{"id":2481,"date":"2014-12-24T10:05:16","date_gmt":"2014-12-24T10:05:16","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=2481"},"modified":"2014-12-24T10:05:16","modified_gmt":"2014-12-24T10:05:16","slug":"xilli-doorasho-lama-gaadhin-haddii-aanu-madaxwaynuhu-wax-ka-qaban-wasiirradiisan-ololaha-ka-dul-bilaabay-qarannimadu-jiri-maysoboqor-buurmadow","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2014\/12\/24\/xilli-doorasho-lama-gaadhin-haddii-aanu-madaxwaynuhu-wax-ka-qaban-wasiirradiisan-ololaha-ka-dul-bilaabay-qarannimadu-jiri-maysoboqor-buurmadow\/","title":{"rendered":"Xilli Doorasho Lama Gaadhin, Haddii Aanu Madaxwaynuhu Wax Ka Qaban Wasiirradiisan Ololaha Ka Dul Bilaabay Qarannimadu Jiri Mayso\u201dBoqor Buurmadow"},"content":{"rendered":"<h2><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/IMG_3458C0-6C6BA9-A3AB65-2F3F14-E4EBAB-EA673F-150x150.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-2482\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/IMG_3458C0-6C6BA9-A3AB65-2F3F14-E4EBAB-EA673F-150x150.jpg?resize=150%2C150\" alt=\"IMG_3458C0-6C6BA9-A3AB65-2F3F14-E4EBAB-EA673F-150x150\" width=\"150\" height=\"150\" \/><\/a>Boqor Cismaan Aw Muxumed Maxamed (Buur-Madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka reer Somaliland, ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Musharaxa Madaxwaynaha KULMIYE ee Mustaqbalka, kaasi oo u dhexeeya Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.<\/h2>\n<h2>Boqor Cismaan Buur-Madow, waxa uu muranka ka taagan Musharaxnimada Madaxwaynaha ee xisbiga KULMIYE ka taagan ku macneeyay wax ceeb ku ah Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo, maadaama oo isaga oo aan dhamaysan teeramkii koowaad ee hoggaaminta dalka isla-markaana Musharaxa u ah teeramkiisa labaad ay Wasiirradiisu u ololeystaan Musharaxnimo, iyaga oo buu yidhi adeegsanaya hantida ummada ee lagu aaminey.<\/h2>\n<h2>Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-Madow) oo safar ku jooga dalka Imaaraadka Carabta, ayaa wareysi uu xalay Khadka Telefoonka ku siiyey Wargeyska Madaxa-banaan ee Somalilandtoday, ayaa waxa uu ugu horeyn ka hadlay wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray dalka Jabuuti, waxaanu yidhi \u201cQodobbada ka soo baxay wadahadalladii Jabuuti waxaan u arkaa Guul u\u00a0 hoyatay Somaliland, waanan ugu hambalyeynayaa Madaxwaynaha iyo weftigisii, Somalilandna waxay u ahayd arrin loo baahnaa in lagu dhiirado, waayo waxaan qabaa inay meeshaa ka soo baxeen arrimo badan oo Somaliland dan u ah. Arrimaha Masiiriga ahi waa ta kaliya ee ay dantu ku jirto in laga wada hadlo, waayo 23 sanadood ayaynu is hor-fadhinaa (Soomaaliya) markaa waan soo dhaweynaynaa in arrimaha lagu dhiirado oo laga wada hadlo<\/h2>\n<h2>Boqor Cismaan Buur-Madow oo la waydiiyey sida uu u arko loolanka Musharaxnimo ee u dhexeeya Guddoomiyaha KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka arrimaha dibadda, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ku jawaabay \u201cSiyaasaddu waa kubad la ciyaarayo oo kale, Siidhi-waduhu haddaanu kala hagin laacibiinta wada ciyaaraha, garoonka oo dhan ayuu