{"id":24786,"date":"2016-09-09T18:31:11","date_gmt":"2016-09-09T18:31:11","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=24786"},"modified":"2016-09-09T18:31:11","modified_gmt":"2016-09-09T18:31:11","slug":"salaadiinta-iyo-xidhibaanadu-hadalkooda-ha-ku-daraan-lexejeclo-qaran","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/09\/09\/salaadiinta-iyo-xidhibaanadu-hadalkooda-ha-ku-daraan-lexejeclo-qaran\/","title":{"rendered":"SALAADIINTA IYO XIDHIBAANADU HADALKOODA HA KU DARAAN LEXEJECLO QARAN"},"content":{"rendered":"<p>Sida aan socono dalkan Somaliland waa dal aan haysanin aqoonsi caalami ah,kuna yaala mandaqad amaankeedu qasan yahay,isla markaana isu tashaday oo kasbaday sidii uu u hanan lahaa xasiloonida iyo deganaanshahooda,oo ka fayow waxa ka dhacaya geeska Africa.<\/p>\n<p>Waxa aan ka war qabnaa jidkii dheera ee loo soo maray hanashada nabada iyo kalgacal ku wada noolaanshaha shacbiga Somaliland.Dadaal dheer, isu tanaasul iyo samir badan oo shacbiga walaalaha ah ee Somaliland soo mareen ayay ku timid,mana aha wax lagu dheel dheeli karo maanta, sheekana nagu ah ee waa mid aanu u soo joognay ciddii iyo side loo dejiyay dalku.<\/p>\n<p>Xaqiiqo ahaan way fududahay sida loo abuuri karo amnidarro,laakiin way adag tahay sida loo xasin karo ee loogu soo dabaali karo nabad galyo.<\/p>\n<p>Haddii aan u soo dhaadhaco dulucda qoraalka,waxa aynu ku jirnaa waqti kala guur ah oo dowlada maanta joogta waqtigeedii korodhsiimadu sii gabaabsi yahay,isla markaana ay doorashooyin isasa saarani inagu soo fool leeyihiin,doorashaduna kolayba ay wadato gilgil amni iyo xamaasadba,loona baahan baahan yahay in amniga laga wada shaqeeyo.<\/p>\n<p>Haddaba,waxa maalmahan qabsday indhaha iyo dhegaha shacbiga Somaliland ka hadalka muran-dhuleed u dhexeeya gobolada galbeedka Somaliland,kuwaasi oo ah goobo aanay hore uga dhici jirin diiwaan galin iyo doorasho midnaba.<\/p>\n<p>Waxa shaashadaha Tv yada laga daawanayay Salaadiin iyo xildhibaano aan xaqiiqatan ku hadlaynin luqad aan dalka iyo dadka deegaanadaasi degan midnaba u dan ahayn,oo lagu kala kaxaynayo shacbiga walaalaha ah ee ku wada nool nabada iyo kalgacalka.waxana aan u arkaa in ay yihiin rag afuufaya caroog colaadeed oo lagu wiiqayo wada noolaanshaha shacbiga isku ab iyo isirka ee ilaahay kuwada beeray deegaanadaasi ee ubacdooda is dhex taalo.<\/p>\n<p>Xildhibaanka maanta hadlaya,ee kursiga ku fadhiyay kow iyo tobanka sano ee baylihiyay shuruucdii iyo marjacii loo noqon lahaa,laguna kala bixi lahaa,ee loo igmaday in uu sameeyo,ee maanta ku dhawaaqaya ka kaca iyo weedhaha naxliga ah,ma waxa aynu odhan karnaa dan iyo duco ummadeed ayuu wadaa.<\/p>\n<p>Salaadiinta ayay noqotay, waa kuwii ay ahayd inay samaha ka shaqeeyaan ayaa iyaguna Bigil colaadeed afuufaya,oo leh reer hebel iyo reer hebel ayaa xuduud leh.Xaqiiqadatan qaarkood dhulba kama hadlayaan ee beelo iyo reer<\/p>\n<p>dhulba kama hadlayaan ee beelo iyo reero ilaahay is dhex dhigay ayay leeyihiin way kala xadaysan yihiin.Kala xadayn marka la leeyahay ma dad iyo duunyo ayaa la kala xadeeyaa mise cashuur iyo xuduudo maamul.