{"id":23977,"date":"2016-08-22T16:10:57","date_gmt":"2016-08-22T16:10:57","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=23977"},"modified":"2016-08-22T16:10:57","modified_gmt":"2016-08-22T16:10:57","slug":"shacabka-ku-dhaqan-caynaba-oo-isu-soo-bax-ballaadhan-ku-muujiyey-taageeradooda-xisbiga-kulmiye-iyo-taariikhda-ka-dhaxaysa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/08\/22\/shacabka-ku-dhaqan-caynaba-oo-isu-soo-bax-ballaadhan-ku-muujiyey-taageeradooda-xisbiga-kulmiye-iyo-taariikhda-ka-dhaxaysa\/","title":{"rendered":"Shacabka ku Dhaqan Caynaba oo Isu-soo-bax Ballaadhan ku Muujiyey Taageeradooda Xisbiga KULMIYE iyo Taariikhda ka Dhaxaysa"},"content":{"rendered":"<p>Shacabka ku Dhaqan Caynaba oo Isu-soo-bax Ballaadhan ku Muujiyey<br \/>\nTaageeradooda Xisbiga KULMIYE iyo Taariikhda ka Dhaxaysa<br \/>\nCaynaba (ArabsiyoNews)- Shacabka ku dhaqan magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka<br \/>\nSaraar ee Somaliland, ayaa xaqiiyey taageerada ay u hayaan<br \/>\nxisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE iyo taariikhda u<br \/>\ndhaxaysa xisbiga.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/Arabsiyo-News-Abdifataah-giryaad-Muuse-Biixi.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-23978\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/Arabsiyo-News-Abdifataah-giryaad-Muuse-Biixi.jpg?resize=696%2C463\" alt=\"Arabsiyo News Abdifataah giryaad Muuse Biixi\" width=\"696\" height=\"463\" \/><\/a><br \/>\nIsu-soo-bax ballaadhan oo dadweynaha ku dhaqan magaalada Caynaba<br \/>\nsameeyeen maanta ayey soo dhawayn iyo qaabilaad ugu sameeyeen wefti uu<br \/>\nhoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha<br \/>\nee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo safar qayb ah wacyigelinta<br \/>\ndiiwaangelinta codbixiyayaasha u jooga gobollada Sool iyo Saraar oo ay<br \/>\nsi rasmi ah uga furmi doonaan sanaaduuqdoodu berri subax.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/Abdifataah-Giryaad.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-23979\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/Abdifataah-Giryaad.jpg?resize=696%2C463\" alt=\"Abdifataah Giryaad\" width=\"696\" height=\"463\" \/><\/a><br \/>\nSoo dhawayn ay ka qaybgaleen boqolaal dadweyne ah oo isugu soo baxay<br \/>\njidadka magaalada Caynaba oo lulayey calamada Qaranka Jamhuuriyadda iyo<br \/>\nmidka xisbiga KULMIYE, isla markaana ku dhawaaqayey erayo ay ku<br \/>\ntaageerayaan Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi,<br \/>\nayaa markii dambe isugu tagay Fagaaraha Khayriyada ee badhtamaha<br \/>\nmagaalada, halkaas oo Halkaas oo masuuliyiinta iyo madaxda heer gobol<br \/>\niyo degmo kala hadleen.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/Arabsiyo-News-Giryaad.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-23980\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/Arabsiyo-News-Giryaad.jpg?resize=696%2C463\" alt=\"Arabsiyo News Giryaad\" width=\"696\" height=\"463\" \/><\/a><br \/>\nCuqaasha, odayaasha, waxgaradka, aqooyahanka, haweenka iyo dhallinyarada<br \/>\nreer Caynaba oo hadallo ka jeediyey Fagaaraha Khayradda ee loogu<br \/>\nxafladeeyey soo dhawaynta weftiga xisbal-xaakimka Somaliland, ayaa<br \/>\ndhammaantood iska dabamaray taageerada deegaanku u hayo xisbiga iyo<br \/>\nmurrashaxiisa jagada Madaxweynaha oo ay ku tilmaameen nin abaal fara<br \/>\nbadan ku leh dalka iyo dadkaba, isla markaana ah qofka u mudan maanta ee<br \/>\nlagu aamini karo taladiisa.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/Arabsiyo-Media.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-23981\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/Arabsiyo-Media.jpg?resize=696%2C464\" alt=\"Arabsiyo Media\" width=\"696\" height=\"464\" \/><\/a><br \/>\nCuqaasha madasha ka hadashay oo ay ka mid ahaayeen Caaqil Maxamed<br \/>\nDaroor, Caaqil Cali Buraale, Caaqil Kaariye iyo qaar kale, waxay ka<br \/>\nwarrameen taariikhda iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya<br \/>\nxisbiga KULMIYE iyo dadweynaha deegaannada Gobolka Saraar.<br \/>\nGuddoomiyaha Gobolka Saraar Md. Cali Maxamed Faarax, Wasiirka Wasaaradda<br \/>\nDhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Md.