{"id":24088,"date":"2016-08-25T14:04:51","date_gmt":"2016-08-25T14:04:51","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=24088"},"modified":"2016-08-25T14:04:51","modified_gmt":"2016-08-25T14:04:51","slug":"reer-oodweyne-oo-roog-cas-iyo-taageero-ballaadhan-ku-qaabilay-murrashaxa-madaxweynaha-kulmiye","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/08\/25\/reer-oodweyne-oo-roog-cas-iyo-taageero-ballaadhan-ku-qaabilay-murrashaxa-madaxweynaha-kulmiye\/","title":{"rendered":"Reer Oodweyne oo Roog-cas iyo Taageero Ballaadhan ku Qaabilay Murashaxa Madaxweynaha KULMIYE"},"content":{"rendered":"<p>Oodwayne (Arabsiyo News )- Dadweynaha Gobolka Daad-madheedh ee Somaliland, ayaa<br \/>\ntaageero aad u ballaadhan oo aan loo kala hadhin iyo roog-cas ku<br \/>\nqaabilay Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha Md.<br \/>\nMuuse Biixi Cabdi.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/Arabsiyo-News.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-24089\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/Arabsiyo-News.jpg?resize=696%2C463\" alt=\"Arabsiyo News\" width=\"696\" height=\"463\" \/><\/a><br \/>\nGuddoomiyaha KULMIYE iyo wefti ballaadhan oo ka kooban xisbiga iyo<br \/>\nwasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo booqasho ku tagay<br \/>\nGobolka Daad-madheedh maanta, ayaa si layaab leh loogu soo dhaweeyey<br \/>\nmagaalada Oodweyne ee xarunta gobolka iyo tuulooyinka Ceel-same iyo<br \/>\nCeel-bilcille, iyadoo boqolaal dadweyne ah oo ka kooban dhammaan qaybaha<br \/>\nkala duwan ee bulshada oo lulaya calamada Qaranka iyo ka xisbiga KULMIYE<br \/>\niyo caleemo-qoyan ay ku soo dhaweeyeen weftiga murrashax Muuse Biixi<br \/>\nCabdi, isla markaana waxay caddeeyeen sida ay u taageersan yihiin<br \/>\nxisbal-xaakimka iyo xukuumaddiisa oo waxqabad miisaan leh u hirgalisay.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/Muuse-Biixi-Arabsiyo-News.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-24090\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/Muuse-Biixi-Arabsiyo-News.jpg?resize=696%2C463\" alt=\"Muuse Biixi Arabsiyo News\" width=\"696\" height=\"463\" \/><\/a><br \/>\nGuddoomiyaha iyo weftigiisa oo ka ambabaxay magaalada Burco ee xarunta<br \/>\nGobolka Togdheer oo ay u hoydeen habeenimadii u dambeeyey, kadib markii<br \/>\nuu ka soo laabtay Gobollada Sool, Saraar iyo deegaamo ka mid ah<br \/>\nBuuhoodle oo uu u tagay dardargelinta hawlaha diiwaangelinta, waxa<br \/>\nsocdaal ujeeddadiisu tahay qaabilaadda xildhibaanno ka tirsan Golaha<br \/>\nDeegaanka Oodweyne oo ku biiray xisbiga iyo xogogaal-u-noqoshada<br \/>\nmashaariic dhammaaday iyo kuwo socda oo xukuumaddu hirgelisay ku gaadhay<br \/>\nGobolka Daad-madheedh, halkaas oo dadka ku nool rag, dumar da\u2019 walba leh<br \/>\niyo masuuliyiinba aanay u kala hadhin soo dhawayntooda.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/Roog-cas-Oodwayne-Muuse-Biixi-Abdifataah-Giryaad.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-24091\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/Roog-cas-Oodwayne-Muuse-Biixi-Abdifataah-Giryaad.jpg?resize=696%2C463\" alt=\"Roog cas Oodwayne Muuse Biixi Abdifataah Giryaad\" width=\"696\" height=\"463\" \/><\/a><br \/>\nSoo dhawaynta weftiga oo miisaankeeda u wayni ahaa xarunta Gobolka ee<br \/>\nOodweyne oo boqolaal shacab ahi kaga hortageen duleedka bari ee<br \/>\nmagaalada kadib waxa weftiga loo galbiyey gudaha magaalada oo loogu<br \/>\ndiyaariyey goob fagaare ah oo si bilicsan loo sameeyey, halkaas oo la<br \/>\ndhigay roog-cas oo labada dhinacna lagaga meegaaray calanka xisbiga<br \/>\nKULMIYE oo si gaar ah loogu dhigay Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada<br \/>\nMadaxweynaha xisbal-xaakimka Md. Muuse Biixi Cabdi.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/OOdwayne-Muuse-Biixi.