<\/p>\n<p>Dhanka xukuumada iyo ka go aan gaadhista lixdan goobood ee kala ah Ceel-sheekh,Ceel-la helay,Cabdi Geeddi,Hulka,Bildhaaley,iyo Damasha,waxa aan u arkaa in go aankaasi ahaa mid lagu degdegay,sababta oo ah may ahayn goobo shaqsiyaad leeyihiin,ee waxa ay ahaayeen goobo ay gobolo ku muransan yihiin,waxay ahayd in si balaadhan looga qayb galiyo,lagana talo galiyo badhasaabada gobolada ay khusayso iyo maamulada degmooyinka ku muransan.Waxana arinka lixdan goobood ku haboonaa in laga go aan gaadho iyada oo aanay doorasho iyo diiwaangalin midna taagnayn,laakiin may ahayn in maanta oo doorashooyin soo fool leeyihiin la xasuusto.Sideed sano oo Daahir Rayaale ahaa madaxweyne iyo lixdan sano ee xukuumadanba way xayirnaayeen.<\/p>\n<p>Dhanka kale marka la leeyahay xeerkii lixdankii ayaa kala hagaya xuduudaha,waxa muuqata in dhinacyadii hadlayay ay labaduba cuskanayeen xeerkaasi lixdankii,waxa aan ognahay in haddii lagu dhaqmayo xeerkaasi in aan ciddina cid ku xadgudubteen lana murmeen<\/p>\n<p>Imika iyo haatan,maadaama ay xisbiyada,komishanka doorashooyinka iyo xukuumadu isla gaadheen in laga qabto diiwaangalinta,waxa loo baahan yahay in xukuumadu qaato talaabo isku soo jiidis,turxaan bixin iyo ka qayb galin cid kasta oo ay khusayso oo ka soo kala jeeda deegaanadaasi.Maaha in loo maro awood iyo ku tagrifal xoog dowli ah,waa in iyada oo laga wada raali yahay ay qabsoontaa,haddii kale sidoodii loo daayaa.Mana aha arin kaliya khusaysa xisbiyada qaran.<\/p>\n<p>Salaadiinta balaayada afuufayana waa in ay wasaarada daakhiligu u sheegtaa in aanay ka hadli karin saxaafada,loogana yeedhaa arimaha gudaha oo ninkii ka hadlayaa uu miiska soo fadhiistaa,loona sheego in aan dad la kala xadaynin.<\/p>\n<p>Waxana aan u soo jeedinayaa xukuumada iyo hayadaha amniga in aanay dhayalsan arinkan,oon cid dano kale lihi aanay adeegsanin shacbiga,waana in ugu horeyn loo yeedho salaadiinta labada dhinac ee hanjabaya,miiska la soo fadhiisiyo loona sheego doorka ay ku leeyihiin arinkani in uu yahay kaliya ka shaqaynta amniga iyo ixtiraamka sharciga dalka u yaala.<\/p>\n<p>Salaadiinta iyo xildhibaanadu ha lexejeclo hadlaan,mana aha in aya talax tagaan oo ay ag maraan danta qarankan yagleelka ah.<\/p>\n<p><strong>Ahmed Mohamed-dahir Osman.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Gabiley.<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sida aan socono dalkan Somaliland waa dal aan haysanin aqoonsi caalami ah,kuna yaala mandaqad amaankeedu qasan yahay,isla markaana isu tashaday oo kasbaday sidii uu u hanan lahaa xasiloonida iyo deganaanshahooda,oo ka fayow waxa ka dhacaya geeska Africa. Waxa aan ka war qabnaa jidkii dheera ee loo soo maray hanashada nabada iyo kalgacal ku wada noolaanshaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":24788,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":true,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[5],"tags":[],"class_list":["post-24786","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-aragtidda-dadweynaha"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6rM","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24786","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24786"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24786\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24786"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24786"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24786"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}