{"id":25326,"date":"2016-09-22T11:50:00","date_gmt":"2016-09-22T11:50:00","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=25326"},"modified":"2016-09-22T11:50:00","modified_gmt":"2016-09-22T11:50:00","slug":"siyaasiga-cabdi-haybe-oo-baaq-hawda-u-mariyey-madaxweyne-siilaanyo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/09\/22\/siyaasiga-cabdi-haybe-oo-baaq-hawda-u-mariyey-madaxweyne-siilaanyo\/","title":{"rendered":"SIYAASIGA CABDI HAYBE OO BAAQ HAWDA U MARIYEY MADAXWEYNE SIILAANYO"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (arabsiyo-News):- Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inaanu sabab u noqon in beesha caalamku dhabarka u jeediso Somaliland islamarkaana ay ka xidhiidh furanto Somaliland.<\/p>\n<p>cabdi Haybe<\/p>\n<p>Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo wuxuu Madaxweynaha ugu baaqay inuu ka noqdo go\u2019aanka uu labada doorasho ku kala qaaday si aanu dagaal diblomaasiyadeed uga dhex bilaabmin Beesha caalamka iyo Somaliland, \u201cKhaladka inaga ayaa leh, maxa yeelay markii hore labada Doorasho Dawladda iyo Barlamaanka ayaan isa saaray,imika waa kala qaadaya ma hadal baa, Yurub iyo Mareykanku way inaga caawiyaan oo Doorashooyinkana way inaga caawiyaan, markaas khalad wayn baa dhacay, Barlamaankani ma doonayo inay meesha ka baxaan, laba jeer oo hore ayaa loo kordhiyey, markaas Wadankan waa lagu ciyaaraya.\u201d sidaas ayuu yidhi Cabdi Haybe<\/p>\n<p>Siyaasi Cabdi Haybe mar uu Madaxweynaha ugu baaqayey inuu ka noqdo go\u2019aankiisa ayaa wuxuu yidhi<\/p>\n<p>\u201cMadaxweynuhu inuu ka noqdo go\u2019aankiisa weeyaan, sababtoo ah Maxkamada ayaa barigii hore soo dhex gashay arimaha Doorashooyinka oo go\u2019aan gaadhay, mana aha in Maxkamada laga talaabsado, waxaana weeyaan inuu Madaxweynuhu xisaabtamo oo uu ka noqdo go\u2019aankaas, dadku waxay doonayaan ayaa muhiim ah, Barlamaanka laba goor oo hore ayaa loo kordhiyey, in mar saddexaad korodhsiimo la siiyo wax caqliga gala maaha, Guurtidan iska fadhidana waa ina la dareeriyaa, maxa yeelay waa danaystayaal, inkasta oo uu Madaxweynuhu hore u yidhi labada Doorasho waa diyaar oo wakhti bay ku wada dhacayaan, imikana Doorashadii Wakiiladu dib u dhacday, Madaxtooyadu waa diyaar uu yidhi waxa ka daba iman doono garan mayno\u201d.<\/p>\n<p>Siyaasi Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey dalabka Beesha Caalamka wuxuu yidhi \u201cYurub iyo Mareykanka iyo cid alaale cidii inaga maalgalisay Doorashooyinku haddii lagu adkaysto go\u2019aankan oo aan khaladkeena aynaan sixin waxa hubaal ah in Doorashooyin dambe la inaga caawinayn oo dhabarka la inoo soo jeedinayo, haddii ay sidaas noqotana Dimuqraadiyadii aynu in badan ku faanaynay meesha wey ka baxaysaa. Markaas waxaan leeyahay madaxweyne sabab ha u noqon in caalamku dhabarka u soo jeediyo Somaliland oo ay inaga xidhiidh furmaan.\u201d<\/p>\n<p>Source:- Geeska<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (arabsiyo-News):- Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inaanu sabab u noqon in beesha caalamku dhabarka u jeediso Somaliland islamarkaana ay ka xidhiidh furanto Somaliland. cabdi Haybe Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo wuxuu Madaxweynaha ugu baaqay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":22781,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-25326","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6Au","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25326","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25326"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25326\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25326"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25326"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25326"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}