{"id":23452,"date":"2016-08-04T13:22:28","date_gmt":"2016-08-04T13:22:28","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=23452"},"modified":"2016-08-04T13:22:28","modified_gmt":"2016-08-04T13:22:28","slug":"siyaasi-ismaciil-buubaa-oo-ka-hadley-halka-ay-marayso-qabanqaabada-shir-beeleedkii-ay-ku-dhawaaqeen-isaga-iyo-axmed-mire","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/08\/04\/siyaasi-ismaciil-buubaa-oo-ka-hadley-halka-ay-marayso-qabanqaabada-shir-beeleedkii-ay-ku-dhawaaqeen-isaga-iyo-axmed-mire\/","title":{"rendered":"SIYAASI ISMACIIL BUUBAA OO KA HADLEY HALKA AY MARAYSO QABANQAABADA SHIR BEELEEDKII AY KU DHAWAAQEEN ISAGA IYO AXMED MIRE"},"content":{"rendered":"<div class=\"post-body entry-content\">\n<p>Hargeysa <strong><em>(Arabsiyo-News):-<\/em><\/strong>\u00a0 Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hure Buubaa\u00a0 ayaa ka waramay qaban qaabada shirka ay doonayaan inay qabsadaan beelaha galbeedka Burco iyo bariga iyo koonfurta bari ee Hargeysa iyo sida uu arko aragtida taban ee gudoomiyaha xisbiga Ucid ka bixiyey.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-27433 aligncenter\" src=\"http:\/\/i0.wp.com\/ilaysnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/Buubaa.jpg?resize=499%2C374\" sizes=\"auto, (max-width: 499px) 100vw, 499px\" srcset=\"http:\/\/i0.wp.com\/ilaysnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/Buubaa.jpg?w=700 700w, http:\/\/i0.wp.com\/ilaysnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/Buubaa.jpg?resize=300%2C225 300w, http:\/\/i0.wp.com\/ilaysnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/Buubaa.jpg?resize=258%2C193 258w\" alt=\"Buubaa\" width=\"499\" height=\"374\" \/><\/p>\n<\/div>\n<p>Siyaasi Ismaaciil Buubaa oo waraysi gaar ah siiyey wargeyska Geeska Afrika ayaa ka hadlay cadaadis la sheegay inay xukuumadu saartay sidii aan loo qaban lahayn shirkaasi, balse waxa uu tilmaamay in qaban qaabashada shirkaas ay gacanta u galiyeen madax dhaqameedka ilaa hadana aan wakhti loo qaban.<\/p>\n<p>Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa\u00a0 oo ka hadlaya wakhtiga shirkaasi la qabany ayaa hadalkiisa ku bilaabay \u201cShirkaas lama odhan dib buu u dhacay\u00a0 mana maqal wakhti uu dhacayana lama sheegin, Guddidii dhaqanka ee loo saaray arintaas wali war nagumay soo celin\u00a0 wakhti loo qabtayna ma jiro\u201d<\/p>\n<p>Ismaaciil Hure Buubaa oo aanu wax ka waydiinay cadaadiska la sheegay inay xukuumadu saartay qabashada shirkaasi ayaa waxa uu ku jawaabay \u201cBeeluhu waa kuwaas wada shiraya\u00a0 ee meel kasta lagu shirayo\u00a0 oo waxba kuma jabna, laakiinse waxa loo shirayaa waa maxay?, haddii uu yahay wax danaha umadda dhibaato u geysanaya ha laga fiirsado\u00a0 laakiin haddii uu yahay shir wax hagaajinaya ilama aha inay wax dhibaato ahi ku jiraan, Aniguna\u00a0 ma filayo wax dhibaato ah oo shirkan umadda\u00a0 ugu jira inay ka soo bixi doonaan\u00a0 wanaag mooye\u201d.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxa uu ka hadlay sida ay la tahay aragtida uu gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ka bixiyey shirkaasi ayaa waxa uu yidhi \u201cQofku xaq buu\u00a0\u00a0 leeyahay cidna afka la qaban maayo, lamana cabudhinayo, haddii uu isagu (Eng: Faysal Cali Waraabe) sidaas u arko shirka\u00a0 dad badan oo kalena\u00a0 si kale ayey u arkaan, waana dimuqraadiyad, qofna afka ma qaban karo qof kale laakiin waxa fiican in wixii wanaagsan laga wada shaqeeyo.\u201d<\/p>\n<p>Sidoo kale\u00a0 mar aanu siyaasi Ismaaciil Buubaa waydiinay in ujeedada shirkaas ay u qabanayaan tahay sidii ay beelaha shirayaa u taageeri lahaayeen xisbi kaliya ayaa waxa uu ku jawaabay \u201cMa jecli runtii aan ka hor dhaco, shirkan dad dhaqan ayaa loo saaray, waxaanu shirkani ku hawlan yahay wanaaga iyo wax wada qabshada, arimaha siyaasadana waa loo iman doonaa oo wakhtigooda ayaa la gaadhi doonaa, sidaas ayaanay arintu madax dhaqameedka gacantooda ugu jirtaa oo aanay siyaasiyiinta ugu jirin.\u201d<\/p>\n<p><strong><em>Source:- Geeska<\/em><\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo-News):-\u00a0 Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hure Buubaa\u00a0 ayaa ka waramay qaban qaabada shirka ay doonayaan inay qabsadaan beelaha galbeedka Burco iyo bariga iyo koonfurta bari ee Hargeysa iyo sida uu arko aragtida taban ee gudoomiyaha xisbiga Ucid ka bixiyey. Siyaasi Ismaaciil Buubaa oo waraysi gaar ah siiyey wargeyska Geeska Afrika ayaa ka hadlay cadaadis la [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":23453,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-23452","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-66g","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23452","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=23452"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23452\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=23452"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=23452"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=23452"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}