{"id":24637,"date":"2016-09-06T19:46:34","date_gmt":"2016-09-06T19:46:34","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=24637"},"modified":"2016-09-06T19:46:34","modified_gmt":"2016-09-06T19:46:34","slug":"deg-deg-akhriso-madaxweyne-xasan-sheekh-oo-wareegto-aan-caadi-aheyn-ka-soo-saaray-doorashada-iyo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/09\/06\/deg-deg-akhriso-madaxweyne-xasan-sheekh-oo-wareegto-aan-caadi-aheyn-ka-soo-saaray-doorashada-iyo\/","title":{"rendered":"DEG DEG: Akhriso Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wareegto Aan Caadi aheyn ka soo Saaray Doorashada iyo\u2026.."},"content":{"rendered":"<p align=\"left\">Muqdisho(<strong>Arabsiyo News<\/strong>)\u2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo saaray wareegto ku saabsan habraaca shaqada dowladda ee waqtiyada doorashada.<\/p>\n<p align=\"left\">Wareegtadan aya khuseysa sidii loo ilaalin lahaa hannaanka iyo geedi socodka doorashooyinka, iyadoo la isku diyaarinayo doorashada xildhibaanada labada aqal iyo doorashada Madaxweynaha.<\/p>\n<p align=\"left\">Sida ku xusan Dastuurka KMG ee dalka, Madaxweynuhu waa ilaaliyaha midnimada iyo shuruucda waddanka, sidaa darteed iyadoo taasi la eegayo, isla markaana uu Madaxweynuhu tixgelinayo go\u2019aankii Madasha Hoggaanka Qarankaee 9-kii bishii August, 2016 ayaa waxaa uu soo saaray awaamiirta soo socota:<\/p>\n<p align=\"left\">1)\u2014Laga billaabo maalinta ay taariikhda ku beegan tahay 5-ta September, 2016, iyadoo hawl maalmeedka dowladda ee ah u adeegidda shacabka sidii caadiga ahayd loo wadayo, ayaa haddana waxaa la joojiyay:<\/p>\n<p align=\"left\">a)\u2014Magacaabista ama shaqo ka joojinta jagooyinka sare ee dowladda iyo dallacsiinta saraakiisha Ciidammada Qalabka Sida.<\/p>\n<p align=\"left\">b)\u2014 Lama bedeli karo qaab dhismeedka hadda jira ee hay\u2019adaha dowladda oo dhan.<\/p>\n<div class=\"ezAdsense adsense adsense-midtext\"><\/div>\n<p align=\"left\">c)\u2014 Lama bixin karo kharajyada aan ku jirin habraaca miisaaniyadda 2016, marka laga reebo kharajka boqolkiiba afartan ah (40%) oo dowladda kaga soo aadday kabista dhaqaalaha doorashooyinka iyo kharajyadii kale ee lagama maarmaan loogu arko habsami u socodka hawlaha dowladda.<\/p>\n<p align=\"left\">d)\u2014 Lama geli karo heshiisyo iyo qandaraasyo cusub oo aan ka ahayn kuwii horay u socday. Sidoo kale lama geli karo ballanqaadyo kharash la xiriira.<\/p>\n<p align=\"left\">2)\u2014Awaamiirtan ma khuseyn doonto hawlaha ay fulintooda socdeen intii ka horeysay 05\/09\/2016 (Shanta September).<\/p>\n<p align=\"left\">3)\u2014Awaamiirtan waxay socon doontaa ilaa 5-ta November 2016.<\/p>\n<p align=\"left\">4)\u2014Waxaa dhammaan hay\u2019adaha fulinta ee dowladda ee wareegtadan loo gudbiyay la farayaa inay awaamiirtan dhaqan-geliyaaan, iyagoo tixgelinaya marxaladda lagu jiro iyo hannaanka geedi socodka doorashooyinka.<\/p>\n<p align=\"left\">\u2014\u2014\u2014\u2014\u2014\u2014\u2014-DHAMMAAD\u2014\u2014\u2014\u2014\u2014\u2014\u2014\u2014\u2014\u2014<\/p>\n<p align=\"left\">Daud Aweis<br \/>\nAfhayeenka Madaxtooyada<br \/>\nJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya<br \/>\nEmail: daweis@presidency.gov.so<br \/>\nwww.villasomalia.gov.so<\/p>\n<div class=\"ezAdsense adsense adsense-leadout\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(Arabsiyo News)\u2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo saaray wareegto ku saabsan habraaca shaqada dowladda ee waqtiyada doorashada. Wareegtadan aya khuseysa sidii loo ilaalin lahaa hannaanka iyo geedi socodka doorashooyinka, iyadoo la isku diyaarinayo doorashada xildhibaanada labada aqal iyo doorashada Madaxweynaha. Sida ku xusan Dastuurka KMG ee dalka, Madaxweynuhu waa ilaaliyaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":2965,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-24637","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6pn","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24637","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24637"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24637\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24637"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24637"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24637"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}