khalkhal ku dhacayaa. Markaa Madaxwaynuhu isaga ayaa xisbiga iyo siyaasadda dawladdaba majaraheeda haya, markaa isaga ayaana laga rabaa inuu kala hago\u201d ayuu ydihi, waxaanu intaasi raaciyey \u201cTa kale, anigu lama gabado wixii dhaliil ah ee aan arko waxaanan jecelahay inay toosin noqoto, Madaxwaynaha waan ugu hambalyeynayaa waxqabadka badan ee uu dalka ka qabtey, waxaanan qabaa inuu yahay Madaxwaynihii ugu musuqmaasuqa yaraa ee soo mara Somaliland, waayo wax Foojar (Receipt) ku baxaya mooyaane wax kale oo uu saxeexo Madaxwayne Axmed Siilaanyo ma jirto.\u00a0 Laakiin ayaandarada jirtaa waxa weeyaan Madaxwayne taagan (Musharax ah) oo Wasiirradiisu yihiin Musharixiin lama arag (Adduunka), waxa taa ka sii daran Madaxwayne ka xanaaqaya musuqmaasuqa, haddana Wasiirkiisa Maaliyadda ay maalin walba jeebka ugu jirto $ 200.000 doollar oo hantidii ummada ah, oo uu dadka kala siinayo oo uu siyaasad (u isticmaalayo), waxaan leeyahay arrintaa Madaxwaynuhu kama Madax-banaannayo. Arrintaasi waxay ceeb ku tahay dawladda iyo anshaxeedaba, in Madaxwaynihii oo nool la isla jiidhaa waxay ceeb iyo nusqaan ku tahay Madaxwaynaha iyo\u00a0 dhaqanka siyaasadda iyo xisbigaba\u201d<\/h2>\n<h2>Boqor Cismaan, waxa uu dhaliilay habka uu Wasiirka Maaliyaddu ugu ololeysanayo Musharaxnimadiisa \u201cHaddii maanta odayaashu (Guddida horumarinta Sacad Muuse) is yidhaahdeen Musharixiinta beesha ururiya, oo musharixiintan badan la kala hadla,\u00a0 in Wasiir Samaale inta uu qaybiyo hal Milyan oo aan qaranka ka gu\u2019in uu Madaxwaynuhuna daawado, waxaan leeyahay waa arrin aan loo baahnayn, waayo waa musuqmaasuq loo baahan yahay in Madaxwaynuhu ku baraarugo. Madaxwaynaha laguma yaqaan musuqmaasuqa, laakiin inuu raali ka noqdo musuqmaasuqa Wasiirradiisa (Looma baahna)\u2026.\u201d Ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey \u201cSamaale halkuu kala yimid lacagtan uu qaybinayo ee uu ku boolatiigayo, Caanteyn muu haysan maalintuu kursiga (Wasaaradda Maaliyadda) fuulay oo laba shaadh ayuu lahaa,\u00a0 maantana gelinkiiba wuxuu qaybinayaa $ 200.000 doollar. Waxaan leeyahay waa ayaandaro in Maaliyaddii dalka loo isticmaalo kala jajabinta Beesha Sacad Muuse, oo Wasiirka Maaliyaddu noqdo ninka leh awoodda dalka, markaa waxaan leeyahay Madaxwayne sharaftaadii iyo midnimada xisbiga iyo isbaheysigii beel ahaaneedba (Marka la eego), nooma cuntameyso in xisbigii uu annaga iyo adigaba horteena ku burburo\u201d<\/h2>\n<h2>Boqor Buur-Madow, waxa uu sheegay in Wasiir Samaale uu kala dhaweysto Wasiirrada xukuumadda\u00a0 \u201cMaxamed Biixi Yoonis (Wasiirka Arrimaha dibaddu) waa nin han leh, laakiin nin Musuqmaasuq ku jira oo lacag ku ciyaaraha maaha, laakiin Samaale inuu wasiirrada (Xukuumadda) ninka uu doonana Maaliyadda u badiyo oo uu janneeyo maaha, Madaxwaynahana ka awood bato waa ayaandaro\u201d<\/h2>\n<h2>Boqor Cismaan oo la waydiiyey in Wasiir Samaale uu xaq u leeyahay inuu soo bandhigo taageerayaashiisa sidii uu Muuse Biixi ba hore u sameeyay, ayaa ku jawaabay \u201cAnigu waxaan ka hadlaa caddaalada, sidaa daraadeed Muuse Biixi kuma boolatiigayo lacag dawladdu leedahay, laakiin Wasiir Samaale lacagta uu dalka ku khalkhal-gelinayaa waa tii dawladda, anigu ma doonayo in lacagta dawladda loo isticmaalo musuqmaasuq, waayo waxaan doonayaa in Madaxwayne Siilaanyo uu sharaf ku tago, markaa in lacagtii dawladda lagu baa\u2019biiyo reero iyo xisbi maaha mid cuntameysa, waxaan leeyahay Madaxwaynuhu arrinkaa haka qaato tallaabo oo wax ha ka qabto, aad baanan uga digayaa cawaaqib xumada uu keenayo (Hadhow)\u2026.