<br \/>\nMaxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xasan<br \/>\n(Caga-yare) oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa, kuwaas oo<br \/>\ndhammaantood u jooga Gobolka Saraar hawlaha dardargelinta diiwaangelinta<br \/>\ncodbixiyayaasha, ayaa iyaguna ku bogadiyey bulshada reer Caynaba sida<br \/>\ndiirran ee ay u soo dhaweeyeen weftiga KULMIYE, waxaanay u tibaaxeen<br \/>\nwaxqabadka iyo guulaha xukuumadda xisbigu ka samaysay guud ahaan dalka,<br \/>\ngaar ahaana Gobolka Saraar, sidaasi darteedna loo baahan yahay in<br \/>\nshacabku ku qiimeeyo waxtarkaasi doorashooyinka soo socda.<br \/>\nGuddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo<br \/>\nGuddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cige<br \/>\n(Shabeel), ayaa ka mahadceliyey sida loogu soo dhaweeyey Caynaba,<br \/>\nwaxaanay kula dardaarmeen guud ahaan dadweynaha Gobolka Saraar in aanay<br \/>\nu kala hadhin ka qaybgalka diiwaangelinta.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/Arabsiyo-Giryaad.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-23982\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/Arabsiyo-Giryaad.jpg?resize=696%2C463\" alt=\"Arabsiyo Giryaad\" width=\"696\" height=\"463\" \/><\/a><br \/>\nUgu dambayntii Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha<br \/>\nee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dareen farxadeed ka bixiyey<br \/>\nqaabilaadda iyo taageerada uu kala reer Caynaba, taas oo uu ku macneeyey<br \/>\ngobonimo iyo jacayl lagu yaqaan oo dhexyaal iyaga iyo xisbigiisa.<br \/>\n\u201cXisbiga KULMIYE bulshaynta Bari iyo Galbeedba waa xisbiga midnimada<br \/>\nSomaliland, weliba waxa uu xisbiyada kale dheeryahay waa xisbiga<br \/>\nmideeyey Mujaahidiintii, Daraawiishtii iyo Cawaale Bustaale oo mid<br \/>\nwaliba dhankiisa mujaahid u ahaa, saddexdaasi waa ka Somaliland iyo<br \/>\ndastuurkeennu ku dhisanyahay, waa ka aynu ku nahay xisbiga KULMIYE iyo<br \/>\nbulshayntiisa oo iskaashaday,\u201d ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/Kulmiye-Arabsiyo-News-Giryaad.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-23983\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/Kulmiye-Arabsiyo-News-Giryaad.jpg?resize=696%2C463\" alt=\"Kulmiye Arabsiyo News Giryaad\" width=\"696\" height=\"463\" \/><\/a><br \/>\nWaxa kaloo uu wax ka tilmaamay ballanqaadyada uu ku dhaqmi doono haddii<br \/>\nloo doorto talada dalka, waxaannu yidhi, \u201cAniga waxa la iga qorayaa<br \/>\nmarkaynu doorashada ku soo baxno haddii Alle yidhaa oo aan ku dhaqmayaa<br \/>\nbarmaamijka xisbiga, sidii uu ugu dhaqmay Axmed Siilaanyo barmaamijkii<br \/>\nlagu doortay, haddana barmaamijkii dib baa loo habeeyey oo wixii innaga<br \/>\nhorreeyey ee hawlo ahaa waa la saxay, waxa kaloo aan ballanqaadayaa in<br \/>\naynu dadka talo-wadaag yeelanno KULMIYE oo dhan, in dalka bari iyo<br \/>\ngalbeed si caddaalad ah oo siman looga shaqeeyo oo cid walba xuquuqdeeda<br \/>\nla siiyo.\u201d<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyo Desk<\/p>\n<p>Arabsiyonews@gmail.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Shacabka ku Dhaqan Caynaba oo Isu-soo-bax Ballaadhan ku Muujiyey Taageeradooda Xisbiga KULMIYE iyo Taariikhda ka Dhaxaysa Caynaba (ArabsiyoNews)- Shacabka ku dhaqan magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar ee Somaliland, ayaa xaqiiyey taageerada ay u hayaan xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE iyo taariikhda u dhaxaysa xisbiga. Isu-soo-bax ballaadhan oo dadweynaha ku dhaqan magaalada Caynaba sameeyeen maanta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":23980,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-23977","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6eJ","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23977","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=23977"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23977\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=23977"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=23977"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=23977"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}