{"id":24243,"date":"2016-08-30T10:48:53","date_gmt":"2016-08-30T10:48:53","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=24243"},"modified":"2016-08-30T10:48:53","modified_gmt":"2016-08-30T10:48:53","slug":"dib-u-dhac-ku-yimaada-doorashooyinku-wuxuu-dhaawacayaa-sumcada-somaliland-safiirka-ingiriiska-u-qaabilsan-somaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/08\/30\/dib-u-dhac-ku-yimaada-doorashooyinku-wuxuu-dhaawacayaa-sumcada-somaliland-safiirka-ingiriiska-u-qaabilsan-somaliya\/","title":{"rendered":"\u201cDIB U DHAC KU YIMAADA DOORASHOOYINKU WUXUU DHAAWACAYAA SUMCADA SOMALILAND\u201d SAFIIRKA INGIRIISKA U QAABILSAN SOMALIYA"},"content":{"rendered":"<div class=\"post-body entry-content\">\n<p>Hargeysa <strong><em>(Arabsiyo-News):-<\/em><\/strong>\u00a0 Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaliya danjire Harriet Mathews, ayaa shir jaraa\u2019id oo ay Hargeysa shalay saxaafadda ugu qabatay waxay ku sheegtay in Ingiriisku taageerayo nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, balse\u00a0 dib u dhac ku yimaada doorashooyinku dhaawacayso sumcada Somaliland ee dimuqraadiyadda.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-31221 aligncenter\" src=\"http:\/\/i2.wp.com\/ilaysnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/CKWu4UpUYAALZlz.jpg?resize=401%2C267\" sizes=\"auto, (max-width: 401px) 100vw, 401px\" srcset=\"http:\/\/i2.wp.com\/ilaysnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/CKWu4UpUYAALZlz.jpg?w=600 600w, http:\/\/i2.wp.com\/ilaysnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/CKWu4UpUYAALZlz.jpg?resize=300%2C200 300w\" alt=\"CKWu4UpUYAALZlz\" width=\"401\" height=\"267\" \/><\/p>\n<\/div>\n<p>Danjire Harriet, waxay sheegtay in shalay oo ay Hargeysa timid ay kulamo la yeelatay xubno wasiiro ah, guddoomiyaha maxkamadda sare oo ay kala hadashay arrimo ay ka mid yihiin xeerka saxaafadda iyo xorriyadda saxaafaddaba, iyadoo sheegtay inay maanta kulan la yeelan doonto Madaxweyne Siilaanyo.<\/p>\n<p>Danjire Harriet oo ka jawaabaysa su\u2019aal laga weydiiyay in masuuliyiinta ay la kulantay kala hadashay xorriyadda saxaafadda, waxay sheegtay inay wasiirka arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha maxkamadda sareba kala hadashay xeerka saxaafadda iyo weliba damaanad qaadka xorriyadda saxafadda.<\/p>\n<p>Mar wax laga weydiiyay suurtogalnimada dib u dhac ku yimaada doorashada baarlamaanka oo ay tahay in mar la wada qabto doorashada madaxtooyada bisha March ee sannadka dambe iyo mawqifka Ingiriiska, waxay sheegtay in dib u dhac kale oo ku yimaada doorashooyinku uu wiiqayo sumcadda Somaliland ee caalamka,<\/p>\n<p>\u201cIngiriisku mawqif cad ayuu ka leeyahay arrimaha doorashooyinka. Dib u dhac ku yimaada doorashooyinku wuxuu dhaawacayaa kalsoonida iyo sumcadda Somaliland. Jaaliyadda dibadda oo aan London kula kulmay laftoodu waxay ii sheegeen inaanay doonayn inay doorashadu dib u dhacdo.\u201d ayay tidhi safiiradu.<\/p>\n<p>Waxay danjiruhu soo jeedisay in mar la wada qabto doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanka sidii lagu heshiiyay, \u201cMawqifkayagu aad buu u cadyahay. Balan ayaa la galay ahayd in\u00a0 doorashooyinka mar la wada qaban doono, waxaanan ugu baaqayaa dawladda Somaliland in laga dhabeeyo go\u2019aankaas oo laga shaqeeyo.\u201d ayay tidhi.<\/p>\n<p>Waxay sheegtay inay aragtay walaacyo laga qabo in doorashada baarlamaanku dib ugu dhacdo saami qaybsiga dartii, waxase ay sheegtay inuu yahay mawduuc laga shaqayn karo haddii la dedaalo, waxaanay soo jeedisay in doorashada oo dib loo dhigo aan loo arag xalka saami qaybsiga.<\/p>\n<p><strong><em>Source:- Geeska<\/em><\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo-News):-\u00a0 Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaliya danjire Harriet Mathews, ayaa shir jaraa\u2019id oo ay Hargeysa shalay saxaafadda ugu qabatay waxay ku sheegtay in Ingiriisku taageerayo nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, balse\u00a0 dib u dhac ku yimaada doorashooyinku dhaawacayso sumcada Somaliland ee dimuqraadiyadda. Danjire Harriet, waxay sheegtay in shalay oo ay Hargeysa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":24244,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-24243","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6j1","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24243","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24243"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24243\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24243"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24243"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24243"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}