{"id":25398,"date":"2016-09-24T14:22:34","date_gmt":"2016-09-24T14:22:34","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=25398"},"modified":"2016-09-24T14:22:34","modified_gmt":"2016-09-24T14:22:34","slug":"gudoomiyaha-xisbiga-ucid-iyo-dawlada-mareykanka-oo-si-weyn-uga-wada-hadlay-doorashooyinka-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/09\/24\/gudoomiyaha-xisbiga-ucid-iyo-dawlada-mareykanka-oo-si-weyn-uga-wada-hadlay-doorashooyinka-somaliland\/","title":{"rendered":"GUDOOMIYAHA XISBIGA UCID IYO DAWLADA MAREYKANKA OO SI WEYN UGA WADA HADLAY DOORASHOOYINKA SOMALILAND"},"content":{"rendered":"<p><strong><\/strong><\/p>\n<div class=\"newscontent\">\n<p>Hargeisa {AN}-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng.\u00a0 Faysal Cal Waraabe,\u00a0 ayaa\u00a0 magaaladda Hargaysa kula kulmay \u00a0 wefti\u00a0 culus\u00a0 oo ka socday dawladda Maraykanka, \u00a0 oo \u00a0 booqsho ku yimid Somaliland.<img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-24537 aligncenter\" src=\"http:\/\/i0.wp.com\/hangoolnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/faysal-cali-waraabe.jpg?resize=738%2C471\" sizes=\"auto, (max-width: 738px) 100vw, 738px\" srcset=\"http:\/\/i0.wp.com\/hangoolnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/faysal-cali-waraabe.jpg?w=467 467w, http:\/\/i0.wp.com\/hangoolnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/faysal-cali-waraabe.jpg?resize=300%2C191 300w\" alt=\"faysal-cali-waraabe\" width=\"738\" height=\"471\" \/><\/p>\n<\/div>\n<p>Weftigaasi\u00a0 oo uu hogaaminayay\u00a0 madaxa xafiiska siyaasadda ee safaaradda Maraykanku ku leeyahay\u00a0 magaaladda Nairobi ee dalka Kenya,Mr.\u00a0 FRAN GASKIN<\/p>\n<p>Sidaasina waxaa\u00a0 lagu sheegay war-qoraal ah oo saxaafadda loogu tallo galay oo xisbiga UCID ka soo saaray kulankaasi oo xalay nuqul ka mid ah uu soo gaadhay\u00a0 xafiiska\u00a0 wargeyska <strong>Hangoolnews.com<\/strong> \u00a0 Kulankaasi oo\u00a0 qaatay muddo\u00a0 saacad\u00a0 iyo dheeraad ayaa\u00a0 la sheegay in labadda dhinac ay diiradda ku saareen xaaladda guud ee Somaliland \u00a0gaar ahaana arrimaha siyaasadda\u00a0 ee wakhtigan ka taagan Somaliland iyo sidoo kale\u00a0 arrimaha nabadgelyo iyo siyaasadeed ee\u00a0 \u00a0mandaqadda geeska Afrika.<\/p>\n<p>Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu uga xog waramay weftigan Maraykanka ah in guud ahaan xaalada siyaasadeed ee Somaliland ay \u00a0haatan aad u fiicantay. \u00a0Waxaanu si gaar ah u tilmaamay\u00a0\u00a0 in\u00a0 dabayl\u00a0 nabadeed \u00a0oo wanaagsan ay ka socoto degaamada Bariga Somaliland, isagoo \u00a0\u00a0\u00a0rejo weyn \u00a0ka muujiyay in\u00a0 dedaaladda\u00a0 nabadeed ee ka socda dhinaca bari\u00a0 ay noqdaan kuwo \u00a0midho-dhala, isla markaana\u00a0 guul la taaban karo\u00a0 laga gaadho si loo xoojiyo dhismaha iyo midnimada Somaliland.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxay labada dhinac si qoto dheer uga wadda hadleen halka ay marayso u diyaar garowga doorashooyinka la filayo inay \u00a0Somaliland ka\u00a0\u00a0 dhacaan sannadka soo socda.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha UCID, waxa uu faah faahin ka siiyay weftiga\u00a0\u00a0 caqabadaha hor taagaan arrimaha doorashooyinka Somaliland, hase yeeshee wuxuu u caddeeyay\u00a0\u00a0 in wax badan laga qabtay\u00a0 hawlaha loogu diyaar garoobayo\u00a0 doorashooyinka.<\/p>\n<p>Waxyaabo \u00a0bada-na ay dhiman yihiin,\u00a0 dhawaanna la kala qaaday labada doorasho ee golaha Wakiiladda iyo madaxtooyadda kadib markii ay soo baxeen murano \u00a0\u00a0iyo cabashooyin \u00a0ku salaysan Saami qaybsiga Kuraasta Wakiilada.Iyadoo \u00a0\u00a0ay hore cabasho uga muujiyeen goboladda qaarkood arrinta\u00a0\u00a0 Saami qeybsigii hore ee ay ku salaysnaayeen\u00a0 Kuraasta Wakiiladu.<\/p>\n<p>Dhinaca kale qoraalkaasi uu xisbiga UCID soo saaray waxa lagu sheegay\u00a0 Eng. Faysal, uu\u00a0 dawlada Maraykanka ka codsaday in ay gacan dhaqaale ka gaysato qabsoomida doorashooyinka Somaliland ee sannadka soo socda.<\/p>\n<p>Sidoo kale Faysal Cali Waraabe, waxa uu\u00a0 sheegay \u00a0 dublomaasiyiintan inuu\u00a0 rejo weyn ka qabo in\u00a0 doorashadda\u00a0 madaxwayne-nimada ee la qorsheeyay \u00a0in ay dalka ka dhacdo bisha March ee sannadka 2017-ka\u00a0 ay ku qabsoomi doonto wakhtiga \u00a0loogu tallo galay, maadaama oo ay guul ku dhammaatay diiwaangelintii\u00a0 codbixiyeyaasha ee ka qabsoontay guud ahaanba goboladda\u00a0 dalka.<\/p>\n<p>Arabsiyo Desk<br \/>\nArabsiyoNews@gmail.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeisa {AN}-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng.\u00a0 Faysal Cal Waraabe,\u00a0 ayaa\u00a0 magaaladda Hargaysa kula kulmay \u00a0 wefti\u00a0 culus\u00a0 oo ka socday dawladda Maraykanka, \u00a0 oo \u00a0 booqsho ku yimid Somaliland. Weftigaasi\u00a0 oo uu hogaaminayay\u00a0 madaxa xafiiska siyaasadda ee safaaradda Maraykanku ku leeyahay\u00a0 magaaladda Nairobi ee dalka Kenya,Mr.\u00a0 FRAN GASKIN Sidaasina waxaa\u00a0 lagu sheegay war-qoraal ah oo saxaafadda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":22919,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-25398","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6BE","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25398","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25398"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25398\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25398"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25398"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25398"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}