{"id":23784,"date":"2016-08-15T06:08:51","date_gmt":"2016-08-15T06:08:51","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=23784"},"modified":"2016-08-15T06:08:51","modified_gmt":"2016-08-15T06:08:51","slug":"usain-bolt-oo-taariikh-cusub-dhigay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/08\/15\/usain-bolt-oo-taariikh-cusub-dhigay\/","title":{"rendered":"Usain Bolt oo taariikh cusub dhigay"},"content":{"rendered":"<div class=\"story-body\">\n<div class=\"story-body__inner\">\n<p class=\"story-body__introduction\">Usain Bolt oo ah orodyahanka ugu dheereeya caalamka ayaa taariikh cusub dhigay kaddib markii uu markii saddexaad ee isku xigta uu ku guulaystay tartanka 100m ee Olympic-ada Adduunka.<\/p>\n<p>Orodyahankan u dhashay dalka Jamaica ayaa ka hormaray ninka ay aadka u xifiiltamaan ee u dhashay dalka Mareykanka ee Justin Gatlin.<\/p>\n<p>Ciyaaryahankan ayaa ku orday 9.81 ilbiriqsi, waa wax ka yar 10 ilbiriqsi.<\/p>\n<p>Bolt, oo ah 29-jir, ayaa sidaa markiisii saddexaad ee isku xigta ugu guulaystay billadda dahabka ee tartanka 100m ee Olympicada Adduunka, iyadoo uu horay ugu soo kala guulaystay Olympic-adii Adduunka ee 2008-dii lagu qabtay Beijing iyo middii London 2012.<\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"responsive-image__img js-image-replace\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/18A5\/production\/_90790360_b2775e23-3233-4269-83eb-8040a2ffa8cf.jpg?resize=696%2C392\" alt=\"Usain Bolt\" width=\"696\" height=\"392\" data-highest-encountered-width=\"624\" \/><\/span><figcaption class=\"media-caption\"><\/figcaption><\/figure>\n<p>Orodyahankan ayaa ku sii jira tartanka oo waxa uu doonayaaba inuu markiisii saddexaad oo xiriir ah uu ku guulaysto tartamada 200m iyo midka 400m ee qori isu dhiibka.<\/p>\n<p>Bolt ayaa waxa uu BBCda u sheegay inuu rajaynayay inuu aad u dheereeyo hasayeeshee uu ku faraxsan yahay inuu guulaystay.<\/p>\n<p>Goor sii horreysayna orodyahanka u dhashay dalka Koonfur Afrika ee Wayde van Niekerk ayaa ku guulaystay orodka 400m ee ragga, isagoo halkaana ku dhigay rikoor cusub kaddib markii uu orday 41.03 ilbiriqsi.<\/p>\n<p>Rikoorka uu orodyahankaasi jabiyay oo ahaa 43.18 ilbiriqsi ayaa 17 sano ka hor waxaa dhigay Michael Johnson oo u dhashay dalka Mareykanka.<\/p>\n<p>Teenisyahanka reer Britain ee Andy Murray ayaa isna ku guulaystay billaddii labaad ee dahab ah ee isku xigta Olympicada Adduunka.<\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"share share--lightweight  show ghost-column\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Usain Bolt oo ah orodyahanka ugu dheereeya caalamka ayaa taariikh cusub dhigay kaddib markii uu markii saddexaad ee isku xigta uu ku guulaystay tartanka 100m ee Olympic-ada Adduunka. Orodyahankan u dhashay dalka Jamaica ayaa ka hormaray ninka ay aadka u xifiiltamaan ee u dhashay dalka Mareykanka ee Justin Gatlin. Ciyaaryahankan ayaa ku orday 9.81 ilbiriqsi, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":23785,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-23784","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6bC","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23784","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=23784"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23784\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=23784"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=23784"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=23784"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}