<p>Guddiyada doorashada dadban ee heer federal iyo mid dowlad goboleed waxaa ay ku jiraan kulan ilaa jimcihii tagay, weli kama hadlin dib u dhaca doorashada 2016-ka, xataa shir jaraa\u2019id ay shalay saxaafadda ku ballamiyeen waxaa ay u baajiyeen sabab la\u2019aan, iyagoo ballanta ka baxay daqiiqaddii ugu dameysay, sheegana in u cadaadis heysto, aamusnaanta guddiyadan waxaa ay dhaawici kartaa hufnaanta iyo shaqada guddiga doorashada.<\/p>\n<p><strong>Doodda Waqti Dheereysiga:<\/strong>\u00a0Waxaa jira in dadka Soomaaliyeed ay ku mashquul-san yihiin joogitaanka madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumadda Cumar Cabdiarshid, Laakin waxaa isweydiin mudan, si doorashada dhaqso u dhaco, miyeysan dad badan mas\u2019uuliyadooda aheyn? maxaa diiday in beesha caalamka iyo dowladda lacagta doorashada bixiyaan? in Odoyaasha liiska keenaan? in maamul goboleedka ay dhisaan aqalka sare iyo in guddiga doorashada ay soo saaraan jadwal shaqo oo macquul ah?!!\u2026.waxaa haboon in dhinacyada kala duwan ka hadlaan dhibaatada halka ay ka jirto iyo cidda aan rabin in ay doorasho dalka ka dhacdo.<\/p>\n<p><strong>Go\u2019aan Jilcsan:<\/strong><strong>\u00a0<\/strong>Qabsoomid doorasho waxaa ay u baahan tahay go\u2019aan adag, in doorashada qaran ay dib u dhacdo 2 jeer, kama dhacdo adduunka ballanta leh, Soomaaliya waxaa ka jira walaac siyaasadeed taas oo ku timid go\u2019aan la\u2019aanta madasha iyo inta ay khuseyso doorashada 2016-ka, Maxamed Maxamud Tarsan waxaa uu sheegayaa in guddiga doorashada iyo beesha caalamka kala hadleen in la soo saaro jadwal doorasho oo macquul ah taasi oo u baahan go\u2019aan adag.<\/p>\n<p><strong>Beesha Caalamka:<\/strong><strong>\u00a0<\/strong>Beesha caalamka waxaa ay bixineysaa 60% lacagta doorasho 2016-ka, waxaa ay leedahay hagista doorashada 2016-ka, ujeedadoodu waa in sanadkan ay doorasho dhacdo, cadaadiska ay dhinacyada kala duwan ku heyso beesha caalamka ayaa meesha ka saartay isku dheelli-tirka nidaamka doorashada.<\/p>\n<p><strong>Dagaal Waqtiga Ah:<\/strong>\u00a0Madasha iyo guddiga doorashada waxaa ay ku guul-dareysteen in ay soo saaraan jadwal shaqo oo macquul ah , waxaa horay u fashilmay labo jadwal doorasho, mid ay madasha soo saartay bishii June ee sanadkan iyo midka guddiga doorashada ay soo saareen August 2016-ka, sida uu qabo Maxamed Caalim oo ah falan-qeeye ku sugan Finland waxaa uu sheegayaa in ay aheyd doorashada qaban-qaabadeeda in la bilaabo June, balse la bilaabay bil kadib, isagoo ku dooday in doorashada haddii sidan wax laga badalin ay dhici doonto January 2017-ka.<\/p>\n<p><strong>Amni Darro:<\/strong>\u00a0Dalka waxaa ka dhaceysa doorasho qaran, ma jirto dhaq-dhaqaaq amni sugid ah oo socda, lama sheegin tirada ciidamada sugi doona ammaanka goobaha doorashada iyo meelaha ay ka imaanayaan, maamul goboleedyada qaar waxaa heysato ciidan la\u2019aan, ergada doorasho, odoyaasha iyo xitaa mucaaradka waxaa ay qabaan cabsi dhanka amniga ah, dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedka arrintaas xal uma hayaan.<\/p>\n<p><strong>Lacag la\u2019aan:<\/strong>\u00a0Waxaa xaqiiq ah in aaney diyaarsaneen lacagtii doorashada lagu geli lahaa oo lagu sheegay 13 Milyan ilaa 24 Milyan, lacagtaas oo weli inteeda badan aan ku soo dhicin gacanta dowladda, waxaa kaloo aan la ogeyn xataa ciddii maamuli laheyd lacagta doorashada, Lacagta 60% waa in ay bixiyaan beesha caalamka halka 40% ay bixineyso dowladda federaalka ah.