{"id":24,"date":"2014-11-12T06:21:50","date_gmt":"2014-11-12T06:21:50","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=24"},"modified":"2014-11-12T06:21:50","modified_gmt":"2014-11-12T06:21:50","slug":"isbedelka-xadaraada-iyo-xuquuqda-dumarka-qaybtii-3aad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2014\/11\/12\/isbedelka-xadaraada-iyo-xuquuqda-dumarka-qaybtii-3aad\/","title":{"rendered":"Isbedelka xadaraada iyo Xuquuqda Dumarka.. Qaybtii 3aad"},"content":{"rendered":"<p class=\"ecxMsoNormal\">Islaamku wuxu la yimi xaqii oo xambaarsanaa xuquuqda qofka dumari leedahay. Aayadaha quraanka ee Allah (SWT) ku muujiyay xuquuqda gabadha, iyo raga iyo dumarku in ay siman yihiin \u00a0marka laga hadlayo xuquuqda basharka ayaa soo degay.<span id=\"more-3567\"><\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\" align=\"center\"><b><span dir=\"RTL\" lang=\"AR-EG\">\u0642\u0627\u0644 \u062a\u0639\u0627\u0644\u0649: \u201d \u0648\u0627\u0630\u0627 \u0627\u0644\u0645\u0624\u062f\u0629 \u0633\u0626\u0644\u062a\u201d \u0627\u0644\u0633\u0648\u0631\u0629 \u0627\u0644\u062a\u0643\u0648\u064a\u0631 \u0627\u0644\u0627\u064a\u0629 98<\/span><\/b><b><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Kitaabka tafsiirka ee uu qoray Sayid Qudub ee Fi-Dilaal Al-quraan ayaa wuxu yidhi:\u2019 Markii ay dhabowday dib u curashadii basharka, iyagoo qiyaamka iyo akhlaaqdooda ka soo dheeganaya waxyiga samada, ayay gabdhiina heshay sharafteedii. Taasi ayaa keentay inay ehelkeedii jecldaaan oo aanay ku nicin tag -daradeeda, ama culayska dhaqaale ee ay la imnayso gabadhu, sababtuna waa Qiyamku samada waxa uu wax ku miisamaa ruuxda wanaageeda iyo sida uu basharku uu ugu xidhan yahay ALLAAH (SW), sidaas dared ayayna raga iyo dumraku ku sinmeen.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\" align=\"center\">Aayad Quraan ah ayaa lahayd <b>\u201c Ha dilin ubadkiina idinkoo ka baqaya faqri, anaga ayaa arsaqayna idinka iyo iyagaba, dilkooduna waa gef weyn\u201d Israa Aayada 31<sup>aad<\/sup><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Waxay ahayd ayadaha ogasiiska cad ku bixiyay inay habluhu xaq u leeyihiin inay noolaadan sida inamaduba u nool yihiin, waxayna baabiisay jaahiliyadii aaminsanayd inay habluhu ka liitaan kana hooseeyaan raga, iyadoo xagudubkaasi lagu tilmaamay gef weyn.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b>\u201c Aayadaaha ALLAAH (SWT) waxa ka mid ah in nafihiina uu ka abuuray lammaane, si aad ugu xasishaan xageeda, dhexdiinana\u00a0 waxa uu dhexdiina ka yeelay kalagacal iyo naxariis\u201d Surda Ruum Aayada.21<sup>aad<\/sup>.<\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Aayadani waxay cadaysay in raga iyo dumarku yihiin kuwo isku mida kala sarrayn oo aan la kala saari Karin, isku dan ah isna dhamaystiraya, mid welibana kan kale uu wehel u yahay, si aad u wadagtan xasilooni iyo degenaansho.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Aaydu waxay cadaynaysaa sinaanta labada dhinac ee xuquuqda iyo waajibaadka. Dhamaadka Aayaddana kalgacaylka iyo isu naxariisashada \u00a0ayaa ta ka asalka ah ee labada dhinac u dhaxaysa, Kalgacalka iyo naxariistu Waxay iman karaan meel laysu qirsan yahay xuquuqda labada dhinac ka dhaxaysa waana ta aayaddani ku baaqayso, haddii dulmi lagu hayo haweenka oo dhinac walba kaga socdo\u00a0 ma jirayo kalagacal.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Aayad\u00a0 ayaa odhanaysa <b>( Kii sameeya camal wanaagsan lab ha ahaado ama dheddig isagoo muu\u2019min ah wuxuu ku noolan doonnaa nolol wanaagsan,waan ka abaal marin doonnaa abaalkooda sida ugu wanaagsan wixii ay ahaayeen qaar camal falay) <\/b>Suuradda Alnaxal Aayadda 97<sup>aad<\/sup>.