{"id":23207,"date":"2016-07-24T17:40:30","date_gmt":"2016-07-24T17:40:30","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=23207"},"modified":"2016-07-24T17:40:30","modified_gmt":"2016-07-24T17:40:30","slug":"xisbiga-kulmiye-oo-warsaxaafadeed-ka-soo-saaray-ujeedada-kulan-dhexmaray-gudoomiye-muuse-biixi-iyo-ergayga-midowga-yurub-uqaabilsan-sland-iyo-somaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/07\/24\/xisbiga-kulmiye-oo-warsaxaafadeed-ka-soo-saaray-ujeedada-kulan-dhexmaray-gudoomiye-muuse-biixi-iyo-ergayga-midowga-yurub-uqaabilsan-sland-iyo-somaliya\/","title":{"rendered":"Xisbiga Kulmiye oo warsaxaafadeed ka soo saaray ujeedada kulan dhexmaray Gudoomiye Muuse Biixi iyo ergayga midowga yurub uqaabilsan S\/land iyo Somaliya"},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna<br \/>\nmurrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa<br \/>\nuu galinkii dambe ee maanta kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub u<br \/>\nqaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Michele Cervone D&#8217;Urso oo isaga<br \/>\nwefti uu hoggaaminayaa booqasho ku yimaadeen dalka, sidoo kalena hore<br \/>\nula kulmay Madaxweynaha Qaranka Mudane Axmed Maxamed Maxamuud<br \/>\n(Siilaanyo).<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/20160724_.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-23210\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/20160724_.jpg?resize=696%2C522\" alt=\"20160724_\" width=\"696\" height=\"522\" \/><\/a><\/p>\n<p>Kulanka oo ka dhacay xafiiska ururka Midowga Yurub ee caasimadda<br \/>\nHargeysa, waxa Guddoomiyaha KULMIYE iyo Safiirka Midowga Yurub yeesheen <a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/20160724_14.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-23209\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/20160724_14.jpg?resize=696%2C522\" alt=\"20160724_14\" width=\"696\" height=\"522\" \/><\/a><br \/>\nwadahadal ay ku falanqeeyeen arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin;<br \/>\nxidhiidhka mucaawimo iyo siyaasadeed ee ka dhexeeya Somaliland iyo<br \/>\nUrurka EU-da, doorashooyinka Somaliland iyo xaaladaha xilligan ka jira<br \/>\nmandaqada Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka.<br \/>\nGuddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu uga mahadceliyey dalalka reer Yurub<br \/>\ntaageerada dhaqaale iyo qaadhaanka nidaamka dimuqraadiyadda ee ay<br \/>\nsiiyaan Somaliland, taas oo uu ka codsaday inay sii wadaan. Sidoo kale,<br \/>\nwaxa Guddoomiyuhu uga mahadnaqay safiirka oo hadda ka tagaya xilka sidii<br \/>\nuu ula shaqeeyey Somaliland muddadii uu hayey shaqan.<br \/>\nWaxa kaloo uu xog-warran ka siiyey safiirka xaaladda guud ee Somaliland,<br \/>\ngaar ahaan halka ay marayso diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo u<br \/>\ndiyaargarowga doorashooyinka u qorshaysan dabayaqaada bisha March 2017.<br \/>\nWaxaannu Guddoomiyuhu caddeeyey in xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa ay<br \/>\nka go\u2019antahay in doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigooda oo aanay<br \/>\nmaalina dhaafin, isla markaana dhammaan waajibaadkii kaga beegnaa<br \/>\ndiyaarintooda ay dhammaystireen, si gaar ahna doorashada Madaxtooyadu<br \/>\nmar walba xukuumadda iyo xisbigeeda diyaar ka tahay.<br \/>\nHaseyeeshee, doorashada Golaha Wakiillada ay hortaalo qabyo ka jirta<br \/>\nxeerkii lagu dooran lahaa mudanayaasha aqalkaasi oo aan diyaar ahayn,<br \/>\ntaasina culayskeeda leedahay, balse hadda la wado dedaal axsaabta<br \/>\nQaranku hormood u yihiin si loo suurtogeliyo in doorashada wakiilladu ku<br \/>\nqabsoonto waqtigeeda.<br \/>\nWaxa kaloo labada dhinac isla soo qaadeen xaaladdaha xilligan ee<br \/>\nmandaqada, gaar ahaan Geeska Afrika iyo kuwa caalamiga ah sida<br \/>\nnabadgalyada, siyaasadda iyo kaalinta Somaliland kaga jirto ka<br \/>\nwadashaqaynta ilaalinta maslaxadaha dunida iyo gobolkaba iyo ka<br \/>\nhortagista waxyaabaha dhibaatada ku noqon kara ammaanka.<br \/>\nDhinaca kale, Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo<br \/>\nSoomaaliya Mr. Michele Cervone D&#8217;Urso waxa uu soo dhaweeyey mowqifka<br \/>\nxisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa ee qabsoomidda doorashooyinka.<br \/>\nWaxa kaloo uu ballanqaaday in aanay waxba iska beddelayn mucaawimooyinka<br \/>\nMidowga Yurub siiyo Somaliland, isla markaana ay sii socon doonto<br \/>\ntaageerada ay kaga qaybqaataan arrimaha doorashooyinka Somaliland.<br \/>\nGuddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi waxa ku wehelinayey kulanka<br \/>\nWasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi<br \/>\nCumar, halka safiirkana ay la socotay kaaliyihiisa gaarka ah Eva<br \/>\nAtanassova.<\/p>\n<p>ALLAA MAHAD LEH.<\/p>\n<p>Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)<br \/>\n_________________________________<br \/>\nAf-hayeenka Xisbiga KULMIYE<br \/>\nEmail: kulmiyemanager@gmail.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu galinkii dambe ee maanta kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Michele Cervone D&#8217;Urso oo isaga wefti uu hoggaaminayaa booqasho ku yimaadeen dalka, sidoo kalena hore ula kulmay Madaxweynaha Qaranka Mudane Axmed [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":23209,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-23207","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-62j","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23207","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=23207"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23207\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=23207"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=23207"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=23207"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}