{"id":23282,"date":"2016-07-28T14:51:29","date_gmt":"2016-07-28T14:51:29","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=23282"},"modified":"2016-07-28T14:51:29","modified_gmt":"2016-07-28T14:51:29","slug":"daawo-shirkii-golaha-wasiirada-xukuumada-sland-oo-cod-gacantaaga-lagu-maalmariyey-heshiiskii-dekada-berbera-dp-world","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/07\/28\/daawo-shirkii-golaha-wasiirada-xukuumada-sland-oo-cod-gacantaaga-lagu-maalmariyey-heshiiskii-dekada-berbera-dp-world\/","title":{"rendered":"Daawo shirkii Golaha Wasiirada Xukuumada S\/land oo  cod gacantaaga Lagu maalmariyey heshiiskii dekada berbera DP world"},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN) :Shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirada Somaliland, oo tirsigiisu yahay 200 ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28-07-2016 ku qabsoomay hoolka shirarka ee golaha Wasiirada.<\/p>\n<p>Shirkan oo uu gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, weheliyeyna Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabduraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa waxa xaadir ku ahaa aqlabiyadda xubnaha golaha wasiirada, waxaana lagu falanqeeyey, ajandeyaal dhawra balse waxa hagoogay oo ugu badnaa qodobka saddexaad ee ajendahaasi oo ahaa Ansixin Heshiiska Maalgashiga Dekeda Berbera.<\/p>\n<p>Xubnihii golaha wasiirada ee qaybta ka ahaa wada hadalka ayaa halkaa warbixin hordhac ah golaha ugu jeediyey, wasiirka wasaaradda Madaxtooyada oo ku hadlayey afka xubnaha wasiirada ee hashiiska u qaabilsanaa dawladda, wasiirka khaarajiga oo maqnaa awgeed, waxa ka mid ahaa hadaladiisa in ay dekedda ku tartameen dib u dhiskeeda iyo maalgashigeeda, ilaa siddeed shirkadood oo caalamiya, iskuna soo hadheen ugu dambayn shirkadaha faransiiska ee Blore iyo Shirkada DP World ee Imaaraadka oo iyadu tartanka heshiiska loo galay mar dambe soo gashay.<\/p>\n<p>Wasiirku wuxuu sheegay in shirkada Caalamigaa ee DP World ee dalka imaaraadka ay tahay tan ay Somaliland ugu jirto maslaxadda iyo faa\u2019iidada ugu badani, sidaana ay ku qaadday inay noqoto shirkadda si kama dambaysa ah loola gelayo heshiiska, iyadoo shirkadihii kalena si cad loogu sheegay in ay Somaliland qaadatay inay heshiiska la gasho DP World.<\/p>\n<p>Wasiirku waxa uu sharxay isagoo kaashanaya garyaqaanadii xukuumada u qaabilsanaa dhinaca sharciga ee heshiiska.<\/p>\n<p>In aanay jirin haba-yaraatee deked la wareejinayo ama la iibinayo, balse dekedda dalku leeyahay weligiina lahaan doono, balse heshiisku yahay in muddo cayiman la kireeyey dekeda taasina tahay wax caalamka ka dhaca oo dawladaha dhex mara.<\/p>\n<p>In Markii dhinac walba laga eegay heshiiskaasi faa\u2019iidadiisa weyni ay helayaan shacbiga Somaliland, faa\u2019iidadaas oo ka badan ta ay ka helayso DP World, hase ahaatee shirkaduna dhinaceeda ay helayso faa\u2019iido, markaana labada dhinacba ay dani ugu jirto.<\/p>\n<p>In aanay jirin waddo kale oo aynu marno oo aynu ku dhisano dekedeena, madaama aynaan heli Karin deyn ama amaah aan ku dhisano iyo deeq deked dhista oo layna siinayo<\/p>\n<p>In dekeda Berbera iyo dekeda Cadan ay markii hore ahaayeen labada dekedood ee ugu caansan marin biyoodka Gacanka Cadmeed, balse maanta ay yihiin kuwa ugu dambeeya, haddii aynu imika wax ka qaban waynana aanu wakhtigu ina sugayn, taasina ay tahay sababaha ugu weyn ee aynu heshiiskan u galnay<\/p>\n<p>In shirkada DP World noqotay shirkada hantida ugu badan gelinaysa dekeda taasoo dhan 442Milyuun oo doolar, muddada kirada oo ah 30 sanadood ay tahay mudada ugu macquulsan ee heshiis noocan ah la geli karo, sida ay sheegeen sharci yaqaanadu.<\/p>\n<p>In 12 bilood gudohood oo ka bilaabma maalinta heshiiskaasi si kama dambays ah loo saxeexo, saxeexaas oo dhacaya wiiga ugu horeeya ee bisha inagu soo fool leh lagu dhiso deked cusub oo baaxadeedu tahay 400M, ilaa dekedda cusub la dhisana aan dekedii hore la taabanayn<\/p>\n<p>In dekeda cusub ka dib la gelayo casriyeynta iyo balaadhinta dekeda hore.<br \/>\nIn deked saddexaad la dhisi doono oo iyana baaxadeedu dhan tahay 400M, marka 75% ay shaqada labada dekedood ee hore hirgalaan.<\/p>\n<p>In Shaqaalaha hadda jooga dekedu ay sidooda u sii wadan doonaan shaqada, oo weliba tiradoodu sii kordhi doonta marba marka ka dambaysa oo halka ay imika ka yihiin 840 ay noqon doonaan ilaa 3,000 oo marka saddexda dekadoodba shaqeeyaan.<\/p>\n<p>In dawladda Imaaraadka Carabtu gaar ahaan shirkada DP World ay qayb weyn ka qaadanayso dhismaha jidka isku xidhaya Somaliland iyo Itoobiya.<\/p>\n<p>In ujeeddada shirkada DP World ay ka leedahay heshiiskan ay tahay inay gaadho dadka boqolka malyuun ku dhaw ee itoobiya, isla markaana ay itoobiya aad u danaynayso in badeecadaha ay dhoofiso iyo kuwa ay soo dejisaba, qaybo ka mida jeceshay inay soo marto Somaliland, sidaa awgeedna ay caddaysay Itoobiya inay soo dhawaynayso heshiiska dhexmaray Somaliland iyo DP World.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span class=\"embed-youtube\" style=\"text-align:center; display: block;\"><iframe loading=\"lazy\" class=\"youtube-player\" width=\"696\" height=\"392\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/dZ35oYWbrnc?version=3&#038;rel=1&#038;showsearch=0&#038;showinfo=1&#038;iv_load_policy=1&#038;fs=1&#038;hl=en-US&#038;autohide=2&#038;wmode=transparent\" allowfullscreen=\"true\" style=\"border:0;\" sandbox=\"allow-scripts allow-same-origin allow-popups allow-presentation allow-popups-to-escape-sandbox\"><\/iframe><\/span><\/p>\n<p>Arabsiyo.net<\/p>\n<p>Arabsiyonews@gmail.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN) :Shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirada Somaliland, oo tirsigiisu yahay 200 ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28-07-2016 ku qabsoomay hoolka shirarka ee golaha Wasiirada. Shirkan oo uu gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, weheliyeyna Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabduraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa waxa xaadir ku ahaa aqlabiyadda xubnaha golaha wasiirada, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":13311,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-23282","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-63w","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23282","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=23282"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23282\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=23282"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=23282"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=23282"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}