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Waxay aayaddani si cad ugu baaqaysaa\u00a0 bashariyadda in labka iyo dheddigu siman yihiin oo aanu jrin mid si gaar ah loo danaynayo,inay ka siman yihiin waajibaadka laga rabo isla markaana ka siman yihiin xuquuqda iyo abaal marintaba, waxa keliya ee lagu qiimaynayaa waa iimaankooda iyo qofku shaqada (camalka) wanaagsan ee uu u qabanayo ALLAAH (SWT) dartii. Taas ayaa ah tan ALLEH (SWT) loogu kala dhow yahay.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Rasuululaahi Muxumedna (SCW) wuxuu Axaadiista ku cadeeyay xuquuqda dumarku leeyihiin :<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b>\u201cWaar dumarkiina u dardaarma kheyrka,\u00a0 taasi oo ah sida wanaagu ku jiro\u201d<\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Waxa kale oo Nebigu (SCW) inoo cadeeyay Xadiis <b>\u201c Ka idiinku kheyrka badani waa kiina ugu hab-dhaqanka wanaagsan xaga Dumarka,<\/b>Nebi Muxumed (SCW) Dumarkiisa wuu u khidmayn jirray weligiina muu dilin, iyadoo taasi ay inoo tahay tusaale wanaagsan oo in lagu daydo mudan.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Sidaas ayaa gabadhii loola simay ninkii xuquuq ahaan ilaa aynu aragno in gabadhu sida raga ay maalintii u bixi karto salaada shan jeer, ayna ka qeyb geli karto salaadda jimcaha, salaadda ciidda si ay kheyrka dhinaceeda uga shaqaysato isla markaana soo dhegaysato waxna ugu darsan karto aqoonta iyo fikradaha muslinku isku weydaarsanayo masaajidda iyo Markasyada Cilmiga.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Hawlaha kalena islaamku wuu ogol yahay inay soo qabsato mar hadaanay taasi waxba u dhimayn shaqadii gurigeed oo ta ugu muhiimsani tahay tarbiyadda Caruurta iyo diyaarinta faca Mustaqbalka (HAI).<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Kitaabka\u00a0\u00a0\u00a0 <span dir=\"RTL\">\u00a0<b><span lang=\"AR-SA\">\u00a0\u00a0( \u0627\u0644\u0648\u062d\u0649 \u0627\u0644\u0645\u062d\u0645\u062f\u0649)<\/span><\/b><\/span>ee\u00a0 uu qoray Caalimka Sh.Maxamed Rida wuxu ku yidhi:\u201d Gabadha waxaanu ku cabbirnay in ay tahay mid ka mid ah ujeedooyinka quraanka kariimka ah. ALLAAH (SW) ha u naxariistee dumarku waxa ay ahaayeeen islaamka ka hor qaar dulman oo la xaqiro oo waliba la addoonsado markaan eegno dhamaan umadaha kala duwan iyo dhamaanba qawaaniinta ay aaminsanaayeenba\u201d.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">\u201cEhlu kitaabka laftooda ayay gabadhu ku hoos dulmanayd ilaa uu islaamku yimi oo Allah (SWT) dhamaystiray diintiisa ka dib markii uu soo saaray nebigii anbiyada lagu khatimay Muxamad<b> (Scw)<\/b>. Markaas ayuu ALAAH (SWT) siiyay qofka dumara dhamanba waxay xuquuq lahayd.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Waxaana lagu caddeeyay kitaabka ALLAAH (SWT) oo uu sharraxayo sunnaha nebigu (SCW) ,xuquuqdaas oo qawl iyo ficilba loo siiyay waxay u dhigantaa ta la siiyay raga marka laga reebo axkaanta ay keensatay dabeecaddu ama waxa ay qofka dumari la gaar tahay iyadoo weliba mar walba si gaar ah loo ilaaliyay oo loogu naxariistay dumarka ilaa uu nebigu (SCW) yidhi<b>\u201d Ma sharfo dumarka ilaa mid wanaagsan mooyee mana xaqiro dumarka ilaa mid liita mooyee<\/b>\u201d,.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Meel wanaagsan ayay diintu dhigtay dumarka, waxaynu ogsoonahay in qofkii ugu horreeyay ee nebiga rumeeyay uu ahaa sawjaddii Nebiga (scw) ALLAAH haka raalli ahaadee Khadiija Bintu Khuwaylad. Waxaanu Quraanku inoo sheegay in nebigu (SCW) la galay dumarka balan ah in ay nebiga la wadaagayaan hawsha iyo dhibaatada dacwadda oo aanay marnaba kaga baxayn hawsha dacwadda iyo faafinta Diinta Islaamka.