{"id":24178,"date":"2016-08-27T17:24:05","date_gmt":"2016-08-27T17:24:05","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=24178"},"modified":"2016-08-27T17:24:05","modified_gmt":"2016-08-27T17:24:05","slug":"hoggaanka-xisbibga-kulmiye-oo-ka-qaybgalay-wanqasha-degmada-cusub-ee-gumburaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/08\/27\/hoggaanka-xisbibga-kulmiye-oo-ka-qaybgalay-wanqasha-degmada-cusub-ee-gumburaha\/","title":{"rendered":"Hoggaanka Xisbibga KULMIYE oo ka Qaybgalay Wanqasha Degmada cusub ee  Gumburaha"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN)- Hoggaanka sare ee xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE,<br \/>\nayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey wanqasha degmada<br \/>\ncusub ee Gumburaha ee gobolka Hawd oo ka mid ah degmooyin cuusb oo uu<br \/>\ndhawaan magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed<br \/>\nMaxamed Maxamuud (Siilaanyo).<br \/>\nWefti KULMIYE ka tirsan oo uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka<br \/>\nkoowaad ee xisbigaas Md. Maxamed Kaahin Axmed, is markaana ay xubno ka<br \/>\nahaayeen Xoghayaha Guud Md. Xasan Siciid Yuusuf, hoggaanka garabyada<br \/>\nhaweenka ee heer qaran iyo heer gobol iyo weliba saraakiil kale oo<br \/>\nxisbiga ka mid ah, ayaa ka qaybgalay xafladda Wanshaha Gumburaha oo ka<br \/>\ndhacday goob si qurux badan looga asteeyey degmadaasi maanta, iyadoo<br \/>\nmasuuliyiinta xisbiga iyo wasiirro badan oo ka tirsan Golaha Wasiirrada<br \/>\nXukuumadda oo ka qaybgalay wanshaqa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey<br \/>\nmadasha, kuwaas oo khubado ay halkaas ka jeediyeen oo soo jiitay<br \/>\ndadweynaha deegaanka kaga warramay taariikh iyo weliba muhiimada ay<br \/>\ndegmada cusubi leedahay.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/DSC_0002.JPG_005.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-24179\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/DSC_0002.JPG_005.jpg?resize=633%2C422\" alt=\"DSC_0002.JPG_005\" width=\"633\" height=\"422\" \/><\/a><br \/>\nXoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf oo hadal ka<br \/>\njeediyey xafladda, ayaa dardaaran dhaxalgal ah ujeediyey shacabka ku<br \/>\ndhaqan degmada cusub ee Gumburaha, waxaannu ku adkeeyey inay ka<br \/>\nshaqeeyaan dhismaha iyo weliba horumarinta degmada, \u201cDegmooyinka ujeeddo<br \/>\ngaar ah baa loo saameeyaa, sababta ay dadkii u soo halgamay hawsheeda u<br \/>\nwadeen waxay ahayd inay kor-u-qaado mujtaca halkan deggen dhinacyada<br \/>\nwaxbarashada, biyaha iyo caafimaadkaba. Haatan waxa la idinka rabaa in<br \/>\ndegmada la wada dhisto oo la derdergeliyo, maadaama dhawaan la<br \/>\nxisaabtami doono marka kala xadaynta degmooyinka iyo gobollada la<br \/>\nsameeyo,\u201d ayuu yidhi Xasan Siciid Yuusuf.<br \/>\nGuddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin<br \/>\nAxmed oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday taariikhda<br \/>\ndegmada Gumburaha leedahay, isagoo si gaar ahna uga sheekeeyey taariikho<br \/>\nhore ay degmada goob-joog uga ahaa xilliyadii halgankii hubaysnaa ee SNM<br \/>\nlagu jirey oo ay ka mid ahayd talisyadii ciidamadu fadhiyi jireen,<br \/>\nwaxaannu yidhi, \u201cAnigu waxaan ahay ninka ugu xiga degmada cusub ee<br \/>\nGumburaha, geedkan innagu dheggenina waa taliskaygii guud ee ciidamada<br \/>\nSNM, waxaan hubaa inay tahay magaalo istaahisha in degmo laga dhigo oo<br \/>\nweliba aan is-leeyahay waa lagala soo daahay, haddiise degmo laga dhigay<br \/>\nwaxaan aaminsanahay inay noqonayso degmo dhismaysa oo horumaraysa, waayo<br \/>\nwaxaan garanayaa oo ku qiimaynayaa ficilka dadka halkan deggen oo aannu<br \/>\nxilliyo adag halkan la deggenayn.\u201d<br \/>\nMd. Maxamed Kaahin waxa kaloo uu si gaar ah uga hadlay shacabka ku<br \/>\ndhaqan degmada Gumburaha oo uu ku tilmaamay qaar xilkas ah, waxaanu<br \/>\nsheegay inay farxad gaar ah u tahay inuu wanqasha degmadii xilligii<br \/>\nhalganka fadhiisinka u ahayd maanta goob joog u ahaado,\u201cMagaaladani<br \/>\nwaxay leedahay odayaal iyo waayeel xilkas ah oo hoggaamin leh, waxay<br \/>\nleedahay shicib aad iyo aad u wanaagsan, waana dad aad iyo aad u<br \/>\ndeeqsiyaal ah, waxaana sharaf weyn ii ah in anigoo jabhad halkan ku<br \/>\njoogay inaan maantana goob-joog ahaado in Gumburaha loo magacaabay<br \/>\ndegmo,\u201d ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.<br \/>\nGuddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Md Maxamed Kaahin,<br \/>\nwaxa uu halkaas kaga dhawaaqay deeq lacageed oo Toban kun oo dollar ah<br \/>\noo uu xisbiga KULMIYE Kaga qaybqaadanayo horumarka degmada cusub ee<br \/>\nGumburuha, \u201cWaxaannu qorshaynay inaannu maanta Guddoomiyaha guddida<br \/>\nBeesha halkan degen ku wareejinno lacag dhan Toban Kun oo Dollar<br \/>\n($10,000), wixii kale ee baahiyaheeda ah waanu la socon doonaa,\u201d ayuu<br \/>\nyidhi Md. Maxamed Kaahin, waxaanna markii uu hadalkaasi ku dhawaaqa is<br \/>\nqabsaday sacab iyo mashxarad ay isla oogsadeen shacabkii madasha joogay,<br \/>\niyadoo shacabka deegaanku garwaaqsadeen sida hagar la\u2019aanta ah ee<br \/>\nxisbal-xaakimku u garab taagan yahay deegaankaasi, isla markaana ay<br \/>\niyaguna u taageersan yihiin.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyo.net<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN)- Hoggaanka sare ee xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey wanqasha degmada cusub ee Gumburaha ee gobolka Hawd oo ka mid ah degmooyin cuusb oo uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Wefti KULMIYE ka tirsan oo uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbigaas Md. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":24179,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-24178","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6hY","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24178","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24178"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24178\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24178"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24178"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24178"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}