<\/p>\n<p><strong>Diyaarinta Jadwalka Macquul ah:<\/strong>\u00a0Waxaa hadda Muqdisho ka socda shir ay leeyihiin guddiga doorashada dadban ee heer federal iyo guddoomiyeyaasha guddiga doorasho ee heer dowlad goboleed, waxaa looga fadhiyaa in ay soo saaraan jadwal-ka doorashada ee 3aad, waxaana la sheegayaa in uu midkan noqon doono mid macquul ah oo kama dambeys ah.<\/p>\n<p><strong>Ergo Doorasho:<\/strong>\u00a0Dhibaato kale, waxaa ay ka jirtaa odoyaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada doorasho, kooxdan waxaa dhibaato ku noqday soo diyaarinta ama isu keenista ergo doorasho, Malaaq Shiino oo odoyaasha 135-ta ah ka tirsan waxaa uu sheegayaa in ay adeegsadeen dadka iyaga uga hooseeya beesha sida Oday dhaqameedka jilibyada kuwaas oo qabaa\u2019ilka mas\u2019uulka uga ah xalinta dhibaatooyinka iyo khilaafaadka, laakin waxaa uu ka gaabsaday in uu sheego kalsoonida lagu qabo raggaas ay adeegsadeen, qaar u tartamaya Xildhibaannimada ayaa sheegay in Odoyaasha qaar ay qofka tartamaya ku dhahaan adiga ergo doorasho ii keenso!<\/p>\n<p><strong>Hiiraan Iyo Shabeellada Dhexe:<\/strong>\u00a0Aqalka sare waxaa xulaya baarlamaanka dowlad goboleedyada, waxaana soo gudbinaya madaxweynaha maamulka, Hiiraan iyo Shabeelle dhexe, haddii ay maanta doorasho dhici laheyd dad kale ayaa u xuli lahaa aqalkooda sare, doorashada 2016-ka ayey dhici kartaa in dib loogu dhigayo ilaa Hiiraan iyo Shabeellada dhexe ay dooranayaan dadkii matali lahaa, Maamulka Hiiraan iyo Shabeellada dhexe waxaa uu dhismayaa bisha October ee sanadkan.<\/p>\n<p><strong>Khilaaf Dastuuri ah:<\/strong>\u00a0waxaa dhibaato ka jiraa sida loo qeexayo doorashada 2016-ka, sida dastuuriga ah waxaa ay aheyd in September 10, wixii ka horeeyey ay xafiisyada baneeyaan madaxweyne Xasan iyo baarlamaanka, laakin taasi ma dhicin, xilligan dalka waxaa ka jira sharciyadda madasha qaranka, haba ahaateen, lama oga sida ay wax noqonayaan\u2026..sida sharciyadda madasha ay qabtana Doorashada 2016-ka u jeedkeeda waa in sanadkan 2016-ka aan laga dhexbixin oo xitaa doorashada la qaban karo December 31, 2016-ka.<\/p>\n<p><strong>W\/Q: Abdi Aziz Gurbiye<\/strong><strong>,<\/strong><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (Arabsiyo News) Doorashada 2016-ka ayaa markii 2aad muddo 3 bil gudahood ah dib u dhacday, Jadwalkii madasha qaran waa uu fashilmay, sidoo kale jadwalkii guddiga doorashada dadban ee heer federaal ay soo saareen, caqabado noocee ah ayaa jira? Yaa wada lugooyada? Maxaase Hortaagan Qabsoomid la\u2019aanta Doorashada 2016-ka?! Guddiyada doorashada dadban ee heer federal iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":25549,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-25548","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6E4","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25548","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25548"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25548\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25548"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25548"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25548"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}