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Markii quraanka si rasmi ah loogu uruuriyay Musxaf (Kitaab)\u00a0 keliya waxaa loo dhiibay Umul muuminiin (hooyadii Mu\u2019miniinta)\u00a0 Xafsa bilawgii xilligii khaliifkii koowaad Abu-bakar ilaa iyo cahdigii Cismaan Binu Cafaan iyada ayaa haysay kitabka, Kitaabkeedaas ayaana markii dambe la adeegsaday markii Amiir Cismaan Binu cafaan daabacayay kutubtii rasmiga ahayd ee loo qeybinayay waddamada islamka oo ah kan an maanta Akhrisano. Sidaas ayay dumarku sharaf iyo qiime weyn ugu leeyihiin Islaamka dhexdiisa, waxanay ka gaadheen heer ay noqden kuwii ilaalinayay Kitaabka quraanka Kariimka ah.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Kuwani waa qaddarin, qiimayn\u00a0 iyo ahmiyad la siiyay qofka dumara ilaa loo ogolaaday inay gabadhu ka qayb qaadato jihaadka iyo difaaca waddankeeda oo aynu ognahay inuu yahay hawlaha ka ugu culus haddii ay iyadu diyaar u tahay, taasi oo ina tusaysa inay dumarku jago walba qaban karaan marka laga reebo Hogaanka Dalka Ugu Sareeya oo aanay Diintu u ogolayn.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 La soco qaybaha kale\u2026\u2026.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b>\u00a0<\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b>\u00a0<\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b>Erayada Abwaan Hadraawi:<\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b>Badbaado qof doonayow<\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b>Kashaada dareen ku beer<\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b>Dareenka samaa ku beer<\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b>Indhaha dib u soo Muslimi<\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b>ILaahay Dartiis ku eeg<\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b>Daliilka hortaada yaal.<\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b>\u00a0<\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Naciima Cabdi Galiixe<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Kuliyada\u00a0 Barashada\u00a0 Siyaasada\u00a0 Iyo Xidhiidhka Caalamiga\u00a0 Ah Ee Jamacada New Generation University<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Email: naciimagaliixe@gmail.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Islaamku wuxu la yimi xaqii oo xambaarsanaa xuquuqda qofka dumari leedahay. Aayadaha quraanka ee Allah (SWT) ku muujiyay xuquuqda gabadha, iyo raga iyo dumarku in ay siman yihiin \u00a0marka laga hadlayo xuquuqda basharka ayaa soo degay. \u0642\u0627\u0644 \u062a\u0639\u0627\u0644\u0649: \u201d \u0648\u0627\u0630\u0627 \u0627\u0644\u0645\u0624\u062f\u0629 \u0633\u0626\u0644\u062a\u201d \u0627\u0644\u0633\u0648\u0631\u0629 \u0627\u0644\u062a\u0643\u0648\u064a\u0631 \u0627\u0644\u0627\u064a\u0629 98 Kitaabka tafsiirka ee uu qoray Sayid Qudub ee Fi-Dilaal [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":25,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":true,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-24","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-arimaha-bulshada"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-o","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=24"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/24\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=24"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=24"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=24"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}