{"id":25035,"date":"2016-09-15T07:18:24","date_gmt":"2016-09-15T07:18:24","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=25035"},"modified":"2016-09-15T07:18:24","modified_gmt":"2016-09-15T07:18:24","slug":"unhcr-iyo-kenya-oo-lagu-dhaliilay-hannaanka-dib-u-celinta-qaxootiga-dhadhaab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/09\/15\/unhcr-iyo-kenya-oo-lagu-dhaliilay-hannaanka-dib-u-celinta-qaxootiga-dhadhaab\/","title":{"rendered":"UNHCR IYO KENYA OO LAGU DHALIILAY HANNAANKA DIB U CELINTA QAXOOTIGA DHADHAAB"},"content":{"rendered":"<div class=\"story-body__inner\">\n<p>Dib u celinta qaxootiga Soomalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab ma uusan yeelanin hannaanka caalamiga ah ee ah inay iskood u noqdaan, sidaasi waxaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay\u2019ad u dooda xuquuqda aadanaha.<\/p>\n<p>Hay\u2019adda Human Rights Watch, warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in inta badan dadka dib u noqday ay ka baqeen in la qasbo.<\/p>\n<p>Tobannaan kun oo qof oo qaxooti ah ayaa dalka Soomaaliya dib ugu noqonaya kaddib markii sanado badan ay ku noolaayeen xeryaha qaxootiga oo dowladda Kenya ay qorsheyneyso inay xirto.<\/p>\n<\/div>\n<p>Hay\u2019adda u dooda xquuqda aadanaha, HRW, waxay dowladda Kenya iyo hay\u2019adda UNHCR ku eedeysay inay ku guuldareysteen in hanaanka dib u celinta ay waafajiyeen xeerka caalamiga ah.<\/p>\n<p>Agaasimaha laanta xuquuqda qaxootiga, Bill Frelick, waxa uu sheegayaa in maamulka Kenya aysan dadka dhiban siinin fursad ay ku kala xushaan inay noqdaan ama iska joogaan.<\/p>\n<p>Waxa uu sidoo kale sheegay in hay\u2019adda qaxootiga ee UNHCR aysan dadka siin warar sax ah oo ku saabsan xaaladda amniga ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya waxay horey uga wada hadleen in la xiro xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.<\/p>\n<p>Sikastaba, maamulka Jubaland ayaa dhowaantan waxa ay diideen in qaxootiga loo gudbiyo dhanka Soomaaliya, waxayna sheegayaan inaan la siinin taageerada bini aadamnimo ee ay u baahan yihiin.<\/p>\n<p>Go\u2019aankaasi wuxuu dhaliyay in dad badan oo noqon lahaa ay ku xayiran yihiin xuduudda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dib u celinta qaxootiga Soomalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab ma uusan yeelanin hannaanka caalamiga ah ee ah inay iskood u noqdaan, sidaasi waxaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay\u2019ad u dooda xuquuqda aadanaha. Hay\u2019adda Human Rights Watch, warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in inta badan dadka dib u noqday ay ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":25036,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-25035","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6vN","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25035","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25035"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25035\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25035"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25035"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25035"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}