{"id":24813,"date":"2016-09-10T13:06:01","date_gmt":"2016-09-10T13:06:01","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=24813"},"modified":"2016-09-10T13:06:01","modified_gmt":"2016-09-10T13:06:01","slug":"daawo-oo-akhriso-war-deg-deg-oo-kasoo-baxay-madaxtoyada-somaliland-oo-uu-warbaahinta-u-akhriyay-afayeenka-madaxtoyada-mr-xuseen-dayr-sheegayna-in-madaxweynuhu-kala-qaaday-doorashooyinka-qaranka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/09\/10\/daawo-oo-akhriso-war-deg-deg-oo-kasoo-baxay-madaxtoyada-somaliland-oo-uu-warbaahinta-u-akhriyay-afayeenka-madaxtoyada-mr-xuseen-dayr-sheegayna-in-madaxweynuhu-kala-qaaday-doorashooyinka-qaranka\/","title":{"rendered":"Daawo Oo Akhriso War Deg Deg Oo Kasoo Baxay Madaxtoyada somaliland Oo Uu Warbaahinta U Akhriyay Afayeenka Madaxtoyada  Mr Xuseen Dayr  Sheegayna  In Madaxweynuhu   kala Qaaday Doorashooyinka Qaranka"},"content":{"rendered":"<p>Gabiley(AN) \u00a0War-saxaafadeed\u00a0Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL\/M\/SHGW\/081-4240\/092016 uu go\u2019aan ka soo saaray go&#8217;aanka ay hore ugu soo gudbiyeen Asxaabta qaranku ee ahayd, Go&#8217;aanka Diyaarinta Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada.<\/p>\n<p>Waxaanu u dhignaa Goaankaa Mdaxweynuhu sidan:-<\/p>\n<p>Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada<\/p>\n<p>Og: Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah (Sonsaf)<\/p>\n<p>Og: Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta (APD)<\/p>\n<p>Og: Guddoomiyaha Xisbiga UCID<\/p>\n<p>Og: Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI<\/p>\n<p>Og: Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE<\/p>\n<p>Og: Guddida Doorashooyinka Qaranka<\/p>\n<p>Og: Shir-guddoonka Golaha Guurtida<\/p>\n<p>Og: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare<\/p>\n<p>Ujeeddo: Go&#8217;aanka Diyaarinta Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada<\/p>\n<p>Mudanayaal,<\/p>\n<p>Markii aan<br \/>\ntix-raacay go&#8217;aanka axsaabta qaranka ee ay kalsoonida buuxda ii siiyeen in aan go&#8217;aan ka gaadho Mashruuca Saami-Qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada, ka dib markii ay ku adkaatay in ay talo middaysan iyo xal rasmi ah ka gaadhaan.<\/p>\n<p>Markii aan tixgeliyey Warbixinta Akaademiyada Nabadda (APD) iyo Dallada ay ku bahoobeen Ururrada Bulshada Rayidka ah (SONSAF), oo si cad u muujiyey codsiga Bulshada Gobollada Somaliland, kaas oo ku soo ururraya baahida loo qabo in si caddaalad ah loo qeexo Saami-qaybsiga Kuraasta Aqalka Wakiillada doorashada ka hor, warbixintaas oo tilmaantay gobolna in aanuu ku qanacsanayn tirada kuraasta uu wakhtigan haysto, sidaa darteedna ay muhiim tahay in loo helo xal waara.<br \/>\nMarkii aan arkay qoraallada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Warbixinta Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha ee Aqalka, oo si qeexan u faahfaahiyey tabashada Gobollada Dalka ee Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada, kuna taliyey in talo qaran laga yeesho.<br \/>\nMarkii aan arkay Dastuurka Qaranka Qodobka 8aad xubintiisa 1aad iyo 2aad, Qodobka 22aad iyo Qodobka 90aad.<br \/>\nMarkii aan qiimeeyey Qaraarkii Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu qabtay Doorashadii Golaha Wakiillada ee 2005-kii, kaas oo jidaynayey in Saamiga Kuraasta Golaha Wakiillada ee hadda lagu kala fadhiyo hal mar oo keli ah doorasho lagu galo, wixii ka danbeeyana tiro-koob guud dalka laga qabto.<\/p>\n<p>Markii aan garwaaqsaday cabashada madax-dhaqameedka iyo siyaasiyiinta Gobolka Awdal ee ku saabsan saamiga uu hadda gobolkaasi ku leeyahay Kuraasta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.<br \/>\nMarkii aan garwaaqsaday cabashada madax-dhaqameedka iyo siyaasiyiinta Gobollada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle ee ku saabsan saluugga awood qaybsiga talada dalka iyo saamiga ay hadda gobolladaasi ku leeyihiin Kuraasta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.<br \/>\nMarkii aan ku qancay cabashada Dumarka iyo Dadka laga tirada badan yahay ee ku saabsan Saamiga Kuraasta Golaha Wakiillada, taas oo u baahan in loo sameeyo qorshe u gaar ah.<br \/>\nMarkii aan yaqiinsaday in qaabka saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada haddii doorashada lagu galo sidii hore, ay caqabad ku noqon karto shirarka nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta qaran ee aan ku martiqaaday wax-garadka iyo waayeelka bulshada deegaanada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle ee ka dhici doona Magaalada Burco 25\/10\/2016-ka.<br \/>\nMarkii aan shaki la&#8217;aan isku qanciyey in muddada kooban ee ka hadhsan Xilliga Doorashada Golaha Wakiillada, iyo Ahmiyadda Siyaasadeed ee ay Qarankan u Leedahay in la helo saami-qaybsi lagu wada qanacsan yahay oo si sharciga waafaqsan u daboola cabashooyinka hadda taagan aanay suurtagal ahayn in lagu dhamaystiro xilliga doorashada ka hadhay oo dhan 7-bilood, iyada oo loo baahan-yahay in la helo wakhti ku habboon oo lagu xalliyo mushkiladan.