{"id":24254,"date":"2016-08-30T11:30:35","date_gmt":"2016-08-30T11:30:35","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=24254"},"modified":"2016-08-30T11:30:35","modified_gmt":"2016-08-30T11:30:35","slug":"madaxwayne-siilaanyo-oo-dhabaal-tacsi-udiray-qoyskii-iyo-shacbiga-somaliland-ee-uu-ka-baxay-alle-haw-naxariistee-marxuum-maxamed-faarax-xirsi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/08\/30\/madaxwayne-siilaanyo-oo-dhabaal-tacsi-udiray-qoyskii-iyo-shacbiga-somaliland-ee-uu-ka-baxay-alle-haw-naxariistee-marxuum-maxamed-faarax-xirsi\/","title":{"rendered":"Madaxwayne Siilaanyo oo dhabaal tacsi  udiray Qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay  Alle haw naxariistee Marxuum Maxamed Faarax Xirsi"},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, ehelkii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay \u00a0Alle haw naxariistee Marxuum Maxamed Faarax Xirsi oo ku geeriyooday 29,08, 2016 Magaalada Hargeysa, Marxuumka oo ahaa Agaasimihii guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa markii uu shaqada ka baxay maanta oo Isniin ah waxa wadnaha kaga soo booday xanuun degdega kaasoo sabab u noqday geerida marxuumka.<\/p>\n<p>Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay masuul ka baxay qaranka iyo shacbiga Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay halgankii dib u xoraynta dalka iyo nabad kuwada noolaanshaha bulshada Somaliland ku dhaqan, \u00a0mudadii uu xilka qaranka hayeyna ku suntanaa karti, dedaal iyo daacadnimo, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii talada dalka u kala \u00a0dambeeyey, waxanu ka mid ahaa aas-aasayaashii xisbiga talada haya ee Kulmiye.<\/p>\n<p>Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN<br \/>\nNaasir Yuusuf\u00a0 Daahir<br \/>\nXoghayaha Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, ehelkii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay \u00a0Alle haw naxariistee Marxuum Maxamed Faarax Xirsi oo ku geeriyooday 29,08, 2016 Magaalada Hargeysa, Marxuumka oo ahaa Agaasimihii guud [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":24255,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-24254","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6jc","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24254","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24254"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24254\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24254"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24254"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24254"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}