{"id":23718,"date":"2016-08-12T14:20:00","date_gmt":"2016-08-12T14:20:00","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=23718"},"modified":"2016-08-12T14:20:00","modified_gmt":"2016-08-12T14:20:00","slug":"cisbitaalka-weyn-ee-magaaladda-hargeysa-oo-qarka-u-saaran-inuu-xidhmo-bukaan-badan-oo-laga-daad-gureeyay-iyo-xaalad-culus-oo-la-soo-daristay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/08\/12\/cisbitaalka-weyn-ee-magaaladda-hargeysa-oo-qarka-u-saaran-inuu-xidhmo-bukaan-badan-oo-laga-daad-gureeyay-iyo-xaalad-culus-oo-la-soo-daristay\/","title":{"rendered":"CISBITAALKA WEYN EE MAGAALADDA HARGEYSA OO QARKA U SAARAN INUU XIDHMO, BUKAAN BADAN OO LAGA DAAD GUREEYAY ,IYO XAALAD CULUS OO LA SOO DARISTAY"},"content":{"rendered":"<div id=\"ca-pub-7086183862113664:7114148830\" class=\"ads ads_before\"><\/div>\n<p><strong>\u201cRuntii Waan Dawakhay Oo Waan Dhex Joogi Kari Waayay Siifada Ka Uraysa Qolalka Gargaarka Deg Degga Ah,Iyo Nadaafad Daradda Haysata Oo Dibada Ayaan Uga Soo Baxay\u201d\u2026.Bukaan Socod Dhaliilay Tayada Cisbitaalka<\/strong><\/p>\n<p>Hargeysa (Foore) \u2013 Dhakhtarka Weyn ee Dawlada ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa mudooyinkan u dambeeyay adeeg la\u2019aan baahsani ka taagan tahay,waxaana badi laga daad gureeyay Bukaankii kala duwaa ee yaalay Waadhadhka Cisbitaalka sababo la xidhiidha dhakhtar la\u2019aan,Kalkaalis la\u2019aan iyo Nadaafad darro baahsan oo soo waajahday taasi oo u muuqata in Dhakhtarku uu u xidhmo marka loo eego Xaalada ka taagan.<br \/>\nWariye Wargeyska Foore ka tirsan oo Shalay booqday Cisbitaalka Weyn ee Hargeysa ayaa indhihiisa ku soo arkay Bukaan tiro badan oo laga daad guraynayay Cisbitaal kuwaasi oo Eheladoodu ay u qaadayeen Cisbitaalada Gaarka loo leeyahay,kadib sida la sheegay markii ay kala kulmeen Dhakhtar la\u2019aan iyo adeegga Cisbitaalka oo maalmihii u dambeeyay si weyn hoos ugu dhacay,waxa gabi ahaanba Xaalad xuni soo waajahday Qaybta Gargaarka deg degga ah ee la keeno badi bukaanadda xaaladaha Deg degga ah,kuwaasi oo u badan Dadka ku soo waxyeelooba Shilalka Gaadiid oo aad ugu badan Somaliland,kaasi oo ah Qaybta ugu mihiimsan ee laga qiimeeyo xaaladda uu ku sugan Adeegga guud ee Cisbitaalka Hargeysi. Cisbitaalka Hargeysi waxa uu u baahan yahay in gargaar deg deg ah lala gaadho si looga hortago inuu Albaabada Xidho,waxa burbursan Halka laga galiyo Bukaanka Gar gaarka deg degga ah,waxaana gabi ahaanba xidhan albaabka Weyn ee Wajahada hore ee Cisbitaalka kaasi oo ay baabiiyeen Dabaylihii Cuslaa ee ay Wateen Roobabkii dhawaan Hargeysa ka da\u2019ay.<br \/>\nWariyahan ayaa Ehelo badan oo bukaan ku hayay Cisbitaalka kula kulmay Albaabka hore ee laga galo Qaybta Gargaarka deg degga ah,kuwaasi oo dibada uga soo baxay Waadhadhka,waxa ay u sheegeen Wariyaha in Xaaladda Cisbitaalku ay aad u liidato islamarkaana ay ku jiri Kari waayeen oo ay xamili waayeen Siifad Xun iyo Nadaafad daro ka dhex taagan Gudaha Waadhadhka Qaybta Gar gaarka deg degga ah oo ay ku hayeen Bukaan xaaladoodu liidato, waxa ay u sheegeen inaanay Sidoo kale Dhakhaatiiri joogin Cisbitaalka. Mid ka mid ah Dadkii bukaanka ku hayay Cisbitaalka oo wariyahan la hadashay maruu waydiiyay Waxa dibada uga soo saaray Bukaankii ay la joogtay ayaa waxa tidhi\u201cRuntii Waan Dawakhay Oo Waan dhex joogi kari waayay Siifada ka Uraysa Qolalka Gargaarka Deg Degga Ah,Iyo Nadaafad Daradda Haysata Oo Dibada Ayaan Uga Soo Baxay,orod oo indhahaaga ku soo arag xaaladda ka taagan qaybta Gar gaarka deg degga ah bukaanka jiifa,qadhmuunka ka ururaya ayaad ku dawakhaysaa,waanu dhex joogi kari waynay,Cisbitaalkii guud waxa uu u dhaw yahay in laga guuro,dad badan ayaa markii ay ka ilwaayeen Dadkoodii geeyay Cisbitaalada Gaarka loo leeyahay\u201d.<br \/>\nInkasta oo Cisbitaalka Weyn ee Hargeysa dhismayaal Cusub lagu soo kordhiyay haddana waxaa ka jira Adeeg la\u2019aan baahsan.Waxa gabi ahaanba kharashkii kaalmada ahaa ee ay Dhakhaatiirta Cisbitaalka ka hawlgashaa qaadanaysay ka jaray Hay\u2019addo badan oo dalka xarumo ku leh kuwaasi oo sida la sheegay saluugay hanaanka maamul ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland hadda ku sugan tahay,iyadoo uu hore u xaqiijiyay arintaasi Wasiirka Caafimaadka Somaliland Md Saleebaan Ciise \u201cXaglo-Toosiye\u201d islamarkaana u sheegay inay Dhinaca dawlada ka sugayaan Kharash ay kaga maarmaan Kharashka ay bixinayeen Hay\u2019addaha Ajaanibka ahi.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u201cRuntii Waan Dawakhay Oo Waan Dhex Joogi Kari Waayay Siifada Ka Uraysa Qolalka Gargaarka Deg Degga Ah,Iyo Nadaafad Daradda Haysata Oo Dibada Ayaan Uga Soo Baxay\u201d\u2026.Bukaan Socod Dhaliilay Tayada Cisbitaalka Hargeysa (Foore) \u2013 Dhakhtarka Weyn ee Dawlada ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa mudooyinkan u dambeeyay adeeg la\u2019aan baahsani ka taagan tahay,waxaana badi laga daad [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":23719,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-23718","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-6ay","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23718","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=23718"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23718\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=23718"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=23718"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=23718"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}