\u201d<\/h2>\n<h2>Boqor Cismaan oo la waydiiyey in Wasiir Samaale uu taageero ka helayo beesha Madaxwaynaha, ayaa ku jawaabay \u201cWasiir Samaale oo aanu qabaneyn Kitaabkii uu bartay iyo kii uu qaranka ugu dhaartey oo hantidii umadda ku boolatiigaya Annaga beel ahaan taageero naga heli maayo, laakiin waa laga yaabaa in tixgelin la siiyo haddii uu ragga la mid noqdo oo uu ka dhex baxo Maaliyadda uu ku loofarayo, si caadiyana u soo tartamo\u201d<\/h2>\n<h2>Cismaan Aw Muxumed (Buur-Madow) oo la su\u2019aalay sida uu xal u arko isla-markaana uu ku badbaadi karo xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay \u201cXilli doorasho lama gaadhin, haddii aanu Madaxwaynuhu wax ka qaban wasiirradiisan ololaha ka dul bilaabay oo aanu fadhiisin, qarannimadu jiri mayso, laakiin Madaxwaynaha ayaana laga rabaa inuu qarannimada iyo xisbigaba ka badbaadiyo wasiirradiisan hantidii qaranka ku boolatiigaya ee xisbigiina gacantooda ku burburinaya\u201d ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray, isaga oo ka jawaabaya su\u2019aal u dhignayd in sababta uu Madaxwaynuhu arrinkan wax uga qaban la\u2019yahay tahay dimuqraadiyadda oo la kobcinayo \u201cWaxaan qabaa in musuqmaasuq la korinayo ee ma qabo in dimuqraadiyad la korinayo, dimuqraadiyadda ma waxa lagu korinayaa hantida ummada oo lagu boolatiigo, taasi dimuqraadiyad maaha ee way ka soo horjeeddaa, xisbinimada ayay ka soo horjeeddaa oo waa musuqmaasuq. Waxaanan qabaa inay ahayd in Maxkamad la saaro (Cidda waxaa wadda), arrinkaasina dimuqraadiyad maaha ee waxaan qabaa inay tahay ceebtii ugu weynayd ee dileysay Sharaftii uu Madaxwaynuhu ka kasbanayey shacabka, haddii aanu deg-deg wax uga qabanin<\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Boqor Cismaan Aw Muxumed Maxamed (Buur-Madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka reer Somaliland, ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Musharaxa Madaxwaynaha KULMIYE ee Mustaqbalka, kaasi oo u dhexeeya Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland. Boqor Cismaan Buur-Madow, waxa uu muranka ka taagan Musharaxnimada Madaxwaynaha ee xisbiga KULMIYE ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":2482,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-2481","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-E1","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2481","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=2481"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2481\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=2481"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=2481"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=2481"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}