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-24092\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/OOdwayne-Muuse-Biixi.jpg?resize=696%2C463\" alt=\"OOdwayne Muuse Biixi\" width=\"696\" height=\"463\" \/><\/a><br \/>\nMaayarka degmada Oodweyne Md. Cabdixakiim Nuur Muuse oo isaga afar<br \/>\nxildhibaan oo kale ay halkaasi kaga dhawaaqeen inay si rasmi ah ugu<br \/>\nbiireen xisbiga KULMIYE, ayaa reer Oodweyne uga mahadceliyey sida<br \/>\ndiirran ee ay u soo dhaweeyeen madaxda xisbal-xaakimka iyo xukuumadda.<br \/>\n\u201cReer Oodweynow baahideenna u wayni waxay ahayd biyaha, waxay<br \/>\nballanteenu hore waxay u ahayd in ciddii biyo inoo keenta aynu wada<br \/>\nraacno, haddaba halkan waxaan ka caddaynayaa Guddoomiye waad ka soo<br \/>\nbaxday ballantii aad maalintii hore ee aad noo timi noo qaaday ee biyaha<br \/>\nahayd, markaa aniga iyo reer Oodweynaba waxaannu ku leenahay waxaannu<br \/>\nnahay KULMIYE weliba mid dhab ah,\u201d ayuu yidhi Maayarka Oodweyne.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/Arabsiyonews.com-MUUSE-BIIXI.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-24094\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/Arabsiyonews.com-MUUSE-BIIXI.jpg?resize=696%2C463\" alt=\"Arabsiyonews.com MUUSE BIIXI\" width=\"696\" height=\"463\" \/><\/a><br \/>\nChief Caaqil Cumar Xuseen, Caaqil Cabdixakiim Cabdillaahi, Caaqil Muuse<br \/>\nQuulle iyo ganacsade Daahir Geeljire iyo xubnaha xildhibaannada<br \/>\ndeegaanka ee ku biiray KULMIYE oo khudbado ka jeediyey madashaasi, ayaa<br \/>\nsi cad u sheegay inay taageero buuxda ay u hayaan xisbiga iyo<br \/>\nmurrashaxiisa madaxtinimada oo ay ku tilmaameen qof keliya ee ay u<br \/>\narkaan in lagu aamini karo hoggaaminta Qaranka.<br \/>\n\u201cGuddoomiyaha KULMIYE waxaannu leenahay Muusow abti baanu kuu nahay,<br \/>\nhalkanina waa gobolkii abtiyaashaa, waxaannu kuu sheegaynaa innamada<br \/>\naannu abtiga u nahay waanu jecelnahay, waa halkii aannu ka<br \/>\ncaleemo-saarnay Ina Cigaal, adiguna maanta ha naga baqan ee soo dhawaw.\u201d<br \/>\nSidaas waxa yidhi Caaqil Cabdixakiim Cabdillaahi.<br \/>\nSidoo kale, Badhasaabka Gobolka Daad-madheedh Md. Farxaan Xasan Cabdi,<br \/>\nWasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta iyo Deegaanka \u2013 Md. Cismaan<br \/>\nCabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil<br \/>\nBaandare, Wasiiru-dawlaha Wasaaradaha Macdanta Md. Cabdiraxmaan Axmed<br \/>\nIsmaaciil iyo Wasiir-ku-xigeennada Gaashaandhigga iyo Warshadaha \u2013<br \/>\nMaxamuud Warsame Jaamac iyo Yuusuf Cismaan Garas iyo weliba Agaasimaha<br \/>\nGuud ee Warfaafinta Md. Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), ayaa iyaguna ka<br \/>\nmahadceliyey soo dhawaynta bulshada gobolku ku qaabishay weftiga xisbiga<br \/>\nKULMIYE, waxaanay uga warrameen horumarka iyo waxqabadyada adeegyada<br \/>\nmuhiimka ah ee xukuumaddu ka hirgelisay gobolka, kuwa socda iyo inta<br \/>\nqorshaha dhaw ku jirtaba, sidaasi darteedna waxa kula taliyeen<br \/>\ndadweynaha inay qiimeeyaan oo ay ku kala doortaan xisbiyada siyaasadda<br \/>\nwaxqabadka.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/Arabsiyo-news-Safarkii-Muse-Biix.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-24095\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/Arabsiyo-news-Safarkii-Muse-Biix.jpg?resize=696%2C463\" alt=\"Arabsiyo news Safarkii Muse Biix\" width=\"696\" height=\"463\" \/><\/a><br \/>\nDhinaca kale, waxa halkaasi khudbado ka jeediyey Guddoomiye-ku-xigeenka<br \/>\nkowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad<br \/>\nAxmed Cabdi Dheere, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Jaamac<br \/>\nIsmaaciil Cige (Shabeel), Afhayeenka xisbiga Xasan Maxamed Cali<br \/>\n(Gaadhaafi) iyo weliba Xildhibaan Saleebaan Cali Cawad (Bukhaari) oo ka<br \/>\ntirsan Golaha Wakiillada iyo Xildhibaan Xasan Shahar oo ka mid ah Golaha<br \/>\nDeegaanka Hargeysa, waxaanay si dareen farxadeed ku jirto uga<br \/>\nmahadceliyeen soo dhawaynta wayn iyo taageerada qalbi-furnaantu ku<br \/>\ndheehantahay ee ay u sameeyeen reer Daad-madheedh.