<br \/>\nMarkii ay ii cadaatey in haddii Doorashada Golaha Wakiillada lagu galo qaabka saami-qaybsiga ee hadda jira, ama la sameeyo saami-qaybsi cusub oo aan laga baaraan-degin ama aan taladiisa la balaadhin oo u muuqda mindi roortayn, in taasi ay keeni karto muran iyo buuq hor leh oo sabab u noqon kara in uu galaafto doorashada kale ee barraxan, taas oo micnaheedu yahay in labada doorasho uu ku yimaado dib-u-dhac, laf-jab qarankan ku ah.<br \/>\nMarkii aan ka duulay sida ay iiga go&#8217;an tahay shakhsi ahaan in aan dalkan ka suurta-geliyo doorasho xor iyo xalaal ah xilligii loogu talo-galay.<br \/>\nMarkii aan dersay Go&#8217;aankii Golaha Guurtida ee jideeyey in labada doorasho (Wakiillada iyo Madaxtooyada) hal mar la wada qabto 28\/03\/2017 iyo Go&#8217;aankii Maxkamadda Dastuuriga Jamhuuriyadda Somaliland ku ayidday labada doorasho ee isku-lamaan.<br \/>\nMarkii aan xaqiiqsaday in ay tahli kari waayeen Mudanayaasha iyo Shir-guddoonka Golaha Wakiilladu diyaarinta Xeerka Doorashada Aqalka ee uu bud-dhigga u ahaa Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilladu, xilligii ku habboonaa muddo xileedkii dheeraa oo uu goluhu lahaa mas&#8217;uuliyadda sharci-dejinta koowaad. Aniga oo dareensan in markii ay golaha ku adkaatay in uu iskaga aragti noqdo qabyo-tirka xeerkan, gaar ahaan xal u helidda Saami-qaybsiga kuraasta uu isa soo dhaafiyey oo uu ii soo gudbiyey.<br \/>\nMarkii aan xog-ogaal u noqday in Doorashada Golaha wakiillada ay hortaal caqabad farsamo oo aan yarayn, taas oo salka ku haysa Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Cusub, arrintaas oo u baahan in la dhiraan-dhiriyo, loona xalliyo hab xigmad iyo xeelad leh.<br \/>\nMarkii aan qiimeeyey in ilaalinta midnimada iyo wada jirka Ummadda Somaliland ay tahay waajib hoggaamiye ahaan i saaran, taas oo mudan in aan muhiimada ay leedahay darteed ka hor mariyo wax kasta, iyadoo ay iga go&#8217;an tahay in aan ka tago dal mid ah iyo dad midaysan.<br \/>\nWaxaan go&#8217;aamiyey;<br \/>\n1. in aan Doorashada Golaha Wakiillada lagu gali karin saamiga gobollada ee hadda jira.<br \/>\n2. in dib-u-eegis iyo dib-u-qaybin lagu sameeyo Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobollada, iyadoo tixgelin wayn la siinayo deegaanada Awdal, Sool, Sanaag Bari, Dumarka iyo Dadka laga tirada badan yahay.<br \/>\n3. in aan u magacaabo guddi qaran oo hawshan soo fududaysa ama isku soo duba-ridda talo sal balaadhan oo qancin karta dhinacyada kala duwan iyo daneeyayaasha sharci.<br \/>\n4. in la kala qaado Doorashooyinka Wakiillada iyo Madaxtooyada, si loo helo muddo ku filan hawlaha go&#8217;aanada sare ku xusan, iyadoo Doorashada Golaha Wakiillada dib loo dhigayo, halka Doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda lagu qabanayo.<br \/>\nSidaa darteed, waxaan Mudanayaasha Golaha ka codsanayaa in ay ansixiyaan go&#8217;aanadan,si buuxdana u taageeraan.<br \/>\nUgu danbayn, ka dib marka uu goluhu ka guto waajibaadkiisa dastuuriga ah go&#8217;aanadan xalka u ah xaaladda taagan, waxaan u gudbin doonaa idam Eebe Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.<\/p>\n<p>Halkanka Daawo Warkaas Oo Muuqaal Ah<\/p>\n<span class=\"embed-youtube\" style=\"text-align:center; display: block;\"><iframe loading=\"lazy\" class=\"youtube-player\" width=\"696\" height=\"392\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/zPncOge0GEs?version=3&#038;rel=1&#038;showsearch=0&#038;showinfo=1&#038;iv_load_policy=1&#038;fs=1&#038;hl=en-US&#038;autohide=2&#038;wmode=transparent\" allowfullscreen=\"true\" style=\"border:0;\" sandbox=\"allow-scripts allow-same-origin allow-popups allow-presentation allow-popups-to-escape-sandbox\"><\/iframe><\/span>\n<p>ALLAA MAHAD LEH<\/p>\n<p>Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)<\/p>\n<p>Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.<\/p>\n<p>Arabsiyo.net<br \/>\nOffice Gabiley<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Gabiley(AN) \u00a0War-saxaafadeed\u00a0Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL\/M\/SHGW\/081-4240\/092016 uu go\u2019aan ka soo saaray go&#8217;aanka ay hore ugu soo gudbiyeen Asxaabta qaranku ee ahayd, Go&#8217;aanka Diyaarinta Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada. Waxaanu u dhignaa Goaankaa Mdaxweynuhu sidan:- Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Og: Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah (Sonsaf) Og: [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":24815,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-24813","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6sd","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24813","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24813"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24813\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24813"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24813"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24813"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}