{"id":24876,"date":"2016-09-11T09:56:20","date_gmt":"2016-09-11T09:56:20","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=24876"},"modified":"2016-09-11T09:56:20","modified_gmt":"2016-09-11T09:56:20","slug":"halkan-ka-akhriso-aragtiyaha-ay-xisbiyada-mucaaridka-ah-ka-bixiyeen-kala-qaadista-labada-doorasho-ee-madaxwayne-siilanyo-soo-jeediyey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/09\/11\/halkan-ka-akhriso-aragtiyaha-ay-xisbiyada-mucaaridka-ah-ka-bixiyeen-kala-qaadista-labada-doorasho-ee-madaxwayne-siilanyo-soo-jeediyey\/","title":{"rendered":"HALKAN KA AKHRISO ARAGTIYAHA AY XISBIYADA MUCAARIDKA AH KA BIXIYEEN KALA QAADISTA LABADA DOORASHO EE MADAXWAYNE SIILANYO SOO JEEDIYEY."},"content":{"rendered":"<div class=\"newscontent\">\n<p>Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa digreeto uu shalay soo saaray wuxuu ku kala saaray labada doorasho ee madaxtooyada iyo golaha wakiilada oo uu sidoo kale hore digreeto ugu sharciyeeyay inay wada qabsoomaan 27 March 2017.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-28145 aligncenter\" src=\"http:\/\/i1.wp.com\/hangoolnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/wadani-iyo-ucid.jpg?resize=383%2C131\" sizes=\"auto, (max-width: 383px) 100vw, 383px\" srcset=\"http:\/\/i1.wp.com\/hangoolnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/wadani-iyo-ucid.jpg?w=529 529w, http:\/\/i1.wp.com\/hangoolnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/wadani-iyo-ucid.jpg?resize=300%2C103 300w\" alt=\"wadani-iyo-ucid\" width=\"383\" height=\"131\" \/><\/p>\n<\/div>\n<p>Digreetadiisa, wuxuu Madaxweynuhu kala qaadista doorashooyinka sababta koowaad uga dhigay saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada ee gobalada qaarkood.<\/p>\n<p>Madaxweynuhu wuxuu digreetadiisa ku go\u2019aamiyay afartan qodob oo kala ah<\/p>\n<ol>\n<li>in aan Doorashada Golaha Wakiillada lagu gali karin saamiga gobollada ee hadda jira.<\/li>\n<li>in dib-u-eegis iyo dib-u-qaybin lagu sameeyo Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobollada, iyadoo tixgelin wayn la siinayo deegaanada Awdal, Sool, Sanaag Bari, Dumarka iyo Dadka laga tirada badan yahay.<\/li>\n<li>in aan u magacaabo guddi qaran oo hawshan soo fududaysa ama isku soo duba-ridda talo sal balaadhan oo qancin karta dhinacyada kala duwan iyo daneeyayaasha sharci.<\/li>\n<li>in la kala qaado Doorashooyinka Wakiillada iyo Madaxtooyada, si loo helo muddo ku filan hawlaha go\u2019aanada sare ku xusan, iyadoo Doorashada Golaha Wakiillada dib loo dhigayo, halka Doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda lagu qabanayo.<\/li>\n<\/ol>\n<p>Ugu dambayn, wuxuu isagoo codsi u diraya golaha guurtida, wuxuu yidhi \u201cSidaa darteed, waxaan Mudanayaasha Golaha ka codsanayaa in ay ansixiyaan go\u2019aanadan,si buuxdana u taageeraan.<\/p>\n<p>Ugu danbayn, ka dib marka uu goluhu ka guto waajibaadkiisa dastuuriga ah go\u2019aanadan xalka u ah xaaladda taagan, waxaan u gudbin doonaa idam Eebe Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.\u201d<\/p>\n<p>Mawqifka mucaaradka<\/p>\n<p>Labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID ayaa si weyn ugu kala aragti duwan go\u2019aanka uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku kala saaray labada doorasho.<\/p>\n<p><strong>UCID<\/strong><\/p>\n<p>Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo go\u2019aanka Madaxweyne Siilaanyo, maadaama oo ay markii hore kalsooni siiyeen, wuxuuse xusay inuu u soo dhawaynayo si taxadar leh, \u201cMadaxweynihii hadduu xal waayay oo uu qaybin kari waayay sidaanu u qaybin karin weynay oonu nidhi taladaad goyso waanu raacsanahay, dee horta waa arrin dhici karta oo macquul ah, annaguna haddaanu nidhi taladaada waanu ogolnahay waanu taageersanahay qodobkiisa.\u201d ayuu yidhi Faysal oo intaas raaciyay \u201cMarkaas annagu si taxadar leh ayaanu u soo dhawaynaynaa, laakiin waa inuu madaxweynuhu na tusaa wakhtiga la kordhiyay inuu yahay wakhti macquula iyo dib u habayn lagu samaynayo golaha wakiilada.\u201d ayuu yidhi Faysal.<\/p>\n<p>Faysal, wuxuu sheegay in laga yaabo in beesha caalamku ganafka ku dhufato go\u2019aanka Madaxweyne Siilaanyo oo ay diido inay bixiso dhaqaalaha doorashada madaxtooyada, \u201cBeesha Caalamku arrintan way diidaysaa, waxaana laga yaabaa inaanay dhaqaalaha bixin, waa in loo diyaar garoobaa wixii dhibaato ka iman kara beesha caalamka.\u201d ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.<\/p>\n<p><strong>Waddani<\/strong><\/p>\n<p>Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa si adag uga horyimid go\u2019aanka Madaxweyne Siilaanyo oo ay ku tilmaameen talaabo doorashooyinka dib loogu dhigayo \u201cUmaddan waxay wakiil kaga ahaayeen in madaxweynuhu fuliyo digreetadiisii iyo go\u2019aankii goleyaasha qaranka ee ay maxkamadda sarena ansixisay taas hadduu maanta si toosa ah u jebiyay waxaanu u aragnaa qayral distoori iyo qayral sharci, oo lagu doonayo sabab dib loou dhigo doorashooyinka.\u201d sidaas waxa yidhi xoghayaha guud ee xisbiga Waddani oo intaas raaciyay \u201cAnnagu waxaanu u aragnaa inaanay xal ahayn muddo la kordhiyaa, saami qaybsiga in muddo kordhin lagu daweeyaa xal maaha.\u201d<\/p>\n<p>Source Geeska.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa digreeto uu shalay soo saaray wuxuu ku kala saaray labada doorasho ee madaxtooyada iyo golaha wakiilada oo uu sidoo kale hore digreeto ugu sharciyeeyay inay wada qabsoomaan 27 March 2017. Digreetadiisa, wuxuu Madaxweynuhu kala qaadista doorashooyinka sababta koowaad uga dhigay saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada ee gobalada qaarkood. Madaxweynuhu wuxuu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":24877,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-24876","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-uncategorized"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6te","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24876","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24876"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24876\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24876"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24876"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24876"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}