<br \/>\nUgu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada<br \/>\nMadaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad uu ku soo<br \/>\nxidhay oo xafladdaasi, ayaa si aad uga mahadceliyey soo dhawaynta loo<br \/>\nsameeyey ee ka sakow isu-soo-baxa shacabka ay ku ladhnaayeen roogga-cas<br \/>\nee loo dhigay, Caano Geel, Salool iyo casuumad cunto ballaadhan oo lagu<br \/>\nsooryeeyay iyo hablo xidhan dharka subeeciyadda oo qaabilay.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/thumbnail_DSC_3250_026.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-24096\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/thumbnail_DSC_3250_026.jpg?resize=696%2C463\" alt=\"thumbnail_DSC_3250_026\" width=\"696\" height=\"463\" \/><\/a><br \/>\nMd. Muuse Biixi waxa kaloo uu ka hadlay wada lahaanshaha Qaranka<br \/>\nSomaliland iyo sida aannu u saamaynayn tartanka ka dhexeeya xisbiyada<br \/>\nsiyaasadda dalka, waxaannu yidhi, \u201cDawladnimada iyo tartanka labada<br \/>\nQarankaa wada leh oo dastuurkaa dhigaya, marka la tartamayo waxaynu<br \/>\nnahay walaalo tartamaya, xisbiyaduna waa wada xisbiyo Qaran oo nin<br \/>\nwaliba waxa uu dadka soo hordhigayaa waxaasaan qabanayaa oo hebel<br \/>\nwaxaasaan kaga duwannahay oo qaranka anigaa u qabanayaa, xisbi qolo ahi<br \/>\nma jiro mid qolo wax ku doonayaana ma jiro, waayo xeerkeenuna ma<br \/>\ndhigayo, caqliyadna maaha ee waa in aynu ka kornaa oo aynu heer qaran u<br \/>\ntartanaa. Markaa waan raacsanahay in xisbiyada Qaranku cid walba u<br \/>\nsharraxan yihiin oo magaalooyinka iyo dalka u siman yihiin oo midna<br \/>\naannu qolo ahayn ee dhammaan reer Somaliland uu wada yahay oo bari iyo<br \/>\ngalbeed xisbiyadu u siman yihiin. Arrinta labaad, marka la tartamo<br \/>\ndawladda dhisantaa dadku wada leeyihiin oo way u wada dhaxaysaa, markay<br \/>\nsaddexda xisbi tartamaan mid baa soo baxaya oo dawladda noqonaya, dadka<br \/>\noo dhami xisbigaa umay codayn ee qayb baa u codaysay, laakiin markay<br \/>\nlabada kale ku raacaan ayey dawlad xalaal oo sharci ah noqonaysaa,<br \/>\nkadibna waa la wada yeeshay ileyn codkii xisbigii guulaystay iyo labadii<br \/>\nkale ayaa la isku darayaaye sidaas ayeynu qaranka ku wada yeelanay.\u201d<br \/>\n\u201cSidaas darteed, lama siyaasadayn karo adeegyada daruuriga ah ee dadku<br \/>\nwada leeyahay sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, ammaanka, booliska<br \/>\niyo wixii la mid ahi ma gali karaan siyaasad ee qof waliba xaq buu u<br \/>\nleeyahay, qaranka ayaanay ka dhexeeyaan ee xisbi xisbi kuma xidhna,<br \/>\nlaakiin xisbiyadu waxay kala leeyihiin anigu fikirkah iyo aragtidaha oo<br \/>\nay ku kala doodaan,\u201d ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/Kulmiye.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-24097\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/Kulmiye.jpg?resize=696%2C463\" alt=\"Kulmiye\" width=\"696\" height=\"463\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Oodwayne (Arabsiyo News )- Dadweynaha Gobolka Daad-madheedh ee Somaliland, ayaa taageero aad u ballaadhan oo aan loo kala hadhin iyo roog-cas ku qaabilay Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi. Guddoomiyaha KULMIYE iyo wefti ballaadhan oo ka kooban xisbiga iyo wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo booqasho ku tagay Gobolka Daad-madheedh [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":24091,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-24088","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6gw","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24088","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24088"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24088\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24088"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24088"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24088"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}